febuary .16.2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada

jawaabta dhambaalkii Runta Ka dhawaajiyay
(waayaha dunida waa inaad ku qanacdaa)
 

 
 


 
(Bilow Iyo Dhamaad waqti baa u dhexeeya)
 
aad buu u yaabay markii ay soo gaartay warqaddii , dhow jeer ayuu ku cel celiyay, hadba meel ayuu beegsadaa oo uu ku aqriyaa niyadda ayaa oloshay, halka uu fadhiyay ayaa la gariirtay , dhulkii baa qaadi waayay, mar wuxuu u qaataa waxa ay indhihiisu qabanayaan in aysan run ahayn, hada garay arrintu in ay tahay mid run ah.
 
si deg deg ah ayuu uga soo baxay dukaan weyn oo uu dhex fadhiyay wuxuuna uga soo tegay wiil ay walaalo ahaayeen una sheegay in uu soo laaban doono.
 
ma uusan aqoonin meel uu qabto laakiin ujedadiisu waxay tahay in uu raadiyo meel deggan oo uu qalbigiisa ku dejiyo kuna fakaro, sidii uu u socday wuxuu tegay meel banaan ah oo dad dhf dhif ah ay soo marayaan, markan wuxuu galay isla hadal iyo fakar hadana mar kale ayuu si ka deggan sidii hore aqris ugu dhaqaaqay dhambaalkii loo soo qoray.
 
wuu garowsaday dembiga lagu heystaa in uu yahay mid sax ah, laakiin horay uusan u ogaanin, micnaha jacaylkana uusan ahayn sidii uu u fahmay, isagu wuu jecel yahay gabadha laakiin kuma baraarugsanyen in waxyaabaha ay tabaneyso ay meesha ku jiraan.
 
hadii uu ku fakari lahaa in uu u jawaabo wuxuu warqadda ku arkay in uu yahay go,aankeedii ugu dambeeyay uguna horeeyay, yaab badanaa! bilow iyo dhamaad maxaa isku mar ka wada dhigay miyay inantu waalantahay? si kastaba ha ahaatee waa in aan ka jawaabaa buu yiri haku qanacdo amaba ha iska deysee.
 
wuxuu doontay qalin iyo warqad isna dul saartay, wuxuu la tegay meelo keymo ah oo si aad ah uga durugsaneyd xaafadaha, wuxuu bilaabay qoridda jawaabta dhambaalka wuxuuna ku bilaabay....
 
"gabar yahay , waan kaa qaaday salaantaada qiimaha badan weliba anigoo hoos fadhiya meel aadan weligaa igu arkin ha u ,oodin in aan jawaabtan kaaga soo diray halkii aad subax walba igu soo mari jirtay laakiin waa meel aad u fog oo aan anigu door biday in aan halkaan kaaga soo jawaabo.
 
anna mid la mid ah baan kuu soo gudbinayaaye iga gudoon, teeda kale hadaad tahay qof banii aadam ah ilaahna uu karaameeyay caqlina u yeelay waa in aad si aad ah u fakartaa, aad la yaabtaa khalqiga ilaahay iyo sida uu koonkan u abuuray.
 
kaba sii darane ma la yaabtaa qaabka aan isku barannay? sida aan isku jeclaannay? waqtiga aan isla soo qaadannay? sida ad iigu samri jirtay? intaas oo dhan markaad isku eegto waxaa kuu soo baxaysa ilaah in uu yahay qaadir qadarraduna ay amarkiisu ku fulaan.
 
hadaan intaa kaga gudbo tusaalooyinkaasi , ha is oranin marka hore adigu qaladka ma lihid oo maba jiro banii aadam saliim ah ilaah baanan dhameystirin, hadaad sidaa garato hadana waxaan kuu sheegayaa dhambaalkaagii in uu lahaa hal qalad oo weyn kaasoo ah in aad wax bilowday soona gabagabyesay adigoo aanna u dhexeysiinin waqti.
 
ogow bilow iyo dhamaad wax baa u dhexeeya xitaa inta aad ku dhawaaqeysoo erayga (IYO) waa waqti iyada xitaa laakiin adigu kuma aadan darin xisaabta, imika hadaad garowsato qaladkaaga waa la sixi karaa wax walba.
 
hadii aadan i fahmin weli aan kuu balbalaariyee waxaad ii soo dirtay dhambaalkaagii ugu horeeyay hadana ima aadan siinin waqti aan uga soo jawaabo oo waad soo af jartay hadana mowduuca taas miyay kula waanaagsan tahay?
 
ogow dhaqankeygii aan kugula dhaqmayay sida aad ogtahay igama aysan ahayn cadowtooyo, in aan ku dhibo iyo midna in aan kugu tacdiyo balse waxaa sababay dabci ay raggu leeyihiin taasoo anna i saameysay hadda ka dib aan kuu sheegee bal fiiri oo arag sida aad adigu gardarrada u lahayd.
 
waa midda koowaade, raggu ma jecla gabdhaha in ay si aad ah u jeclaadaan , wuu ka caajisaa hadii jacaylka laga badbadiyo taasna waa qaladka koowaad xaqiiqdii ma doonayo in aan wax kuu qariyo sirta ragga waa waajib in aan ku taabsiiyo weligaa ha dareensiinin si kasta hadaad u jeceshahay oo tartiibso, micnaha ma aha in aad ka aamusto laakiin haka badbadin wax walboo buux dhaafana wey daataane ogow.
 
tan labaad, waxay ahayd in aad ii sheegto mar hore sida aad rabtay, iima aadan sheegin aniguna waxaan ahaa qof si aad ah u doonayay in uu kala barto dabeecadahaaga iyo waxa aad tahay marka sanooyin inagoo isla soconay hadana aadan i weydiinin sababta aad keligaa iigu timaado, ii daryeesho jacayl badan ii sheegato, waxay igu noqotay la ayaab iyo qudhaadu in aadan rabin in aan noqono dad mustaqbal yeesha oo jacayl wanaagsan wadaaga, laakiin waad ii imaan jirtay un waadna iga tegi jirtay hadde sidee baan ku ogaadaa waxa aad qalbiga ka rabto?
 
sideedaba raggu waxay jecel yihiin in aad u sheegto waxa saxda ah ee aad ka tabaneyso maanta dow bey ahaan lahayd hadii aad dhowr jeer wax ii sheegi lahayd laakiin waan ka xumahay waa maalintii iigu horeysay ee aan kaa helo dhambaal ku aaddan waxa aad tabaneyso waana maalintii iigu dambeysay in aan kaa qanciyo.
 
si kasta oo ay noqotaba fahan oo garowso qaladka in aad adiga lahayd, welina waxaan kula dul taagnahay in aanu wax isla saxno waxna aas aasno, wax walba waqtigaa keena ee adigu ma keentid, waayaha aduunkana waa inaad ku qanacdaa, ma waanagsana in la is eedo un oo aan waxna la iska maqlin hadii eed qof la eedaa natiijo dhalin lahayd dunida ayaa is badali lahayd oo malaayiinta khalqiga ah ee ku dul nool ay maalin walba habaaraan oo ay eedaan markii ay dhibaato la kulmaan oo ay dhahaan( alla aduunyadaanaa!!!) marka hadii maanta dunida ay hadli lahayd dad badan kaa wax ka dhaadhicin lahaa weyna qaadan lahayd? maantase sidaas oo kale in aad iga soo qaado waa wax laga fiican yahay.
 
waxaan ahay qofka dadka kaaga dhow , marka la fiiriyo jacaylka aad ii qabto anna sidaas oo kale kaama liito, ee kaalay oo wixii hore aan ilowno, aan sameyno jawi cusub, aan u gudubno waji hor leh, aan wajahno is fahan iyo isu calool furnaansho.
 
gacaliso, fadlan marnaba ha qaadan go,aan qayaxan oo aan waxba kuu soo kordhin doonin, aniga weligey kuma aanan fakarin ruux aan adiga ahay waadna ogtahay wax walboo dhacay waa laga soo laabtaa ii cafi dembiga aan kaa galay ma aanan dooneyn naf aan jeclahay sidaan in aan u cadaabo, iga raalli noqo maanta kuna samir wuxuu waayuhu ku baday iyo wuxuu kuula damacsan yahay hadda ka dib intaba.
 
waxba kuuma tareyso hadaad iska jarto qeyb jirkaaga ka mid ah adiga un beyna ku dhibeysaa , anigu kuma goynin kumana diidin ee si dirqi ah ha isaga key fogeynin waxaan dareemayaa in aanu nahay dad si dhab ah isku jecel, hal naf wadaaga , fadlan cadowgeenna ha u iftiimin dulduleello , ha iga quusan hana iga qaadan go,aan gacaliso hadda ka dib ma rajeynayo qof aan adiga ahayn mana rabo adna sidaas oo kale marka gaba gabo waa kaas jawaabta aan ka bixiyay dhambaalkaagii cajiibka ahaa waan rajeynayaa in aad ku qanacdo .
 
ogow horay ayaa loo yiri....
 
jiriyo hadde jooguhuba
aadmigu weys jiirayaan
hadana labo jacayl dhex yaal
sinaba uma kala jarmaan.


Faadumo Macallin Abuukar( Faadumoruush)
faadumoruush@hotmail.com

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
ŠAll Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software