Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Waagacusub Media: Website-ka Weriyeyaasha Soomaaliyeed 2009
 

Waagacusub English News Clickhere

Iska key Illow(Qiso Jaceyl oo xiiso badan)Qeybtii 18-aad

Boga Bulshada 17  April  2009 Waagacusub Media

Waxaan go'aan ku gaaray inaan aado oo aan inta uu arooska Istar iyo Asad ka dhacayo isaga maqnaado Dalka UK , si aan uga baaqsado inaan caqabad ku noqdo arooskooda, waayo nolosheeda ayaa horey u bur burtay mana jecleyn inaan tan saaxiibkey Asad baa bi'iyo, sidaasi, ayaana go'aan ku gaaray.

Intii aan aniga ku maqnaa qorshaha aan ku qaban qaabaniyay safarkeyga dalka Ingiriiska, ayaa saaxiibkey Asadna, waxa uu ku maqnaa raadinta arrimaha aniga iyo Istar. si kastaba waxaan ku guuleystay in muddo afar maalmood gudahood ah aan ku diyaariyo safarka, waxaana xitaa ka qariyay Asad, waayo waxaan ogaa inay iman doonaan su'aalo badan, uuna sinnaba u ogolaan lahayn.

 
Subax ay tahay arbaco, khamiisna aan is lee yahay bal dhoof, ayaa saaxiibkey Asad hurdada iga toosiyay xilli ay saacadda sii mareyso sideedii subaxnimo, intaan dhinac isku gediyay ayaan eegay mise waaba Asad, markaasaan inta soo fariistay ku iri "saaka, adigii hurdada saaxiibka u ahaa baaba i toosinayee, maxaa jira?", waxba hadal badan iima gelinee waxa uu warka iigu koobiyay "orod biyo isku soo shub, isna diyaari", "waa yahay" intaan dhahay, ayaan haf kasoo iri sariirta, qubeys iyo is diyaarin kadib ayuu igu yiri "ina keen", waxaana uu ii kaxeeyay oo uu i geeyay gurigooda kadib waxaa na dhex martay sheeko dheer oo u dhacday sidan:-

Asad: horta Xamzow xalay ka hor waxaan kuu heestay saaxiib wanaagsan, laakiin waa kaa hoos baxday, maxaad waxaan oo dhan igaga qarisay?

Aniga: Hee saaxiibow, maxaa dhacay?, maxaan kaa qariyay?

Asad; Waxaad iga qarisay noloshaada dhabta ah iyo wacadaraha aad aduunka kusoo martay

Aniga: oo sidee?, oo hadda miyaadan wax ka ogeyn nolosheeda?

Asad:maxaad igaga qarisay, wixii horey idiin dhex maray adiga iyo Istar Jaamac Dheere, ama haddaan si kale u iraahdo Istarta aan guursan rabo.

Markii uu su'aashaasi i weydiiyay ayaan aad u naxay, oo aan fadhiga ka kacaya, anoo oranaya, "adiga maxada sameysay yaaq, yaa ku yiri arrimahan tix raac, waan ku baryayaa Asad, waxaas waa tageen waqtigooduna wuu idlaaday ee dib ha u raacin?

Asad: dib ha u raacin maxay tahay, wax walba oo noloshaada ku saabsan waad iga qarisay, mideeda kale waxaad sameysay ma ahan wax loo dul qaadan karo, gabadhaas Istar ahna godob ayaad ka gashay, imisa sano ayaad nolol la'aan dhigtay ma garanee?, waxaan ku moodaya nin nolosha wax ka fahamsan laakiin, jaahil baad ka tahay dhankaas.

Aniga: laakiin aniga wax walba dareteed ayaan u sameeyay, iyo caafimaadkeeda?

Asad: taas caafimaad lama dhaho, haduu dhaqtarka sidaa sameeyay, waxaa kugu filneyd odoo aniga isoo waca, islamarkaana inta is kaashano aan gabadha dibedda kusuoo daweyno, markaad nolosheeda bur burineysay, middda kale ma la socotaa indha la'aan ay kugu hesho, ayay ka doorbideysaa, ayada oo araga kugu weysa.

Aniga: hadda waxaas waa ay dhaceen, anigana sidaa uma fekerin, ee waxaan ku su'aalay adiga sidee baad kusoo ogaatay arrintan, ma ayadaa wareysatay, oo waxaan ahay u sheegtay?

Asad: aniga ilaa iyo hadda ayada waxba uma sheegin, markay Xamzahan yaa waayay iga bad badisay, ayaana ku iri "maxay tahay saameyta uu kugu lee yahay", way ka dhego adeegtay, laakiin ugu dambeysan wax walba oo nolosheeda ku saabsan way ii sheegtay, sidaa ayaana ku ogaaday in Xamzaha gabadha waalay aad adiga tahay.

Aniga:waa ok, hadaadan waxba u sheegin haddana gabadhaas way iska key ilowday ee waxba ha u sheegin waan ku baryayaaa, taasaan kaa codsanaaa, si guurkiina uu u dhaco?

Asad: hadaad mooday inay ku ilowday, walaahi baysan xitaaa toban sano hadda dhiman ku ilaawi doonin, ileen waxaad gabadha uga tagtay, qalbigeeda dhabta ah ayaadan fahmin, mideeda kale guur baad ka hadleysaa, gabar Xamza qalbigeeda ku qufalan yahay miyaa nolol i isiin karta aniga?

Aniga:si kastaba gabadhaas noloshaas dib ha u xasuusin, hadda inay iska key ilowdo ayay ku dhowdahay'e, adna nolol cusub oo farxad badan sii.

Asad: Istar, inaad joogto inay ogaato waa lagama maarmaan, waxaana kuu sheegayaa, aniga xalay ayaanba nolosheeda iyo arooskeeda go'aan ku gaaray inaan ka tanaasulo.

Aniga: oo maxaa marka la sameynaa?

Asad:waxaa la sameynayaa, inaad joogto, oo Xamzaha la baray uu yahay midkeedii horey ayaa loo sheegayaa, kadibna waad is guursaneysaan?

Aniga: taasi waa waxaan weligeed dhici doonin.

La soco qeybta 19-aad Jimcada Danbe  insha Allaah

W/Q: Axmed Cali Sheekh "Axmed Yare"
alaxmed@hotmail.com

Somalia: Sudan pushes Aweys to support Somalia government

Somalia:Al-Shabaab Is N-One Enemy of Islam and Menace to the Somali People

Somalia: Mortar shell injures 8 women in Mogadishu

Somalia: Hormuud Telecom accused of listening its customers: Editorials
Dhageyso Taliyaha Shabaab oo weeraray Afhayeenkooda iyo madaxda Dowladda Somalia

Afhayeenka Xasan Dahir oo ka hadlay isbedelka jira Dhageyso

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga iyo Khadra Dahir-,Fanaan xabad Vs Xasan Cagaaran Dhageyso ama Download

Somalia:Al-Qaeda to distabilize Somaliland
Khudbadaha dhaqanka Hawiye iyo madaxda Xisbul Islaam ka dhageyso barnaamijka bartilmaameedka Radio Waagacusub

Khudbadda Sheekh Nuuradiin oo xiisa badan Halkaan ka dhageyso Warsaxaafadeedka Sheekh Aweys kadib

Gabay la magac baxay Xaqa Suxufiga Dhageyso ama Download

Radio Waagacusub iyo wararka maldahan ee todobaadka Dhageyso ama Download

Sheekh Cali Nur" Shabaab ma Mujaahidiinbaa mise waa Mufsidiin"

Tijaabi Codkaaga iyo Fanaan Mohamed Abdi Mohamed Dhageyso

Tijaabi Codkaaga iyo Fanaanada Seynab laba dhagax Dhageyso

Tijaabi Codkaaga iyo Fanaanadda Maryan Mursal Dhageyso

Muxaadaro Korneyl Sheekh Ahmed Mantaan Dhageyso

Xildhibaan Kismayo tegay Dhageyso ama Download

Halkaan ka dhageyso Wareysi Madaxa ASOJ

Waagacusub Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Part 2 Dhageyso

Halkaan ka akhriso Englishka
Qore By: Elizabeth Withey,
Turjume By: Dahir Abdulle Alasow
Photograph by: Rick MacWilliam,
The Edmonton Journal

Barnaamijka Tijaabi Codkaaga Dhageyso

Dhageyso dabaal dega Gor Gor Media Group

Madaxweyne Geelle oo khudbad dheer jeediyay Halkaan ka dhageyso 

Cumar Xaashi  Dhageyso Wareysigiisa

 Murtida iyo Majaajilada Waagacusub Dhageyso

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new