Dicember .18.2007 Waagacusub.net Sheekoyinka jacaylka

Sheeko : Xubigii karfantiisa xirtay qeybtii 1aad

 
 


Waxay aheyd maalin aad u kuleyl badan, waxaan sugaayey baabuur waxa baabuurka sugaayey keligey ma aanan aheyn ee dad badan ayaa ila sugaayey, waxaana jirtey baabuur yari, kuleelkuna xad dhaaf ayuu ahaa, waqti dambe ayaa la gaarey waxaana la go’aansadey in la isku lug darsado, socodkeenii ayaan Waxaan ku bartey gabar ayaduna ka mid aheyd kuwa baabuurka sugaayey, waxaanu isku baraney kaftan, sidii loo kaftamaayey ayaa meeshii la is ku bartey, waxay aheyd gabar bashaash ah oo soo jiidasho leh, joog iyo jamaalba ilaahey ugu deeqey.

Socodkii anagoo sii wadana ayaa hal-hal loo kala haraayey, qof walbo markii xaafadiisa la soo gaaraba wuu haraayey, ugu dambeyn Waxaan isku soo harney aniga iyo ayada iyo nin wadaad ah, labo talaabo ka dibba wadaadkii luuq halkaasi ahaa ayuu ku leexdey labadeenii ayaa halkaasi isku soo harney, markaasaan wareysi ku bilaabey, wixii hore kaftan bey ahaayeen balse hadda waxaa la taagan yahay xaqiiqdii.

Waxaan su’aaley xageed degan tahay abaayo? waxay igu jawaabtey Waxaan deganahay xaafadda x/jajab markaasaan ku iri aniguna sidoo kale hore ayaanu isku weheshaneynaa, waxay aheyd hal saac fiidnimo markaan xaafadii imaaney ayey igu tiri gurigaasi ayaan deganahay, guri fillo ah oo qurux badan bey kor dheer iga tustey, dabadeed ayey iska key bartey magaceyga waa Amaal, adna kaaga iisoo baas waxaan la soo boodey Aadan.

Waxaa la soo gaarey waqtiga la kala hari lahaa, waxay igu tiri waxaan jeclaan lahaa in uu noqdo kulankeenu mid la xusuusto hadalkeedii ayey sii wadatey weliba mid xiriir ku dhamaada in uu noqdo ayaan rajeynayaa waana amarkaagey waxaana la amakaagey xiriirka ay sheegeyso waxaana weydiiyey xiriirka aad sheegeyso ii magacaawwaxayna hadalkeeda igu soo koobtey hadeer lama magacaabi karo waan is macasalaameyney.

Waan ka soo dhaqaaqey si toos ayaan waxaan soo abaarey guriga, reerkii oo dhan wey wada dhan yihiin qof maqan ma uusan jirin aniga mooyee, telefishin ayey fiirsanaayaan, balse aniga telefishin iigama cadeen weli ereygii xiriirka ahaa ayaan doonayaa in aan maskaxdeyda ka shaqeysiiyo oo aan weliba soo saaro waxa ay ka wado, fikir badan kadib wax jawaab ah qalbigeyga ma uusan isiinin, waan iska seexday.

Suxibii markaan hurdada ka soo toosey ayaa waxaa guriga igu yimid saaxiibkeyga Muxudiin oo loo yaqiiney (Diinow) kaasoo ahaa Saaxiibkeyga midka aan isku ruuxa nahay, markaasaan arrintii u bandhigey iyo weliba ereygii aan la amakaagsanaa (xiriir) wuxuu igu yiri war waa fursad ee ka faa’ideyso, gabadhu wey ku jeceshahay sida ay ila tahay.

Lasoco qeybaha kale haduu eebe qadaro

Saadaq Cali
saadaqcade@yahoo.com

 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software