febuary .16.2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada


Seddex neefood:- qiso qosol iyo xigmad badan 3-aad

 
 


carrabkii oo engagan ayaa dhanxanegga kaaga dhegay. Gacantii waa kaa tusbaxii ka dhacay ee iyada oo sida xubnaha kale u kurbanaysa diyaar u ah in ay xeedhada bisil ee ku hor taal boobto.

 
Inta aad calaacasha barako ku afuuftay ayaad garabka oo jidhkeeda ugu sarreeya qunyar ka saartay, waana ay kurbatay adiguna la kurbatay.

Haddana calaacashii ayaad qunyar oo debecsan gacanteeda qaawan ku salaaxday, waana ay sii kurbatay adiguna la sii kurbatay. Mar kale ayaad calaacasha barako ku afuuftay oo dhabarka ka saartay, oo qunyar ilaa qoorta ka marisay, kurbashadii ayaadna kaga sii darteen.

Markaas ayaad xasuusatay waysadii in ay kaa burtay sida uu Imaam Shaafici qabo.
?

Alla Sheekh, gacantaadu macaanaa, waa la garanayaa in ay barakaysan tahay!?
?Eebbe ha kugu dabiibo!? ayaad afka ka tidhi, uurkana waxaad ka lahayd: adigana jidhkaagu macaanaa, waa la garanayaa in uu barakaysan yahay. Jiifkii ayey ka toostay oo fadhiisatay, waana naxday oo moodday in ay qalad ka fahamtey oo tegayso. Oo maxay qalad u fahmaysaa, ma gacan barakaysan oo aad ku dabiibaysey in aad marisay wax aan ahayn baad ku samaysay? Iyada oo fadhida ayey diracii qaarka dambe ka soo faydey oo kor isaga siibtay, dabadeed iyada oo sidii ay ku dhalatay ah dhinacii ay awel u jiiftay mooyee dhinaca kale xaggaaga u soo jiifsatay, iyada oo sii leh: ?Alla caawa kululaa! Sheekh, gacantaada durba il baan iskaga gartay ee i wada mari.?
 
Xubin qiimo leh oo jidhkeeda kaa qarsooni ma jirto. Imika si aan xad lahayn baad isu celinaysaa ee ma miyir qabtid. Habeenno badan ayaad xaalad tan la mid ah ku riyootay, malaha tanina waa riyo. Maad hubsatid?
Calaacal sidii hore ka dhiirran inta aad barako ku soo afuuftay ayaad legga kaga salaaxday qunyarna kor ula raacday ilaa naaska.

Inta ay yar taahday ayey kugu soo durugtay oo jidhkeeda kaaga ku soo cadaadisay, gacantana bawdada kaa saartay. Markaas ayaa miyir kuugu dambeysay. Inta aad kor u boodday ayaad nalkii aad hoos joogteen damisay, dabadeed iyada oo jirjircadka isu sii rogaysa dusha kaga degtay.

 
Dhar sare iyo mid hooseba waxaa kuu ahaa shaadh iyo macawis, labadiibana durba waa ay kaa maqan yihiin, in aad adigu iska bixisay iyo in ay iyadu kaa bixisayna ma kala ogid. Waxaad hubtaa shaadhkii ugu yaraan inay laba badhan go'een.

Waxaad kale oo hubtaa kitaabbadii oo rixli wada saarnaa in aad harraati ku fogaysay. Waxaad kale oo hubtaa tusbixii oo jilibka kaa muday in aad meel fog ku maguujisay. Waxaad kale oo hubtaa saacaddan in aadan kitaab, tusbax, denbi iyo diin toona dan ka lahayn.Waxaadse kale oo aad hubtaa in uu qubays kugu waajibay. Iyaduna waxay hubtaa sariirta in ay goor roon ka soo kacday.

Waxay kale oo hubtaa muruqyada adadag ee meel walba kaga giigsani in ay ku sii giigsanaadaan mooyee wax kale in aanay dan ka lahayn. Waxayse kale oo aad u hubtaa qadaadkeeda sida ba?an dhulka loogu xoqayaa in uu barkin u baahnaa.
Goor dambe oo aad xiiq saneedeen waxaad ku calaacashay: ?Alloow tooba! Alloow tooba!??
Waxayna kuugu jiibisay: ?Aammiin!? Inta aad Ilaahay ka baqaysid in aan ka yarayn waxaad ka baqaysaa ninka reerka leh oo idiin soo gala. Iyadu Ilaahay ka biqi mayso, waxayse ka baqaysaa ninkeeda iyo fadeexad. Intii hore waad waallneeydeen, markiise aad miyirsateen ayaad fekerteen.

Iyada ayaa dhiirran oo isxilqaantay oo inta ay salligii la kacday kugu tidhi:?Aynu meel asturan tagno ee ina keen.?Adiguna kitaabbadii iyo tusbixii oo halkii daadsan inta aad ka tallaabsatay ayaad sidii sange taxaaban naagtii ku hor socotay dabo saqlaysay. Qaybta dambe ee beerta oo caws doog ah leh ayey ku geysay.
 
Guriga waxaad u geli weydeen haddii uu odaygeedu soo galo jeer uu iskiin soo dul taago ma ogaan kartaan. Halkii ayaad muddo kale sii laba legdoonayseen.
Markii dambe waad laylyantay oo toobaddii iyo istaaqfurullihii badnaa waad joojisay. Sida iyadaba miyirku ugu soo noqday adigana in uu kuugu soo noqday waa ay hubtaa, malahase in aad sideeda raalli u tahay ma hubto. Malaha si ay taa u ogaato ayey tidhi:?

Alla maxaynu nefisnay!??Cadaabina waa ay dambaysaa?, ayaad ku cabatay.
?Imikaba cadaab ayeynu ka soo baxnay.??Haa, mid shaddiid ah?, ayaad qirtay.
 
Markii ay salaaddii arooryo soo dhowayd waxaad ku qubaysatay musqul yar oo beerta ku taal.

Salligii aad ku tukan jirtay waa adigii xalayn ku qooqay, sidaa darteed subaxdaa go?aaga ayaad dhigatay.

Adiga oo sujuud dheer u foorora ayuu ninkii guriga lahaa soo galay. Inta uu iskaa yar dul taagay ayuu ku dhaafay.

In yar ka dib adiga oo weli sujuudsan ayaa ddaaqadda furan ka maqashay ninkii oo Siraad weydiinaya. ?Goortan maxaad ka qubaysatay???Kulayl bay ahayd oo waan gubtay.??

Ma rumaysanaysaa xerowgii in uu goortaa sujuud ku ooyayo???Waa wali barakaysan?, ayey ugu jawaabtay.?

Wallaahi kaasi waa wali barakaysan! Waa in aynu ka
ducaysannaa.??

Mushaharkana aynu u kordhinno mar haddii uu shaqadiisa ka adkaaday?, ayey ku taageertay.
?Haa, aynu u kordhinno.?
 
Markii aad intaa maqashay waad sii ooyday. Waad jeclayd in aad noqotid wali laga barakaysto. Ducooyinkii carabida ahaa ee aad taqaannay kaa dhammaade, welina in aad Ilaahay sii barido ayaad rabtaa, dabadeed kuwo af soomaali ah ayaad bilawday. Waxaad og tahay Eebbe in uu wax walba qaddaray, halkaas ayaad baryada ka ambaqaadday:?

Eebbow, sow adigu wax walba ma aad qaddarin? Sow adigu aniga iyo Siraad baahida naguma aad wada abuurin? Eebbow, waxaa ila tagtay la soco qeybta 3-aad ee sheekada qosolkana iyo naxdintana dib u dhigo akhristoow.
 
La soco 4-aad sheekadaan xiisaha badan

W/D Ibraahin Yuusuf Axmed "Hawd"

Email:Ibraahinhawd@hotmail.com

 

 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
ŠAll Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software