july .19.2008 Waagacusub.net sheekooyinka jaceylka

Haweeney u dhalatay dalka Mareykanka ayaa noqotay haweeneyda ugu cijiyaha dheer(cidiyo)aduunka iyadoo
gashay buuga mucjisooyinka aduunka lagu qaro .

 

 
 


Raymond 65-sano jir ah ayaa dhirarka cijiyaheeda gaarayaan 7.51 mitir iyadoo intii ay socotay munaasabada loogu aqoonsanayay haweeneyda ugu cidiyaha dheer ayay sheegtay in ay si weyn ugu faraxsan tahay jibinta ricordkaani .

 
Reymond waxa ay sheegtay in cijiyaha(cidiyaha) aysan jaran oo ay daysay muddo haatan laga joogo 29-sano maalinta maalinta ka dambeeysana ay kobcayeen cidiyaha.



"Buraashka lagu cadeeysto(cadaydo) ayaan ku nadiifin jiray oo wasaqada kaga ilaalin jiray aadna ayaana u rinjiyeeyay oo wax baan marin jiray oo lagu qurxiyo , waxaana ku kobcin jiray saliid diiran oo aan marin jiray", ayay tiri haweeneyda ugu cidiyaha dheer aduunka.

Balse waxa ay haatan shaaca ka qaaday in ay dooneyso in ay qaadato sanadkaani marka uu dhamaado go`aan ay ku gaabineyso iyadoo tiri "waxaan doonayaa in ana daryeelo Ninkeyga oo ka cabanaya duqnimo si aan u daryeelo ayaan sidaasi u sameeynayaa".

Waxa ay sheegtay in jiifka uu dhib ku hayo oo cijiyaha ay sariirta buuxinayaan iyana dadaal iyo ilaalo gooni oo xoogan ku ahaayeen cidiyaha dhaadheer ee mudadsi 29-ka sano aysan jarin .

Cismaan Xasan Cali (Fantastic)
ossmanfantastic@hotmail.com

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com



 
ŠAll Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software