August .15.2008 Waagacusub.net sheekooyinka jaceylka

 Fanaanadda weyn ee Raxmo Ruuxi oo booqaneysa Yurub+daawo sawiro.
 
 
 



Fanaanadda Raxmo Ahmed Ali (Rahmo Ruuxi) oo ay Soomaalida ugu yeeraan Boqorada Yar ee bedeshay Alaha u naxariistee Boqoradii Codka Xaliimo Khaliif Cumar Magool ayaa socdaalkii ugu dheeraa waxay ku mareysaa dalalka Yurub.



Fanaanada Raxmo Ruuxi oo dalka Holand kula hadashay Warbaahinta Waagacusub waxay socdaalkeeda ku sheegtay inay ku taageereysay Ciyaarahii Xageyga ee Sweden ka dhacay,oo ay heeso wadaniya ku fureen iyada iyo Fanaanka weyn ee Xasan Adan Samatar.

"Heesahii Sweden inaan furo ayaan u imid Yurub,waxaan ku furay heeso wadaniya oo ay qaadi jirtay Magool maxaa yeelay balwadeeyda waxay ahayd Sports,1993 ayaana ku soo biiray fanka oo bilaabay inaan heesaha qaado anigoo jooga Italy"ayey tiri Raxmo Ruuxi.


Raxmo Ruuxi oo socdaal ku soo martay Denmark,kulana soo kulantay Fanaaniin waaweyn waxay amaantay Warbaahinta Waagacusub oo ay sheegtay inuu yahay kan ay ugu booqashada Waagacusub.

"Warbaahinta Waagacusub waxaan siinayaa hees wadaniya oo magaceedu yahay ka NOQO SOOMAALIYEEY,waxaa heesta sameeyay Abwaan Xasan Jaceyl,waxaana Muusiga saaray Ustaad Naaji,mana bixin weli" ayey Raxmo Ahmed Ali ku tiri Wareeysi dheer oo ay siisay Waagacusub ugana hadashay taariikh nololeedkeeda iyo goorta ay ogaatay inay leedahay cod la mida ama lagu xasuusto Xaliimo Khaliif Magool.

Raxmo oo xustay inay ku dhalatay Degmadda Wardhiigleey ee Muqdisho waxay tibaaxday in magaca Ruuxi ay u bixisay hooyadeed.


Inkastoo Raxmo Ruuxi marka la dhageysanayo codkeeda lagu kala qaato sharad la xiriiro,waa Magool iyo waa Raxmo hadana degmadda ay ku dhalatay ee Wardhiigley waxaa ka soo baxay fanaaniin waaweyn oo codkooda aad loo jecel yahay,lagana xusi karo Magool qudheeda,Salaad Derbi,Sulfa,Khadiijo Foodeey iyo Fanaanka soo baxay ee Cabdulahi Boqol.

Si kastaba ha ahaatee,waxaan dhawaan idiin soo gudbin doonaa Wareysi dheer oo ay Raxmo kaga hadleyso heesaheeda cusub,heestii ugu horeysay ee ay qaado iyo heesaha wadaniga,Jaceylka ee ku soo baxaya Album cusub oo ay soo wado.

Dahir Abdulle Alasow
Amesfoort -Holland

 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com



 
ŠAll Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software