Dicember .15.2007 Waagacusub.net Sheekoyinka jacaylka

Galgacalkii Qorsoonaa (Sheeko Xiiso badan )qeybtii 13 aad

 
 


fani daahir ma aysan garan kareyn waxa qudheeda is badalka ku keenay balse wey hubtay in maanta ay si kale tahay, waxayse u qaadatay in ay la yaabban tahay sheekada gaarka ah ee ay muniira ku wargelisay in ay u heyso iyo is badalka Axmed juqraafi ee xaggeeda ku wajahan.

tan muniira waxay u qaadatay in wiilkii kaafi ahaa ee ay hore muniira u kala tageen uu soo noqday xiriirkooda sidaana ay dooneyso muniira in saxiibteed ay u sheegto, tan Axmedse waxay u weysay jawaab ku haboon.

Muniira wax walba oo nolosheeda ku soo kordha waxay keliya la socodsiin jirtay Fani Daahir oo inta badan ka dhageysan jirtay un oo xitaa kula talisay go,aankii ahaa xarig u jaridda kaafi iyadoo ugu daneyneysa saaxiibteed in ay raacdo amarka walaalkeed,si aysan iskaga hor imaan,balse kama ahayn isku dirid iyo wax kala geyn.

hadey fani dareemi lahayd xanuunka jacayl qabo sidaa kuma taliseen waxaase ugu wacnaa iyadoo dhegta un ka maqli jirtay magaca jacayl mararka qaarna idaacadaha ayay ka maqli jirtay heeso jacayl mase ahayn mid arrimahaa tix gelisa.

wax la sugaba waxaa soo gabagaboobay xiisadihii, waxayna ardayda u diyaar garoobeen in ay galbadaan,markii banaanka loo soo baxay waxaa hore isku sii raacay Axmed iyo keyse sidii caadada u ahaydba dhanka kalana waxaa isla talaabo qaadayay fani daahir iyo muniiro.

labada wiil waa Axmed iyo keyse,e waxay sii eegayeen Fani iyagoo ka walwalsanaa jawaabta ka soo bixi doonta codsiga Axmed.

Muniira iyo fani xilligaas uma saamaxeyn in sheeko dheer ay galaan oo arrinta ay dhinac walba ka eegaan sababtoo ah waa xilli duhur ah, oo inta badanaa loo degdegayo qadada iyo hurdada intaba .

waxay damacday muniira in si guud mar ah ay ugu sheegto waxa ay ka damacsantahay hadana waxay diidmo ka muujisay in qorshaheeda uu ka kala dhantaalmo,waxayna saaxiibteed u sheegtay in galabta ay iyada u imaaneyso ama ay fani xitaa guriga ugu timaaddo si ay u kala sheeko bogtaan.

fani ma aysan dooneyn in gurigooda oo cooshash ka sameysnaa dacdarro badanna ay ka muuqatay loogu yimaadee waxay si deg deg ah ugu sheegtay muniiro in iyada ay guriga ugu imaaneyso sidaa ayaana lagu ballamay..

markii ay muniira ka soo dhaqaaqday fani ayay jidka kula soo dhacday walaalkeed Axmed oo isagana ka soo leexday saaxiibkii keyse.

Axmed farxad baa hareysay wuxuuna hoosta ka xarriiqay in arrinta ay guul ku soo dhamaatay, maadaama walaashii ay si dhaqsi ah u kala tageen iyada iyo fani.

Axmed wax kaleba ma sugine wuxuu muniiro ku boobay su,aalo inta badan ka soo baxayay maskax jacayl degay oo hamuun fara badanna qabta..,,

wuxuu Axmed hadalka ku bilaabay: abaayo haye ii warran waxaan filayaa in aad ii waddo hambalyo ii sheeg maxay ku tiri..

muniiro baa inta yaabtay ku tiri walaakeed.."aboowe Axmed aniga iyo iyada weli kama hadlin arrintaad ii dirtay, galabta ayaan ballansannahay..

;yaaaahhh..maxaa dhacayna abaayo maxaad sidaa u yeeshay? ayuu la soo booday Axmed oo niyad jab weyn uu ka muuqdo.

muniiro oo dareensan degdegga walaalkeed ka muuqda ayaa ku qancisay in galabta aysan dheereyn oo si deggan ay Fani uga dhaadhicineyso arrintaas ayna guriga imaaneyso.

Axmed aad buu ugu riyaaqay qorshahaas wuxuuna soo dhoweeyay in maanta uu arko fani oo gurigooda dhex fadhisa, isla markaana sheekeyneysa..

Axmed waxaa la dheeraaday waqtiga, sidii nin diyaar garow aroos ku jira ayuuna Axmed juqraafi isula muuqday maalintaas, wuxuu sugi kari waayay xilliga ay fani imaaneysay oo uu xiiso weyn u qabay maalintaas .

wax waqti is guraba xilli dambe oo ay qorraxdu qabowday, cirkuna daruur roob ku laranyahay oo qaanso roobaad dhexda kaga marantahay ayaa waxaa soo gashay fani Daahir oo aad u xishooneysa afkana garbasaarteedii iska saareysa..

fani dhar lebis oo dhan waxay ka qabtay joog dirac iyo garbasaar baati ah oo ay xiran jirtay marka ay meelo muhiim ah u socoto.

Axmed isagu wuxuu isku diyaariyay si aan caadi ahayn wuxuu ku wareeray dharkii uu xiran lahaa,wuxuu rog rogis u galay boorsadiisii oo la ciir ciireysa dhar,goor dambe ayuu soo xushay hal joog ,ka dibna inta uu dhalo barfuun ah isku soo jebiyay ayuu soo fadhiistay daaradda hore ee guriga si uu u arko marka ay soo galeyso fani guriga.

Axmed intaas oo is diyaarin ah waxay ka ahayd Sidii uu ku soo jiidan lahaa gabadha fani ah..

markiiba fani Markey aragtay Axmed oo illinka gurigooda fadhiya waxaa ka lumay socodkii waxayna niyadda iska tiri, "alla maxaa imikan meesha dhigay ..

ceeb badanaa sidee ku gudbaa.."

waxay fani isla gunuunacdo waxay soo gaartay gurigii, waxayna iyadoo hoos un eegeysa oo aan awoodin in ay Axmed indhaha ku dhameyso cod gaaban ku tiri ..

"haye Axmed ii warran"

Axmedna wuxuu kaga qaaday salaantii si dhiirranaan leh..weliba wuxuu u sii raaciyay erayo kaftan ah, oo ay ka mid ahaayeen..

"maanta waad soo dheeraatay…gacmo furan ku soo dhowoow halkan waa gurigeenna,adna waa gurigaaga ..

ha is martiyeynin " iyo hadallo kale oo u badnaa soo jiidasho.

fani inta mahadsanid aboowe ku tiri ayay hore usii gashay gurigii halkaasoo ay muniiro si heer sare ah usoo dhoweysay.

markii Axmed juqraafi uu arkay in fani ay gudaha gashay ayuu soo galay qolkiisii halkaasoo uu doonayay in uu ka dhageysto waxa ay labada gabdhood kuwada hadlayaan.

fani iyadu maanta dareenkeeda aad buu uga duwanyahay sidii hore.

sababtoo ah waxaa dhegaheeda ku soo dhibcayay erayo naxariis leh kuwaasoo ka soo baxaya ruux aysan weligeed uga baran hadalladaas oo kale,sidoo kale Fani Daahir waxaa niyadeeda ay si aad ah ula jaan qaadeysay..

neecawda qabow iyo hawada magaalada oo aad u degganeyd,

Faadumo Macallin Abuukar (Faadumoruush)

faadumoruush@hotmail.com
 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software