October .16.2007 Waagacusub.net Sheekooyinka jaceylka
Galgacaylkii Qarsoonaa( Sheeko xiiso badan)qeybtii-
4aad

 

 
 


Wiilasha sida aadka ah uga helay gabadha fani ah waxaa ka mid ahaa axmed juqraafi oo isagu ahaa kaabba galaaska fasalka isla markaana ay walaalo ahaayeen gabadha muniiro ee fani saaxiibteed ah.

Wuxuuna axmed dareenka  caashaq uu ku sii dhashay markii walaashiis muniiro ay si aad ah uga sheekeyn jirtay  dhaqanka iyo dabeecadaha fani ee la yaabka leh.

Axmed juqraafi wuxuu ahaa wiil ka dhashay qoys caan ah oo magaalada laga yiqiinay kuna noolaa nolol  aad heer sare u ah,farxad iyo damaashaad iyo Isagoo wax walba oo uu doono heli karay.

Axmed juqraafi wuxuu ahaa mid gabdhaha sida dharka oo kale isaga badala oo wuxuu la socday gabdho badan oo iskuulka dhigtay iyo kuwo uu banaanka ku bartay intaba.weligiisna gabar uma uusan qaadin jacayl Mana uusan kala jecleyn ee waqtiga ayuun buu ku dhameysan jiray Halka iyagana ay u hayeen jacayl xad dhaaf ah axmed wuxuu ahaa mid si aad ah isula weyn,fasalkana si aad ah ayaa looga yaqaannay dabeecadiisa.

Axmed inkasta oo uu xaqiiqsaday in dhanka fani markaan laga soo galay hadana ma uusan jecleyn in niyadiisa ay ku sii fogaato jacaylka fani Maxaa yeelay marna ma uusan aaminsaneyn in ay dhici karto in isaga oo caynkaas ah sharaf iyo sumcadna ku leh magaalada uu  xiriir la yeesho gabar qoyskoodu ay ka soo jeedaan dadka tabarta daran isla markaana lawada ogaa in fani hooyadeed ay cid booyaaso u tahay.

Sidaa daraadeed axmed juqraafi wuxuu is tusay in lagama maarmaan ay tahay in uu is daba qabto inta ay goori goor tahay.horaase loo yiri :Caashaqu kulama tashado,e axmed waxaa marba marka ka dambeysa ku sii kordhayay dareen kalgacayl xambaarsan oo uu u qabo fani daahir.

Waxayna  had iyo jeer niyadiisu ay jecleyd in halka ay joogto  ka dhowaato Isagase wuxuu ka taagnaa in uu nolosha is dhafinayo hadiiba ay naftiisa sidan ku sii socoto,wuxuuna hoosta ka xarriiqay in marnaba isaga iyo fani wax dhex mari karaa aysan jirin.

wuxuu axmed noqday mid markasta naftiisa la dagaala kana celiya hamiga weyn ee fani daahir ka galay Marka uu iskuulka joogo aad buu u dhibsadaa xitaa in uu xageeda fiiriyo isagoo diidan in dareenka nafsaaniga ee ku qasbaya jacaylka fani uu ku sii kordho.

Maalin maalmaha ka mid ahayd ayaa axmed iyo walaashii muniira oo guriga wada jooga waxaa dhex martay sheekadaan……..

Muniira:

Aboowe axmed aniga waxay I dhahaan dadka hadii aan kula kaftamo walaalkaa waa isla weynyahay oo isku dabeecad ma tihiin…..

Markii ay hadalka intaas marineyso ayaa uu axmed ka soo dhexgalay isaga oo yiri : yaaaaaaaaaah..maanta sheeko ayaadba ii heysaa maxaad mar hore iigu sheegi weysay,yaa waaye waxa sidaa I dhahay ii sheeg,maxaase ka galay isla weynideyda..

Muniira markii ay aragtay in walaalkeed xanaaqay ayay sara kacday kuna tiri markaan wax kuu sheegaba afkaad iga goosaneysaa,anigaa kaa gardaran Waa hadaan markale war kuu keeno.

Axmed baa garbasaarteeda ku dhegay iyada oo dooneysa in ay qolka ka baxdo kuna yiri…maya abaayo ii sheeg igana raalli noqo.

Muniira oo tixgelineysa hadalka walaalkeed ayaa fadhigii ku laabatay iyadoo sii wadata hadalkeeda ayayna tiri:aniga marka hore I dhageyso kuma aana dhihin hebel iyo heblaayo ayaa sidaa ku yiri balse ruux walba ayaa sidaa ku dhaha .

Axmed baa markaa la soo booday isaga oo aan is ogeyn:

Haa horta fani wey ku jirtaa dadka sidaa iga aaminsan.

Muniira oo marka fani wax laga sheego ay meeli damqato ayaa si kulul u tiri:adiga gabadhaas ammaanka sii hadda wax ay kaa heysato ma jirto,xitaa sheekadaada iima soo qaado aad beyna kuu tixgelisaa weligeyna ma arag intaan dunida joogay wax aan gabadhaas ku matalo,waa gabar ilaah uu dabeecad siiyay waxaanse jeclaan lahaa in ay dumaashidey noqoto…

Markii hadalkii ugu dambeeyay dhegaha axmed ay ku dheceen ayaa isagoon is ogeyn uu dharbaaxsho kulul si xooggan ugu dhuftay muniiro.

Gurigu wuxuu ahaa cidlo oo keligood baa joogaye ,muniira aad bey u qeylisay si halhaleel ah beyna qolkii uga soo booday.

Axmed juqraafi markii uu arkay qaladka uu sameeyay ayuu ka soo daba baxay isaga oo isku dayaya in uu raalli geliyo.wuxuuna yiri….

Aad baan uga xumahay iga raalli noqo abaayo aad baanse u dhibsaday hadalka aad igu tiri mar dambe ha igu dhihin.

Muniira dheg jalaq uma aysan siin axmed waxayna sii wadatay oohinteeda.

Markii in cabaar ah ay   ooyeysay ayay iskeed isaga aamustay waxayna gashay gocosho xusuus leh………

Waxayna maskaxdeeda is weydiineysay sababta uu walaalkeed u neceb  yahay fani.allow yaa  usheega in indhihiisa uu ka jecelyahay balse uu xaqirayo naftiisana been u sheegayo.

Iyaduse waxay u heysatay in tani ay sii xoojineyso isla weynida walaalkeed axmed juqraafi,alla walaalkey ma oga miyaa in dadka ay ilaah xaggiisa ka simanyihiin ayeyna iskula hadleysay.

Axmed markii uu qolkiisii ku laabtay ayuu isla hadal galay isaga oo is weydiinaya waxa maalmahan ku soo kordhay iyo sida uu ku xallin karo,naftiisa harsi iyo hurdo wey diiday fani la,aanteed wuxuuna markan dambe keenay in uu xitaa dhibsado gabdhaha uu isku maaweeliyo ee sida uu doono uu ka helo,sababtoo ah nafta wax aysan rabin laguma qasbi karo

Doorana qoor qabad biyo kuma cabtee,markii hore niyadda oo faaruq ah ayay gabdhahan isaga dhex mushaaxi jireen balse imika qalbigii baa buuxsamay isna xirxiray.

Axmed talaa ku cadaatay wax uu sameeyana waa uu garan waayay,wuuse is celin jiray inta karaankiisa ah.

 

 la soco Qeybta 5_aad ee sheekada

 Faadumo Macallin Abuukar(Faadumoruush)

faadumoruush@hotmail.com

 Garissa_kenya

 

 

 Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software