Dicember .18.2007 Waagacusub.net Sheekoyinka jacaylka

Galgacalkii Qorsoonaa (Sheeko Xiiso badan )qeybtii 14 aad

 
 


markiiba,waxaa fani la soo agdhigay macmacaan iyo weliba wixii ku haboonaa in lagu soo dhoweeyo ruux si sare loo qiimeeyo….

kaftan iyo sheeko iska caadi ah ayaa in cabaar ah la waday..

ka dibna muniiro ayaa markan damacday in ay soo bandhigto ujeedada ay saaxiibteed u casuuntay.

Axmed isagu hadallada oo dhan wuxuu ka dhageysanayaa sariirtiisa dusheeda oo si aad ah ugu dhoweyd..

qolka ay labada gabdhood ku jireen.

Muniira ayaa hadalkii bilowday iyadoo leh.."abaayo fani maanta anigaa kuu yeeray..

waxaana kaa leeyahay dan weyn oo aan rabo in aad iga ogolaato …

abaayo ma aha wax dhibaato kuu keenayo mana aha wax imika cusub oo ceeb ah..

waa wax soo jireen ah oo dunida ka jiray.. 

Fani ayaa hadalka ka dhex gashay saaxiibteed oo tiri..

abaayo macaanto wax aan kaa diidi karo miyaa jira?ii sheeg waxa ad iga rabto oo aniga igu xiran…

Muniira oo dhiirranaan iska raadineysa ayaa tiri..abaayo waxaan rabaa in aan ku ogeysiiyo in walaalkey axmed ee aan jeclahay uu dartaa udhibaatoonyahay..

Yaaaaaaaaaaah…abaayo maxaan ka sameeyay oo uu iga tabanayaa ma rabi axmed in uu iga xumaado abaayo maxaan u dhimay ayay fani si naxdin leh ugu hadaaqday...

waxaana indhaheeda soo dhaafay illimo ay awoodi weysay in ay xakameyso..

muniira oo dejineysa fani arrintana dhinac kale ka tuseysa ayaa tiri..

abaayo wax kama aadan sameyn ee wuu ku jecelyahay wuxuuna doonayaa in aad wax la qabato…

Axmed markaasi farta ayuu wadnaha ku hayaa wuxuuna dhowrayaa jawaabta ay fani ka bixineyso…

Fani ayaa mar qura indhaha taagtay..yaab baa alla ukeenay..

wey qaadan weysay waxa dhegaheeda ku dhacay..

waxay u hollatay in ay hadasho balse hadalkii baaba ku dhegay …

goor dambe ayay si dhib ah u tiri…ma qaadan karo mana rumeysan karo abaayo waxa aad iila timid..

ma waxaad abaayo muniiro dooneysaa in aad igu ciyaarto..

aniga hadaan walaalkaa dembi ka gelin..

waa maxay waxa kale oo aad iigu wacday..

Allow yaa u sheega in naf aan rabin uu jacaylku qasab ugu xiray…

imikana ay u boholyoobeyso..

Muniira..ayaa mar kale saaxiibteed la hadashay oo tiri..

abaayo waxa aan kuu sheegayo maaha dhalanteed..

waa run walaalkey dartaa buu harsi iyo hurdo uga go,ay kuguma ciyaarayo.

fadlan ha u deyrinin ee wax la qabo…

Fani markii intaa lagu yiri..qalbigaa dhalaalay ..

meel laga jiro iyo meel kale ayay aqoon weysay..

wax ay ku hadashana wey garanweysay…

qudheeda ma oga waxa nafteeda ku soo kordhay waxayse dareensaneyd in maanta aysan ahayn sideedii hore ..

fani dareenkeedii hore wuxuu is badal ku dhacay markii weligeed ay aragtay axmed juqraafi oo deymo kalgacayl ku dheehanyahay ku eegaya .

markaas oo iyadii dhan niyadeeda ay si kale noqotay…

In muddo ah markii ay fani la maqneyd jawaabtii sida sanad oo kale looga sugayay..

ayay la soo hinqatay jawaab ka nixisay dhamaan dadkii hamuunta u qabay dhegeysiga waxa ka soo baxaya afkeeda.

haba ugu horreeyo axmed juqrafi,e.taasoo ahayd….aniga abaayo wax kasta I dheh kaama diidayo balse arrintan ma aha mid qorshaha iigu jirta..nifaasna uma hayo..

abaayo waadna la socotaa xaalkeyga.

intaa ka dib muniiro ayaa hadalkii qaadatay oo tiri..

abaayo abaal mar baa leysku galaa..

maanta aniga iyo walaalkey ayaa kuu dhibban waxa axmed dhibaya anna wey I dhibayaan..ee abaayo macaanto..buugga naxariista fiiri..

walaahi walaalkey xaaladdiisa hadaad ogaan lahayd..sidaa ma dhahdeen..ama aad mar qura dareemi lahayd xanuunka jacaylka ..

Fani markii intaa lagu yiri waxay tiri..abaayo muniiro aniga keliya maahee maanta waxa aad ii sheegeyso ma jiro ruux rumeysan kara ..

ma walaalkaa sida aad ogtahay salaanta aan iga qaadi jirin quursi dartiis baa ijecel ma aha suurto gal hadaad dan kale leedahayna waad ii sheegi kartaa..

"abaayo xaashaa lillaah..ma waxaad is tiri saaxiibtaa wey ku khiyaameyneysaa amaba ku shirqooleysaa..

igama suurowdo macaanto..

miyaadan ogeyn in aniga..uusan jirin ruux aan kaaga kalsooni badanahay..mase dareemi kartid miyaa sida aan hadba kuula socodsiin jiray xaaladeyda iyo afaaraheyga hoose."

muniiro ayaa tiri iyadoo dooneysa in ay fani daahir ogolaansho ka hesho…

Fani marna ma muujineyn wax dabacsanaan ah..

waxayna mar walba difaac ka galeysay in ay aqbasho arrintaas…

waxayna mar kale tiri..

abaayo waan ogahay in aadan waxba iga qarsan anigana sidoo kale marka abaayo banii,aadamku waxaa wanaagsan in uu taxadar muujiyo..

wax aad yareysaneyso ayaa buuraha kaala qaro weynaanaya.

marka abaayo macaanto wey igu adagtahay aniga go,aan baan ku gaaray inaan ka miro dhaliyo waxbarashadeyda mana geli karo afaarahaas ee abaayo macaanto waan ku baryaayaa ee iga daa arrintaas…

Axmed juqraafi neeftii ayaa ku dhegtay..aad buuna isku ciilkaambinayay..wuxuu liqi waayay jawaabta gurracan ee laga bixiyay codsigiisa..ciil badanaa qoftaan nafteydaa igu qasbeysa..iyadana ima rabto..aniga hadii aan tanaasulaad sameeyay oo iyadoo aan ii qalmin laabta ku soo dhoweeyay xaq maaha in ay sidaa uhadasho mana ka yeeli doono anigaba aan la hadlee..axmed juqraafi baa iskula hadaaqay.

Labadii gabdhood markii ay intaa ukala mareyso ..ayaa muniira bilowday in ay ka sheekeyso taariikhdeeda jacayl iyo waqtigii wanaagsanaa ee ay isla soo qaateen gacaliyaheedii hore ee waayuhu uu la ciiray..

waxay muniira dooneysay in saaxiibteed ay sawir guud ka siiso dareenka jacayl…waxayna ku bilowday..

abaayo weligey si dhameystiran kaagama aan sheekeyn qisadii na dhex martay aniga iyo kaafi..

abaayo jacaylku ma aha wax la dafiri karo..

mana aha mid la iska indho tiri karo.aniga sidaada oo kale ma dooneyn aniga oo aan waxbarashada dhameynin in aan rag la hadlo amaba aan xiriir jacayl la yeesho..

balse waxaa dhacday in kaafi oo aad ogeyd in uu ahaa wiil wanaagsan oo boqor ah ruux aan la dhigana aan imika aqoon uu igu tallaalo jacayl aan illaa iyo xad isla soo muudsannay miiddiisa,kaafi waxaan inta badan si goonni ah ka sokow iskuulka ku kulmi jirnay hoyga qoys deriskeenna ah oo ay kaafi qaraabo yihiin taasoo si xornimo ah aan iskula kaftami jirnay..

aniga mar kasta waxaan xiiseyn jiray aadista gurigaas markaan firaaqo leeyahay si aan u arko kaafi …marka iskuulka la joogo badanaa waan ka gaabsan jiray aniga oo walaalkeey ka cabsanaya..

sababtoo ah abaayo wiil ay kaafi ilmo adeeryihiin baa axmed ay dhex martay xumaan sidaa daraadeed buu axmedna u colaadiyay kaafi..

yaan hadal kugu daaline aniga xilligaas ma garan Karin sababta dhalisay in aan xiiso iyo boholyow daran u qabo kaafi..

adiga wax aan sidaa ahaanaba isagaa ii soo bandhigtay jacayl qiimo badan oo qalbigiisa dhxex jiifay ..

anna qabilto mooyee ma aanan heyn jawaab kale oo aan dheggaha kaafi amaahiyo…

sidaa darteed muddo dheer waxaan isla wadnay jacayl aan labadeennaba ku qanacsaneyn .

waxaan isla wadaagnay kalgacayl dhab ah.

waxaan is amaahinnay  dareen dhab ah oo ku saleysan daacadnimo..

kaafi si aad ah buu ii jeclaa anna kaba daran..lamaanayaal ay naftu ka dhexeyso isma moogaadaane waxaan noqonnay kuwo aan kala maarmin is agjooggeenana wuu batay waxayna taa kashiftay arrinteenna..

waxayna sababtay sidaad ogeyd in walaalkeey axmed juqraafi uu soo rogo amar deg deg ah oo uur kutaallo igu noqday kaasoo ifarayay in aan ka haro wiilkaas..

walaahi abaayo awood aan kaga haro ma aanan lahayn balse hadaad tahay saaxiibteey taladaad igula talisay baan qaatay anigoo meel dheer wax ka eegaya walaalkeey axmed jacayl walaaltinimo oo aan uhayo baana  kaafi xaq uga galay..

hadii maanta nabsigiisa uu iga soo baxana waa dow aan ka talaabi Karin.

.illaa iyo imikana kama harin waxaana sugayay in maalin qura uu nasiibku ii saamixi doono in aan dib u soo celiyo xiriirkaas qiimaha badnaa..

hadana walaalkeey wuxuu ii ballan qaaday in aan u fasaxanahay arrintaas…

hadii aad adiga iga yeesho in axmed aad wax la qabato…

Fani markii ay sheekadaa dhageysatay waxba kama badalin go,aankeedii waxayna ku war celisay..

abaayo aniga iyo adiga isku mid manihi ..adiga iyo kaafi waad isku qalantaan..

wax dhibaato ahna kuma heystaan waad ogtahay aniga qoyskeenna sida ay ku noolyihiin..

abaayo waxaan ahay qofka keliya ee ay hooyadeey iyo walalaheey ay sugayaan..

marka hadii aan hadda ubareero arrintaas aad sheegeyso waxaan weynaayaa waxbarashadeyda..

isku midna ma noqon karno aniga iyo ruux ay labadiisa waalid u noolyihiin..kuna nool nolol heer sare ah..

inkastoo aniga xitaa aan ku qanacsanahay nolosha aan ku noolahay hadana..

dadka ayaa aaminsan in duruuftu ay ceeb tahay…

Markii ay fani hadalka intaa marineyso axmed juqraafi qolkiisa ayuu ka ilmeynayay waxaana wiilkii saaqay caloolyow…

wuxuu garwaaqsaday in sababta ay gabadhu u diidantahay ay sax tahay balse wuxuu niyadda geliyay in maalin un ay dhici doonto in ay arrin wadaagaan..

Dhanka kale wax labadii gabdhood ay talo rogrogaan ayaa waxaa la gaaray waqti dambe..

gabadhii muniira ahayd oo arrinta usoo gabagabeyneysa saaxiiibteed ayaa tiri..

abaayo fani in badan baan kula hadlayay waxna waad iga maqliweysay  hadii aad saaxiibtinimadeena daneyneyso walaalkey wax la qabo hadii kale wax aan isku sheegeyno malaha aniga iyo adiga..

Fani jawaabta meel dheer kamaba aysan doonine..

waxay ugu jawabtay saaxiib aad baan uga xumahay in arrin aan moodayay in aad garwaaqsatay aad sidaa iigula hadasho  marka waa adiga iyo garaadkaa waxaad ku taliso balse marnaba aniga go,aankeygaas kama laabanayo..

Markii ay fani intaas tiri ayaa ay fadhiga ka sara kacday isla markaana ka soo baxday qolkii saaxiibteedna u sheegtay in ay baxeyso iyadana wey ka aqbashay xitaa ma aysan sii sagootine sariirteedii ayay dhacdiid ugu seexatay..

axmed juqraafi baa arrintaa aad uga xumaaday oo qaadan waayay in gabadha fani ah sidaa loola dhaqmo..

mar wuxuu is yiri fursadan ka faa,iideyso oo  kadaba bax hadana wuxuu is yiri..

sow hadda muniiro kalama hadlin oo go,aankeeda kuma dhegana..

wuxuuna is tusay in imika ay tahay habeen oo hadii ay sheeko galaan waqtigu ku sii dheeranayo..

Axmed markii uu hubsaday in ay fani baxday ayuu qolkii soo galay,wuxuuna hadal ku bilaabay ..

muniiro ma waalantahay maxaad gabadha sidaa ugu gashay..

xitaa maxaad u sagootinweysay ..qof gurigaaga kugu timid oo hadana aad xumaan ku dirtay waa maxay..

Muniiro iyadu xilli dambe ayay ku soo baraarugtay in saaxiibteed ay maanta six un ugashay..

aad beyna uga qoomameysay..iyadoo hadalkii walaalkeed ka jawaabeysana waxay tiri..

aboowe waxaan u qabay in ay xoogaa soo dabceyso..weyse ka fuqi weysay go,ankeeda..adiga waan dareensanaa in aad qolka naga dhageysaneysay…

Axmed baa la soo booday…run sheeg waan ceeboobay iyada xitaa ma I fahantayne?

Maya kuma fahmin ee aboowe wey diidantahay arrintaan ee maxan sameynaa? Muniira ayaa tiri..

Axmedna awuxuu ku jawaabay..abaayo iska daa caawa keyse baan u tagayaa waana u sheegayaa waxa dhacay  isagaana iga ballan qaaday in gabadhaas uu ogolaasho iiga keeni doono…

Faadumo Macallin Abuukar (Faadumoruush)

faadumoruush@hotmail.com
 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software