Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Waagacusub Media: Website-ka Weriyeyaasha Soomaaliyeed 2009
 

Waagacusub English News Clickhere

Maxaa loo furay Faadumo...?!!(Sheeko taxane ah) Qaybta 6-aad

Boga Bulshada 16 October  2009 Waagacusub Media
 

           

Faarax Shaqadiisii ayuu iska sii aaday; oo Fabio ayay Hawlo u yaallay isu sii raaceen. Laakin waxaa Laabtiisa ku sii fidayay Faadumo. Muuqeeda, Maankeeda, Maamulkeeda, Meheraddeeda, Muusoodkeeda iyo habka Marti-soorkeeda ayaa aad u taabtay isaga.

 

 

Si fiican ayuu Faarax uga maqsuuday Faadumo. Wuxuu goostay inuu sidaas ula sii wado sheekaysiga. Wuxuuse weli rabay inuu ka sal-gaaro bal inay jiraan sababo qarsoon oo loo soo furay Faadumo..!!.

Faarax Xaas waa uu lahaa,oo gabar lagu magacaabo 'Filsan' , oo ay xagga hooyadiis qaraabo ka ahaayeen, yuu qabay dhowr sanaba, laakinse wax Caruur ah isuma ay yeelan.

Filsan waxaa ay ku liidatay xagga maamulka ragga. Aad ayay isu dhigan jirtay. Waxay isku hallayn jirtay Faarax-hooyadiis 'Fool-weyn'. Taas oo aad u jeclayd gabadhan ay Soddohda u tahay, ehelkana ay yihiin.!!.

Cilladdaas darteed, Faarax wuxuu joogto ugu fekeri jiray inuu helo Xaas kale. Hadday Ubad u yeelato taasna uu markaas iska furo Filsan, kana luga-baxo,hadayan si kale wax u dhicin.

Geesta kale, Faadumo inkastoo ayan qabin degdeg xagga guurka ah, haddana dhowrkii sano ee ay garoobka ahayd, ayay dareentay baahi xagga ragga ah iyo wehel la'aan heysata iyada iyo gabadheedaba.

Waxay dhihi jirtay:-"Wallaahi, waan u baahnaan lahaa inaan dhalo ilmo kale oo wehel iigu noqdo gabadhaydan Fowzia,laakin see la yeelaa hee,nin laysku hallayn karo maba jiree..."!!.

Waxay kaloo tibaaxi jirtay Faadumo:-"Haddaan nin guurso is-iraahdaba, waxaa ii muuqanaya dhibkii aan kala soo kulmay labadii nin ee hore. Nin kasta waxaan u maleeynayaa kuwaas iyo ka sii daran in uu yahay"..!!.

Sidaas oo ay ahayd, haddana Faadumo xoogaa ayuu ka degay Faarax. Qalbigeeda ayuu si taxaddar leh u taabtay. Waxayse laabta ka dhihi jirtay:-"Waan arki doonaa siduu u muuqdo;illayn waxaa la yiri: barasho horteed ha i nicine, waan hubsan doonaa,o o ka baaraan-degi doonaa Faarax"....

La soco Qaybta 7-aad

WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy

Somalia: Sudan pushes Aweys to support Somalia government

Somalia:Al-Shabaab Is N-One Enemy of Islam and Menace to the Somali People

Somalia: Mortar shell injures 8 women in Mogadishu

Somalia: Hormuud Telecom accused of listening its customers: Editorials

Somalia:Al-Qaeda to distabilize Somaliland
 

Waagacusub Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new