july .15.2008 Waagacusub.net sheekooyinka jaceylka

Gabar yar oo hal sano jir ah oo la ogaaday inay uur leedahay. +SAWIRO

 
 


Mucjisooyinka Rabbaaniga ah ee haatan dunida oo idil lagu arkayo ayaad moodaa in waayahan dambe ay isa soo tarayaan. Hadaba, arrintan cusub ee ku saabsan cunugtan yar ee ku dhalatay iyadoo leh uur ayaa quburo caafimaadka baara waxay sheegeen ka dib markii ay ku eegeen qalabka amaba aaladaha loo isticmaalo gudaha jirka bini'aadamka.





Khuburadan takhaatiirta ah oo aan faah faahin sidaasi u sii weynayn ka bixiyay arrintan ayaa cadeeyay inay gabadhani hooyadeed xilligii ay uurka laheyd laga yaabo inuu saygeeda u tagay misana fal gal xilligaasi dhacay uu u gudbay cunugta ay sidaasna ay ku qaaday uurka.





Arrintan mucjisada ah oo dadka reer Sucuudi Carabiya iyo weliba caalamka oo idil ka naxeen ayaa noqonaysa mucjiso Rabaani ah, iyadoo laga war hayo in waqtiyadii u dambeeyay la arkayay nin uur leh oo caalamka loo soo bandhigay isagoo cunug umulay, sidoo kale, waxaa la arkay hooyadii ugu yareyd ee da'dii ugu yareyd ku umashay, iyo weliba haweeneey 70-sano jir ku mataaneysay horaantii bishan. Hadaba, arrimahaasi waxaa la oran karaa waxay ka mid yihiin mucjisooyinka Rabaaniga ah ee Ilaaheey ummadiisa tusayo, si ay ugu waano qaataan.
 

Xigasho Xogta.com
 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com



 
ŠAll Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software