july .19.2008 Waagacusub.net sheekooyinka jaceylka

67 jir qaba 21 Xaas oo Mareykanka lagu xukumayo.
 
 


Wadaad ka tirsan madhabta kirishtaanka mayalka adag ee loo yaqaan (Jesus-Christ and last days) ayaa lagu eedeeyay inuu si sharci-darro ah u guursaday 21-xaas,kuwaasoo uu ku qabay guri-qasri ah oo ku yaal Gobolka Texas ee dalka Mareykanka.

Ninkan oo lagu magacaabo Wendell Loy Neilsen da,diisana lagu sheegay (67-jir)ayaa la ogaaday,kadib markii ay booliiska soo wacday,gabar dhoocil ah (teen-age) oo ka tirsan madhabtan mayalka adag,oo sheegtay inay wadaadada doonayaan inay si qasab ah oogu guuriyaan nin 50-sanno jir ah oo ka tirsan kooxdan aaminsan in qiyaamihii soo dhawaaday,sidaas daraadeedna la guursado xaasas-badan.

Wendell Loy ayaa xaaskiisa oogu weyn da,deedu tahay (79-sanno) halka mida oogu da,da yar ay tahay (24-jir),caruurta ay 21-xaas u dhaleena waa 36-caruuur.

Booliiska Gobolka Texas ayaa weerar ku qaaday dhamaan goobahii ay deganaayeen dumarkaa aaminsan madhabtan,waxayna kala wareegeen 416-caruuur ah, waxaana la geeyay caruurta goobo lagu baarayo caafimaadkooda.

Waxaa xusid mudan in hogaamiyihii kooxdan masiixiga ee mayalka adag (Mr Warren Jeffs) 2-sanno ka hor lagu xukumay xabsi daa`in kadib markii lagu helay inuu si sharci-darro ah u guursaday laba gabdhood oo ilma-adeer ah,oo aan weli qaan-gaarin, ninkan ayaa weli qaba 40-xaas,waxayna u hayaan 60-caruur,kooxdan ayaa lagu eedaayaa inay maskaxda ka xadaan dumarka ay guursanayaan (brain-wash), iyagoo u balaan-qaada, inay Janno galayaan hadii ay qaataan amarada diintan oo dhigeysa in la guursan-karo 50-dumar ah.
 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmai
l.com



 
ŠAll Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software