febuary .16.2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada

Dhaqanka ama hab nololeedka somalida ku sugan Qurbaha intooda badan da'yarta iyo qoysaskaba!
 

 
 



Magac Allaah ayaan ku bilaabayaa mahad oo idil eebe ayay u sognaatay naxariis iyo nabad galiyo rasuulka SWC kor kiisa ha ahaato intaa ka dib . Assalaamu Calaykum

Waxaan ugu horeen ka salaamayaa halkan walaalahayga soomaliyed akhristayaasha qadarinta mudan''


Waxaan jeclaystay in aan diirada saaro dhambaal in badan igu waregaysanayay kaa soo aan jeclaystay in aan u gacan qaado maanta oo aan usoo gudbiyo walaaladay,, wuxuu isugu dhex jiraa qisas,na saa ix iyo xal.

Waxan ka cudur daranayaa inta aan dhex galin maqaalkan in laga rali noqdo wixii aan kaa cajabinin iyo wixii khalad ah ee ad ka heshid anigoo ku dadaali doono in aan ka ilaalsho qald iyo xad gudub intaba basle mahmaa kaan waxaynu nahay bashar oo khaladka nagama marna Eebe uunbaan qaldamin ee ha moogaan..


Hadaan inyar shaaca ka qaadno dhaqamada laga helay soomalida ku dhaqan Qurbaha da' yar iyo qoysasba ama nolosha ay ku sugan yihiin qaar kood,,
Horta nolosha way isku dhex laran tahay oo isugu dhex jirta wanaag iyo xumaan farxad iyo naxdin,,
Basle qarbay noloshooda u dhaami lahayd dhimasho falalka ay ku kacayaan aawadeed,,
Hadaan ku bilaabo qoysaska oo runtii heer aan fiic neen garay hab dhaqan kooda kuwaasoo furitankii marayo %90 ku dhowaad aniga tiro koob kuma sameen ee waa qiyas guud,,,


Su aal:maxa gaar siiyay heerkas waa maxay waxa sababta u ah ?
Waxa heer kas gar siiyay iyo dhaqan kooda hadan daha ka yara qaado
Akhritow sidaad ogtahay waxaa lasoo galay wadan cusub kaasoo leh dhaqan nagu cusub nolol nagu cusub anagana hadaanu nahay soomaali waxaynu lahayn dhaqan noo gar ah haba isugu jiro wanag iyo xuman mid loo riyaqo iyo mid aan la jecleesan oo in la cirib tiro mudan,,


Hadaba guud ahaan ayadoo xalada guud sidaa aheed markan soo galnay wadamadan cusub ee qurbaha maxaan kala kulanay?  Akhritow waad dareemi karta in lagala kulmay labadii dhaqan oo an si wafaqin ayadoo u dhertahay intooda badan baraf sida roobka u da'o
Hadaba waxay ukala qayb samen qoysaskii laba, kuwo dhexda u xirtay una gaashaantay sidii ay uuga dabaalan lahaa yeen mowjjadan ee soo dhex galeen taasoo ku qilaafaysa diiniyan iyo dhaqamiyan labadaba

Iyo kuwo uu daadku qatay qayb shaydaan duufsaday dhabna mooday dhaalnteedka ay indhahooda arkayaan iwm,
Hadaba hadaynu ka yara hadalno kuwa daadku qaatay ama ka gashaaman waayay oo gacmo wada jirbay wax ku gooyaan aan is oran..


Waxay kala noqdeen laba qayb oo kale ah dhanka raga iyo dhanka dumarka ilaahay qadartiisa waxa isku beegmay nin rerkiisa ku dhex jira inuu dhaqdana raba iyo haweenay aan usoo jeedin oo dor biday aroos laga yimaado 3da habeen nimo iyo telefonkoo ay kula sheekesato mid kalan wax dhaamin amaba ka daran oo leh heblaayo ceershay kii oo maantaan dharkiisii bac uugu guray!! Laa xowla walaa quta ilaa bilaah**
Haweenayda sida ku sheekaynaysa qofka ay sheegayso


Waa qofkii nolosha lasoo qaybsaday waa ruuxii ay jirjkeda dharka uuga qaaday ayadoo cid walba u diiday oo ka xijaabatay waa caruurtedii aabahood waa lamaanihii nolosheda qofka ay sidaa foosha xun uugadhigtay abaal waa qofkii sabab u noqday in ay dagto Guri ay maamulkiisa hayso waa qofkii si sharaf leh uuga soo xil waregay rerkii ay ku dhex jirtay waa qofkii sabab u noqday in ay noqoto marwo qadarin mudan,, qofka caqilka ah wax garanaya uusan gudi karin abaal kiisa si kastuu u wanaajiyo ayay manta marka gaalo lasoo dhex galay lana arkay lacag yaroo intooda badan xaaraan lagu soo xaresto banaanka loo saaray!


Dhaqanna ka dhigatay telefon waqtiga lagu baa ba'sho iyo xan la xamanayo dad islamed oo aan wax ay u gaysteen jirin iyo Qabyaalad na dhaxal siisay inaynu noqono qaxooti ku fiday daafaha calamka oo dhulkenii saharafta iyo saxan saxada udgoon lahaa bur burisay bal kala qaysay dad aan kala go'i lahayn waligood bal saamaysay walaalihii calool ka soo wada baxay ayagoo kala dhalay labo aabe oo laba qabiil ah.. iyo aroos la isku diyaarinaya laga bilaabo 9ka habeenimo lagana soo baxayo 3da habeenimo qasaman bilaahi inan arintan ben ku shegayn ee waa xaqiiqo jirta dumarkeeniina laga helay,,,


*Dhanka raga hadaan usoo jeesano waxay noqdeen ma shaqaystayaal dadtooda ma gartayaal ka dhigtay bal wad fadhi ku diri iyo qabyaalad wanagna mooday baryada uu baryayo gaalada oo uu u hoor sanayo gacanta halkaana lacagta yar ay siiyaan ceerta ku biilin reerkisia uugana fikirin mustaqbalkooda waxna ka tarin qaraabadii dhibaneed ee looga yimi dalkii…


Hooyadii maskiinta ahayd ee ilahay calaf uuga dhigay qofka noocas ah ayaa caruurtii la kacaa kufaysa runtii qof caruur yar yar ku xiririto oo ku nool qurbahan aad bay u dhib badan tahay ugu horeen diyarinta aad u diyaarinaysid iskuulkooda iyo dharka barafka kacesha aad ku xir xiraysid ayaa waqti iyo saacado qaata intaa waxa au dheer gaaladii ay saaka u diren oo ay hor fadhiyen in aad la socoto oo way diiso wixii manta loo soo dhigay iyo in diintooda la soo fara gashay ama la jecleesiyay diinta gaalada caruurtas oo u baahan juhdi wayn iyo in amr kasta aad caqiiqadooda dhisto oo ka dhaadhiciso in uu yahay muslim ilahay yaqan iyo rasuul kiisa galadan la dhex joogana aan isku diin ahayn,,,
Hadaba reerka howsha inta la eg utal bal kawaran in ay qoftii dumarka ahayd ay u .

taagan tahay lamaanahediina uu ama fadhiyo Tvga ama enternetka oo halkaa uuga jiro qabyalad iyo qolol inta is nacday isugu yimaadaan haday mucaawino way diisato ama iska dhaga tira ama si caajis leh u qabta hal shay kadibna ay ba iska dayso in ay wax u dirsato markay mudo sabartana xamili waysa oo dhahda Adiga maxad igu kor dhinaysaa haddii aadan ila dhaqayn gurigan naga dhaxeeya maxay tahay nolosha naga dhaxaysa Gabagabadiina noqota furitaan oo runtii ragu iska xil saarin arintaas oo ay la sahlanaato oo dhalaaqii noqdo xalkii ugu horeyay ee reerkas bur burka qarka u saaran meesha ay diin teena suuban ka dhigtay xalkii u dambeeyay inuu noqdo,,


Waxa jira qayb isku dhex jirta oo ku heshiiyay xaraanta iyo inay mel uuga dahcaan shareecada iyo magacii soomaaliyed
Waxay samenayaa ayagoo is qaba ayay galada u tagayaan oo leeyihiin wan kala tagnay ! subxanalaah ma oga in aysan arintaa xattaa kaftan galin oo dahb ay noqoto xattaa haddii lagu kaftamayay

Intaa kuma ekaanaysee dadkii sidaa isku qoray oo isku diwaan galshay in ay kala tageen oo aysan is qabin ayaa islaantii uur qaadaysaa!! Ileen damiirkii ayaa dhintahay xishoodkii ayaa baa ba'aye haweenaydii ayaa xiliga foosha imanaysa dhaqtarka markay la kulanto dhaqtarkii ayuu gacanta usoo taagayaa ixtiraam ahaa asagoo salaamaya waxay la soo boodaysaa maya ma salaamno Ragga1 nacam way ku runsheegtay oo wa sax maxaase ka dambeen doona u fiicnaan lahayda in ay sika salaamto!!  Ok ayuu oranayaa waxay naga tahay anaga dhaqan iyo ixtiram ee wax kala nagama ahan dhaqtarkii ayaa saas ku jawaabaya,,


Wuxuu soo qaadanayaa feelkii uu ku buuxin lahaa macluumaad keeda su aalaha uuw ay diinayo ayaa waxa ka mid ah ninkaagii aayay? Waayo wadaman haweenayda waa qasab in uu la socdaa ninkeeda marka ay umulayso si uu u ag taagnaado madama uu yahay ninkii dahaly ilmahas qofkii al qaybsaday nolosheeda si uu uula qaybsado dhibkeeda!


Allahu mustacaan waa arin aan u riyaaqay runtii oo aan aad u jecleestay markan maqlay basle nasiib xumo anagoo muslimiin ah diinteeda laga helayo dhaqankaas iyo raxmadaas in ay gaaladii naga qaadato oo anigii u dhalanay nalaga waayo!!


Sheekadii an usoo laabtee waxay ku jawaabaysaa qoftii dumarka ahayd: ilmahan wax aiga dhalay saaxiibkay !!! waylun lahaa maxay dulmisay diintii maxay magac xumo usoo jiidatay islaamkii iyo soomaalidii,


Dhaqtarkii ayaa waydiinaya oo aniga oo dahqtar ah diintaadana ii fasaxtay in aan ku daaweeyo ayad ileedahay ajinabi ayaa tahay oo salanta kaama qaadayo waxaadna jirkaaga u ogolaatay saaxiib!! Oo maxaa loo yiri diinta islamka ah way xarimtay arintaas( boy friend?)
dadka waxas sameenaya waa dad diin leh qaar kood waxay waxas u samaynayaana waa xooga yaroo cayrta ay sii nayso ee ma ahan duni dhan dad ay u soo hoyaneeso,, Nas allalaaha Salaamata wal cafiyah''


akhristow bal ka waran dhacdadan? Kawaran soomaalidenii in ay herkaa gaareen oo ay dhulka ku masaxeen sharaftii diinta iyo magacii soomaaliyed wallaan looga heleen dhacdadan oo kale banii adamka kale soomaalida mooye waa su'aal maxa na baday duliga maxa na baday dar xumada maxaanan damiir uugu laheen oo aanan uuga damqaneen falalka aan ku kaceeno? Maxay agtena raqiis uuga noqotay diintii muxuu magaca soomaaliyeed u noqday wax aan ihtimaam lahayn cayr xunoo adigaba aan kaa badneen miyaa intas oo dhan loo sameenayaa lagu iibsanayaa diintii iyo magacii

soomaaliyeed wayxahum!! maxay iib sadeen maxayna ku iibsadeen runtii waxay iib sadeen duni raqiis ah lagana wada tagayo xoolo kastoo aad ledahayna aad qabri cidlo ah ka galaysid maxay ku iibsadeen Aakhiro oo qaali ah oo ah daartii dhabta ahayd ah ma guuraan ah raaxo daa im ah,,


*Hadaynu dhanka da'yarta ah eegno oo runtii dhibatoyin aan la koobi karin la kulmo kuwaasoo u qaybsama igana laba qayb ayay u kala baxaan kuwo ehel koodii la socd a oo isla yimi iyo kuwo kaligood ah oo qaraabada la socda ayagoo sida ah bay misana kala nasib badan yihiin ama kala nasiib xun yihiin..


Waxa dhacda qaarka kaligood socday oo aan la socon waalidkood in ay qarkood la kulmaan dhib cadaalad xumo aan looga xaq sooren ilmaha kale e rerka dhalay ayagas ayaa kala noqda kuwo xamila dhibkas kuna suga inta ay xoogaysanayaan oo ay isku filnaansho gaarayaan oo ku dadaala waxbarashadooda iyo kuwo is liida noloshana ka hara bal gaara xalad ay bartaan istcimaalka mukhadaraatka,,


Sidoo kale kuwa la socdaan rer kooda ayaa iyaguna u kala baxa labo kuwo ku sirma dhal dhalalkan ay dhex yimadeen oo dhinac ka raaca dhaqamada ay u yimaaden iyo kuwo reerkii dhalayba gacan ku qaban oo sidan soo shegnay walidkood ayba wada shaqeenin


Waxaa dhacda in gabdhaha la celiyo lagana reerbo meelaha xalfadayaasha ah ee la aado wiilashana u fasaxa!! Taasoo ah tarbiya xumo iyo dhaqan aan lenahay soomali in aanan isku si utarbiyeen awlaadeena wiilasha iyo gabdhaha waxasna ma wanagsana diinteenaha way nooga dardaaran tay, Gabadhada xumanta ad u diidayso iyo in ay sharaf xumo kuu soo jiido ma ogid miya Gabdhaha kalena in ay sidaa yihiin wayo marka aad wiilkaaga fasaxdo oo aadan barin in gadhaha islaameed faraha lala galin xumaana la gaarsiin

hadduu sidaa sameeyana ay ladhalatay gabar oo ayadana halis u ah in la xumeyo marka ilaali cirdiga walaashaa oo gabdha kale ha lu goyn! laguma tarbiyenayo noocaas oo looma dardaarmayo sidaas ee waa wiil baa la dhahayaa calashaan asaga waa ninoo iima kenayo caruur xaraan ah!! waa caqli xumo inteeda la eg iyo wax Allaah kala xisab tami doono Maalinta qiyaamo..


Sidoo kale guud ahaan waxay la kulmaan ilmihii marka ay soo qan gaaraan in walidku aysan la socon oo aysan ka warhayn arintaa iyo darenka uu Alle ku dhashay mana oga in ay ku dhex jiran mowjad aad u dafaysa qofkasta oo dhex tagan iyo in shahawadkii ay banaanka yaalaan oo dhalin yaradii halis u yihiin in ay ku dhacaan,,


Hadaba wiilkii ama gabadhii dadaalay oo ka fogaaday xaaraantii ayaa waxay is dhahayaan guursada hagaag, markii ay isla heshiiyaan mid ay isku da' yihiin oo ay is fahmen kuna tashtay in ay is guur sadaan ayaa walidkii noqonayaa mixnad! Waxan uula jeedaa in ay fiiriyaan qabiil oo ay dhahaan wiilkaas waa qabiil hebel ama gabadhaas wa qabiil kaas oo ma guursanaysid! ma fiirinayan qofkan ma leyahay akhlaaq ma yahay qof mas'uul ka noqon kara gabadhada ama gabadhan ma tahay mid dhaqan karta guriga wiilkaaga oo ma u qalmataa marwo nala noqon karta xidid oo karti leh? ee


halkas ayay ku xanibaan ilmahoodii oonan u aaba yeelin baahidooda jinsiyeed..

Qaar baa gabdhaha markay arintan la kulmaan suuqa gala oo xaaraanta ku dhaca waxa dhacday oo laga helay gabdho 13 jira ah in ay ilmo xaaraan ah caloosha ku qaadeen qaar koodna markasta dhaqtarka la geyo oo laga soo rido ilmo xaaraan ah! wadanka la Fiilaan ayaa waxa ka dhacday gabar yaroo aan 15kii dhafin amaba garin ayaa dhaqtarka dhowr jeer ka soo tuuray ilmo! markii dambe ayaa walidkeed loo yeeray ayadoo uur kale leh markas bay ku dhaheen hooyaded Gabadhaada intas oo jeer ayaan ka soo

tuurnay (4) jeer ee naga wado!!!! Subxanalaah maxay sameesaa way iska qaracantay hadday qaracmaysaa awalna ma aysan hagaajin tarbiyadeedii ma aysan oran duul bas ayad ku dhex jirtaane gabadhaala ka war hay oo la saaxiib oo markay hawo nin gasho nin uugu ducee ama kay keensto sii markay talo faraha ka baxdo ayaa la qayliyaa'''
Ma sidaa baa inoo dambeesay waa yaabe xagay inkarta naga heesataa duligan aan ka bixi waynay maxaa u ah sabab?


Runtii sababtu waa mid oo waa Diintii oo laga fogaaday barasho iyo ku dhaqan iyo kuwo Diintii bartay misana aan ku dhaqan lahayn,,,


*Waxaa dawo ah in diinta loo soo labto lagana haro sharaf xumida lagu jiro iimaankana la isku sugo oo waata soomalidu dhahdo wan baahanahay baqti looma cunee hala iska daayo xaaraanta loo barerayo oo hakugu filnaato inta xalaasha ah oo Allaah ku siiyay..
Hooyo ka mid ah hooyooyinka jooga qurbaha oo runtii ah hooyo qali ah ayaa waxay diyaarisay tixdan ayadoo la hadlaysa raga iyo dumarka kana yaaban waxa doorshay dhaqankii waxayna ku bilowday hadalkeedii sidatan:
Maragaa ma Dumarka doorkiisii yaa Gabay?

Hidadeena doorka ah dhaqankeena dahabka ah
Diinteena sharafta leh kuma jirin dayowgani
Iska daba wareegani waalakala dambayn jiray
Qofba door lahaan jiray halka lakala dikaamayo
Aasaaska doorka ah oo lawada dukaashado

Dumarkaa lahaan jiray dihashada dhalaankiyo
Daryeelkiyo xanaanada daadihinta ubadkiyo
Dabcigiyo wanaagaba dumarkaa lahaanjiray
Aqal dahyo waynoo dul & hoos xariiriyo

Lagu daahay dahab wacan dumarkaa lahaan jiray
Marwo dabacsan oo wacan dibnaheeda xumaan karin
Deerkeeda dhaafayn darisku uduceeyoo
Xididka udadaashoo door keeda hanatoo
Geestuu kudaayaciyo ka dawaysa doorkaba
Dumarkaa lahaan jiray…

DOORKII RAGGAA YIMI
Hibadeena doorka ah dhaqankeena dahabka ah
Diinteena sharafta leh waa la kala dambayn jiray
Door halyay ah oo wacan dabci & wanagbadan
Danihiisa dhaafayn garashadu ku dadantahay
Raganimo dugaal sada darbiyada wareegayn
Dayactira dantiisiyo xilkuu guudka saartiyo
Marwadiisa dahabka ka ilaalsha diiqada


Qalbigeeda daawada ka daweeya daanada
Hanad diiran baa jiray dayactira dhalaankoo
Maanku door yahay darbiyada wareegayn
Hadba tii udoorbido dooqiisu laacayn
Deeqdii ilaahiyo marwadiisa dahabka ah


Dadka ula wacnaatiyo hanad diiran baa jiray
Maxaa doorshay dhaqankii Maragaa ma dumarkaa?
Hidaheena damag yiri duugoobay oo dhumay
Dayaciyo dhibaatada duuflaalka nagu dhacay
Danada nagaa dhiyo daqarkaan xanuun ka leh
Dhaqan keena dooryoo aan kala dambayn jirin
Dumarkii ka bayreen deerkiyo xad koodii


Ka dakaame nimankii doorkay lahaayeen
Daacadii ilaahiyo laga boodyay dowgii
Daryeelkiyo wanaagii waxa ka darajo waynoo
Lagu diirsadaa yimid

Allahayow nadaba qabo:-

Dumarkeenii ba yiri
Wax dhan baan daboolnaa
Ku dakaamay gurigaan
Daadihiyay ubadkoo
Darbiyada dhaqaayoon
Dana haygii seegee
Door kaygii weeyee
Dag dag kaalay iga qabo
Dayrka iyo ubadkaan!!

DOORKII RAGGAA YIMI
Nin mas' uul udasha uriday
Weegaaray dayr wayn
Daabad reera daajeen
Dalqadii ku soo xiray
Ubad daadihayn iyo laga sugay
Dul qaad badan
Darbiyada istaagoo
Hadba tii udoor bido
Ladakeeya dhowr bari
Xilku diiri naynoo
Damac beelay baa yimi:
Allahayow na daba qabo



Cumar Cabdi Xaashi
Suxufi200@yahoo.co.uk
Kenya Nairobi
xaash111@hotmail.com


Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software