febuary .16.2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada


14-ka February Maalin ay reer galbeedka ku fushadaan danahooda.

 
 



Maanta  14/ February oo kale sanad walba caalamka waxaa looga dabaal degaa maalintan loogu yeeray maalinta jacaylka aduunka loona bixiyay (Valentine,s Day) laakiin hadii la fiiriyo ma aha arrinta isda loo dhigay ee waxaa meesha ku jira dano kale oo ay reer galbeedka ka leeyihiin.
 
wadamo badan oo islaam ah soomaaliyana ay ku jirto ayaa si aad ah loga xusaa maanta oo kale, waxaa isku soo baxa lamaanayaal jacayl wadaag ah , waxay is gudoonsiiyaan hadiyado iyo ubaxyo cas cas waxayna dhigtaan xaflado u goonni ah.
 
hadaba reer galbeedka ayaa lagu yaqaanaa in ay dadka muslimiinta ah u soo bandhigaan waxyaabo ay iyagu dano gaar ah ka leeyihiin , inagana waxaa waajib nagu ah hadii aanu muslimiin nahay in aanu ka feejignaanno.
 
hadaba bal marka hore aqriya walaalayaal sida ay ku timid in maalintan la xuso.
 
 Boqorkii la oran jiray Claudius II oo ahaa nin dadka ay u yaqaaneen Kuluudiyihii qabiidka ahaa, iyadoo ay boqorkaasi caado u aheyd inuu oogo dagaallo, taasoo sababtay in dhallinyaro badan ay ku soo biiri waayeen Milatarigiisa dhibaatooyinka dagaalada aawadood kuwaas oo ka doorbidayey xaasaskooda iyo saaxiibadood, waxaana dhalinyarada u muuqatay in xaasaskooda aysan suuragal aheyn iney ciidamada kusoo biiraan haddii ay dhalinyarada ciidan noqdaan, wuxuuna boqorku dhab ahaan u ogaaday kuwa wax jecel iyo kuwa xaasaska lehba in ay ka tira badan yihiin doobabka aanan waxba jeclaan.

Ciidanka badan si uu u helo boqor Kaluudiyihii qabiidka ahaa, wuxuu hor joogsaday lamaanaha is caashaqa si aanu wax jeceyl ah u dhex marin dhallinyarada labka iyo dhediga, isagoo xilligaa amarkiisa ku daray in ciddii lagu arka arrimahaasi jaceylka ah ay dil toogasho ah tahay, isagoo sidoo kalena xayiray in la is guursado, laakiin iyadoo dad badani ay diiddan yihiin awaamiirta boqorka ay aakhirkii hir gashay ujeeddadii Boqorka maadaama uu lahaa awood badan iyo ciidamo xoog leh, waxaana uu amarkaasi ka fulay guud ahaan meelihii uu Boqorku ka tallinayey iyadoo ninkaasi uu boqor ka ahaa Roman Empire oo ka mid ahayd
 
Boqortooyinkii xiligaasi Yurub ugu awoodda badnaa.
Saint Valentine oo ahaa wadaad awood ku lahaa diinta Kirishtaanka oo kaashanayey wadaad kale oo ay saaxiibo ahaayeen lana oran jiray Saint Marius ayaa arrintaasi ka dhiidhiyey, iyagoo wadahadal ay yeesheen kaddib is tusay, in marnaba aan la aqbali karin go’aannada ad adag ee ka soo baxay Boqor Claudius, waxeyna wadahadaladooda ku saleeyeen in amaradaa aan loo dulqaadan karin sidaas daraadeed waxey si qarsoodi ah ku suurta galiyeen in labadii qofee is rabtaba ay isku mehriyaan, iyadoo arrinaasi si dhaqsa leh uga dhaqan gashay magaalooyin ka mid ah meelihii uu boqorka ka talinayey.

waxaa dhacday in Boqor Claudius oo arrintaasi diidanaa uu helo sheekada dhalinyarada loo sahlayo in uu jaceylkooda hirgalo, dibna loo cusbooneysiiyo jaceyl kii hore ka harumarsan ayna isku guursadaan si qarsoodi ah oo dar dar leh, wuxuuna boqorku ka war helay in waddaadka Saint Valentine uu hoos ka wado uuna isu fududeeyo wixii jaceyl iyo meher ah.
 
Intaa kaddib waxaa lasoo xiray u fududeeyihii lammaanaha is jecel, ee Valentine’s waxaana Boqorku ku xukumay in sida loo garaacayo nafta laaga qaado, markii uu dhintana madax laga jaro, hase yeeshee, intii uu xabsiga ku jiray Valentine’s ayuu jeclaaday gabar uu dhalay ninka xabsiga ku xukumay oo ku soo booqatay qolkii uu xabsiga kaga xirnaa Valentine’s waxaana la xaqiijiyey inuu warqad u qoray gabadhii uu jeclaaday isagoo
ugu saxiixay, (From your Valentine’s) waxeyna ku beegneyd sannadku markuu ahaa 496 CD, waxaana xukunkii dilka ahaa lagu fuliyey 14-kii February maalinkaas oo loo aqoonsaday maalinta Jaceylka Adduunka, laguna xuso wadaadkaas, Saint Valentine’s.

hadaba waxaan filayaa in aad ka fahanteen in maanta ay tahay maalin la xuso baadarigaas, isla markaana waxaa meesha ku jirta in reer galbeedka ay ku doonayaan in ubaxyada ay beerahooda ka soo saaraan uu u gadmo.
 
sanad waliba ubaxyo badan ayay wadamada reer galbeedka u soo dhoofiyaan wadamada islaamka si ay maalintaan ugu dabaal degaan.
 
hadaba waxay ila tahay in ruux walba oo islaam ah diintana wax ka yaqaanna in uusan ka qeyb gali xuska baadarigaas aanu soo sheegnay.


Faadumo Macallin Abuukar( Faadumoruush)
faadumoruush@hotmail.com

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software