Dicember .18.2007 Waagacusub.net Sheekoyinka jacaylka

Miyaan dooqa keligeey laheyn?Qeybtii 1aad:
 
 



Waxa ay goor aroor ah cirkuna ku gadaaman yahay mugdigii habeenimo waxaad moodaa inaanu waagii baryin kolka aad eegto sida ay carrada u tahay mugdi madow, hadana marka aad sii mlicsato goor sheegtada (saacadda) waxaad ogeynaa in waagii baryey mar hore.

 Balse cimiladu sidaasi u tahay caado kolka la gaaro xilligeeda.

Qabow aad u xun baa dhacaya dadkuna waxaad moodaa awr rarkii laga badiyey oo culeys aawgiis dhaqaaqi waayey, ileyn dhar culus bey xiran yihiin oo ay kaga dugaashanayaan qabowga daran ee jiira.

Amranse iyadoo aad moodid iney qabar daar ka tahay cimilada halka ay joogto ayey iska soctaa, dhar sidaas u buuran maheysato oo ay kaga gaashaamato qabowga, balse dhar wey xiran tahay oo lama orana karro wey dhar la'dahay. Laakin si bey isku la'dahay.

 Guriga ay degan yihiin dhowr talaabo ayuu u jiraa rugta basaska xaafada laga raaco gaadiidka.

Amran iyadoo laga aqrisan karro dhiilada wejigeeda saaran ayey timid halkii lugu sugayey baska, waxeyna dareemaysay daal aad u daran iyo hurdo la’aan lasoo deristay labadaan berri.


Waxaa hareeraha meesha lugu sugayo baska taagnaa dad badan oo ay soomaali ka mid yihiin.

Mase sii fiirin waxa ay yihiin oo maqaar madoobidooda ayey aragtay iney soomaali yihiin umase juuqin oo waxaa weli maskaxdeedii ka guuxaya qeyladii islaanta hooyadeed ahaa iyo wiilkii walaalkeed ee isna ugu hanjabay inuu dilli doono hadeysan ka maqal warka hooyadeed.

Qurbaha kolka la yimaado dhul jaceylka iyo xiisaha dadkaaga waa kugu bataan oo ma deysid deymada ruuxa aad u moodo inuu soomaali yahay, sidaas daraadeed Amran iyadoon subaxaasi ku heyn maskaxda iney qofna la hadasho ayey maqashay ruux ku salaamaya salaanta Islaamka "Salaama caleykum", iyadoon sii eegin bey ka qaaday qofkii salaamay "wacaleykuma salaam".

Wax yar kadib ruuxii salaamay baa hadana ku celieyey "walaal waa meeqo saac" Cajiib! salaan lee isku ogaaye maxaa hadana saacad weydiintaan” bey iskula hadashay!
Inkastoo aysan jeceleyn iney lasii hadasho ruuxii sacada weydiiyey mowjad kale oo ku furnaa awgeed, misna waxey muujisay dabacsanaan waxeyna u sheegtay saacaddu intey aheyd.

"Mahadsanid" baa ugu xiggay erey ay maqasho, laakinse weli ma arag ruuxa salaamay muuqaalkiisa ee waxaa galay shaki ah iney labo qof la hadashay iyo inkale.

Intey maskax ahaan isku mashquulsaneyd baa baskii soo istaagay meesha, markii ay kortay baska oo weliba hubsatay iney fadhido booskeeda ayey ogaataay ruuxii goor dhaweyto salaamay misna saacada intey tahay weydiiyey inuu ahaa hal ruux, ileyn waa tii ay ka shakisaneyd e.

Waxey ogaatay inuu ahaa wiil soomaaliyeed oo taagnaa bartii lugu sugayey basaska.

waxeyse isweydiisay sababta uu weydiiyey saacada. Malaha maanka kuma heyso in qofka uusan heysan karin saacad ama uu guriga uga soo tegi karro ee waxey u qaadatay weydiintu "hadal bilowgiis e" .

Amran ma diidaneyn wiilka inuu wax weydiiye e waxaa subaxaasi ku furnaa buuq badan oo ka qeylinayey maskaxdeeda, walow uu dareenkeedii soo jiitay markii ay aragiisa aragtay kolkii ay ku fiiray il qooraan, hase ahaatee dan kama gelin e waxey sii raacatay danaheedii gaarka.

Sodon daqiiqo kadib Amran waxey timid iskoolkeedii walow aysan subaxaasi haba yaraatee xiisad laheyn, hadana waxaa qorshaha ugu jiray iney maalintaasi iska joogto guriga oo ku nasato, laakinse haddii ay joogi laheyd guriga waxeysan ka nabad gasheen buuq iyo qeylada hooyadeed oo ay baryahan isku aheen sidii hore waa labo daran mid doorrro.

Iskoolkii bey timid ma taqaan meel ay jaaha saarto, saaxiibayaalkeed qaar baa xiisada ku jira oo uma geli karto fasalka, wayse ku qasban tahay iney sugto inta ay ugu soo dhamaaneyso xiisadda.

Iyadoo si hoosta uga guuxeysa ayey u luuday dhankii maqaaxida ee laga cabo qaxwaha oo ay iskaga sugtay saaxibayaalkeeda walow ay daahsatay imaanshahooda.
In door ah markii ay fadhisay meeshay ayey soo baxeen Sucaad iyo Caasha oo ah labada ay ugu kalsooni badan tahay saaxibayaalkeeda kale.

Meeshii waxaa ka bilowday isbariidin iyo isnabadeyn, waxaana la galay sheeko iyo inuu ka sheekeyo qof walba sida ay xaaladiisa tahay iyo waxa u qorsheysan iney qabto maanta gelinka danbe kolka laga soo rawaxo iskoolka ama laga yimaado.

Lasoco qeybaha  danbe insha Allaah……………….!

 

Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com

 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software