febuary .16.2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada

MAXAA SABABA FURRIINKA MAANTA?

 
 



Arintaan furiinka ah ayaa wayahaan danbe ku socotay si xowli ah,kidib markii dadka soomaalida ah furiinka la noqtay wax aan dhib saas ah aan laheyn ama sahlan, lakiin maahan taasi wax sahlan marka laga hadlo runta waayo, waxaa laga yaaba in qoyska burburayo in la soo dhisayay madooyin fara badan .

Maalmahaan danbe waxaa la arkayay qoysas badan oo ka cabanayo arintaan soo noq noqotay oo ah furiinka taasina waxaa saldhig loga dhigay in marka hore laga fiirsan qoyska la soo dhisay laguna soo dhisay si fudud, kadibna u ku burburo si fudud hase yeeshe somalida ayaa waxay ku mahmahda (Arrin aan sidii futo riyaad la feydin, ma fayoobaato.)

waayo marka hore wiilka iyo gabdha dhisanaayo qoys cusub si fiican uma soo lafa gurin ama uma soo falaqeyn arintooda guurka,ayago midba midka kale been u soo sheegay tasuule ahaan dhalinta yar ii dhisanayso qoys cusub intooda badan waxay ku caan baxeyn halku dhiga ah waan ku jeclahay iyo aniga ka daran .

Inta badan furiinka Afrika ka dhaco waxaa saldhig u ah dhaqaale ama hanti waayo marka hore ee qoys la dhisayo ayaa waxaa lagu soo dhisaa dan dhaqaale tusaale ahaan wiil ama gabadha dhisanaayaan qoys labadooda mid waxay ka tahay dhiso qoys wanaagsan midne waxay ka tahay hanti hel marka makula tahay guur nuucaas ah mid lagu waraayo, waxaa kaloo meesh ka marneyn oo jirto in beynta furiinka lug weyn ku leedahay waliba raga ayaa beenta u badan marka laga hadlo xaga guurka waayo ninka raga eh markuu shukaansanayo gabadha reerka la dhisi rabto inta badan waxuu usameeya balan  qadyo beyn ah isagoo madaxiisa ku jirto maahmaahdii Soomaaliyed oo aheyd (Naag been ayaa lagu soo xera galiyaa runa waa lagu dhaqaa)
marka aan u fiirsane qof shaley been loo soo sheegay mantay sidee run ku aqbala marka taasi waa iska cadahaya runta waa furiin.

Furiinka Yurub iyo Ameerika waa ka duwanyahay kan Afrika, waayo inta badan salka kuma haayo dhaqaale ama hanti, lakiinsa waxuu ku hayaa maseer ku habsaday dumarkii Soomaaliyeed ee ku dhaqan Yurub iyo Ameerika ayago diidan in nikooda la guursado xaaska kale inta badan markaa u fiirsatid haweenka somaaliyeed ee qurbaha joogo waxa is leedahay waxay ku dhaqan noqdeyn hablaha cadaanka ah ,waayo hablaha cadaanka ah ma ogolo in ninkood guursado naag kale mar marka qaar waxaa arkaysaa dumar ragoodi ka soo carooday markaa weydiisid waxa ay ragoodi uga soo caroodayn waxay ku leeyihiin uma bagin ayaantaa dhixidiisa habeynadaan waa badatay iyo hablaayo ayaa ku soo aragtay asagoo naag la socdo ama la tagan marka aniga ma jogi afrika lacag igama baahni ilmahayga lacag ayaanba ku qaata meeshan maahan somaliya camal iyo hadala kale oo dhowr ah .

Dhanka kale markii la eego furiinka dumarka yurub iyo ameerika jooga kaliya laguma eedeyn karo rag Soomaliyeed qayb ayay ka yihiin waayo raga Soomaliyeed qaarkood ee joga qurbaha kama war qabaan reerkoda inta badan subixii ayay baxaan habeenkiina waa imaadaan, ayagoo, inta badan fadhiya meelaha jaadka lagu cuno sida mirfishyada xitaa kama war qaban caruurtoda xaladooda wax barasho inta badan dumarka ayaa caruurta iskuulka u wado wayna ogaadeyn dowladaha yurub iyo ameerika in hawenka soomaliyeed ay u badanyihiin garoobo.

Waxaana meesha ka marneen oo asaas weyn u ah furiinka walidiinta isku daro laba qof aan waligood kulmin ama is aqoonin si qasab ah,,waxaa laga yaaba in waridka qorta isku galiyaan kadib waxaa dhacdo in muddo yar lis qabo ayago,labada qof lisku daray guurkooda u yeelayn ducada waalidka bas ee aan jirin wax kaloo u jeeda ah oo ay isku guursadeyn labadaan qof.

Sidee loo wanaajin karaa guurka furiinkane u yaraani karaa ileyn horaa loo yiri (Sidee xeero loo xagtaa ilkane ku nabad galaan) waa in marka hore labada qof ee is dooratay iska adkeeyaan balamahii horey loo soo galay oo ahaayen in waxii qalad ah oo yimaado in si wada jir ah loo xaliyo iyo waliba in ninka raga ah uu mar waliba dulqaad muujiyo ileyn qofka dumarka ah markuu ku jiro buuqa ilmaha maantay dhan xanaaqa waxba lama ahan waxaaba ka sii daran xilliga walac ay tahay qofka dumarka ah waxayna dhibsataa wixii ay jacleed oo dhan xitaa ninkeeda waa nacdaa hadday jaclaan jirtay ,sidoo kale waxaa jiro qofka dumarka ah ama raga ah haddu joogo qurbaha mudda in u saaxiib layahay xanaaqa ama carada ,waayo qurbaha qofka haddu ku daaho waxaa ku dhaco cuduro oo kamid yihiin sida walaac joogta ah iyo islahadal farabadan marka dadka saas ah furiinka waxaa ka kenaayo xanaaqa fara badan.

Igu danbeynti aqristow waxaan ku soo af merayaa maqaalkayga kulana dardaarmaya lamanayaasha dhisaayo qoys cusub in ay iska soo adkeyaan udub dhixaadka guurka iyo balamaha laso kala galay markii hore lays kuna dhaga nuglaado inta lawada noolyahay.


Raage Cali Dheere

raagenews@hotmail.com
 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
ŠAll Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software