| |
Waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada
Leicester ee Carigga Ingiriiska ayaa ka cabanaya falal naxdin iyo
murugo badan oo ay kala kulmaan Gabdhahooda aan qaangaarka ahayn ee
Waxbarashada ugu maqan.
Hooyo Soomaaliyeed oo degan Leicester ayaa
Waagacusub.net u sheegtay inay Magaaladooda ku sii badanayaan dhaqan
xumida gabdhaha iyo wiilasha Soomaalida gaar ahaan ,gabdhaha aan
qaangaarka ahayn ee da’dooda u dhaxeysa 11 ilaa 13 jir .
“ Wiil yar oo qiyaas ahaan 16
jir,dhalashadiisuna Soomaali tahay ayaa gurigeena soo garaacay
dabadeedna,waan ka furay,wuxuu I gudoonsiiyay Xabad Ubaxa oo uu
gacanta ku sitay,kadibna wuxuu igu yiri”Eedo waxaan ahay gabadhaada
cunuga Uurkeeda ku jira aabaheed”sidaa waxaa ku waramay Hooyo
Soomaaliyeed oo sheegtay inay qaracan iyo ciil darteed istaaga ka
dhacday.
Hooyadaas degan Leceister ee Soomaalida waxay
sheegtay in qisadaas ay la kulantay mudo sanad laga joogo laakiin hada
Magaaladooda ay sheekadaas caan ka noqotay oo gabdhaha u dhaxeeya
da’dooda 11-13 jir ay ku kacaan falalka nuucaasa.
Waalidiin badan oo degan Magaaladaas ayaa
dhacdooyinkaas qiray inay si joogtaa ula kulmaan,waxayna
dhacdooyinkaas ku fasireen kuwa dhaawacaya dhaqanka Soomaalida iyo
Diinteena Islaamka ee Suubaan.
Inkastoo Waalidiinta Magaaladaas ay eedeynta
saarayaan Caruurtooda hadana waxay dowlada ku eedeeyneeysaa inay
dhamaan dhacdooyinka waaldiinta qudhooda masuul ka yihiin sababa la
xiriira ,Aabayaasha Caruurtaas oo qaad cunis u fadhiya iyo
Hooyooyinkooda oo teleefoonka kor u hayo inta badan waqtigooda.
Waagacusub
Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com

|
|