march .15.2007 Waagacusub.net sheekooyinka jaceylka

Seddex neefood:- qiso qosol iyo xigmad badan 5-aad

 
 


Kutubtii aad soo dhigatay oo dhan markii aad rogrogtay waxaad meel ciriiri ah baabu dalaaq ka soo heshay: ?Ninku haddii uu naagta sariirta ku raalli gelin waayo waa ay iska furi kartaa.?

Haa, halkaas qiil baa ku jira. Nin gurigaba inta badan ka maqani muxuu raalli gelin karaa? Siraad haddii la raalli gelin lahaa miyey gogoldhaaf samayn lahayd, oo doob debed fadhiya magangeli lahyd? Maya.

Markii aad muddo sidaas wax u qorshaynayseen welise aydaan tallaabo ku dhiirran, fiid fiidadka ka mid ah ninkii reerka lahaa oo goor xun socdaa waa kan.

*Maalmahan dambe waxaad dareensanayd reerkaaga in aad dayacday oo aad inta badan ka maqan tahay.

Caawa adiga oo asxaabtaada iskala bulshaynaya ayey taasi maskaxdaada mar uun ku soo dhacday, oo aad xasuusatay adiga iyo Siraad in aydaan hoos ahaan isaga war hayn.

Awel sidaas ayaad raalli ku ahayd si aad xorriyad u heshid, imikase waad kala fogaateen oo xataa laba qof oo isqaba la idinma moodo.

Awel iyada ayaa ku baraarujin jirtay oo ?xaggee baad ku maqnayd?? iyo ?xaggee baad goortan ka timid?? kaala hor iman jirtay, beryahanse in aad la joogtid iyo in aad ka maqan tahay ma kala jecla.

Malaha maqnaanshahaaga ayeyba jeceshahay? Maxay carruur u dhali wayday? Laba sano ayaad isqabtaan welina arrintaas kama aydaan wada hadlin.

Waayo? Weydiimo badan baad jawaabo uga baahan tahay. Sababtaas ayaad caawa goor hore u soo hoyatay.

Xerowgii ganjeelada ma fadhiyo ee mee? Kitaabbadii dulufka ahaa iyo salligii xumaa waa kuwan halkii yaal, laakiin isagii mee?

Adeegtadii caawa miyey maqan tahay? Kollay kijida kama muuqato. Qolka fadhiga ee ay rikoodhka heestu ka shidan tahay u sii gudub. Laakiin cidi ma joogto.

Siraad ma goortan ayey sariirta jiiftaa? Malaha musqusha ayey ku jirtaa? Bal sariirta ka eeg.

Halkani waa xaggee? Miyaanu qolkaagii hurdada ahayn? Miyaad soo ambatay? Horta sariirtu taadii ma aha oo waad hubtaa.

Abadan! Taadu sidan uma ay foolxumayn! Malaha waaba iyadii? Sow kuwaa daaqaddii iyo daahii aad taqaannay. Sow kuwaa kabadhkii iyo katabaankii. Sow kaa dharkaagii qaar.

Sow ma aha? Haa. Haddaa maxaa qaldan? Ninkan qaawan ee sariirta sii foorora ee la moodo in uu sii dabbaalanayaa waa kuma? Miyuusan xerowgii xumaa ahayn? Yaa maaha xeroowgii,waar ileen ibtilo waa  maxay gabadha ka hoos taaheeyso,ninku jab yaraa,waxa ka laalaada maxay ahaayeen.malaha kani maahi xeroowgii sajuuda dheeraa?

Wallaahi waa qudhiisii. Balaayo Ilaahay kugu rid! Sow kii wadaadka ahaa goorma ayuu ibtiloobay? Muxuu ku sii dabbaalanayaa? Qofka hoostiisa ka taahaysaa miyaanay Siraad ahayn? Siraad? Siraad maxaa xerowga hoos dhigay?

Isaga maxaa dusha ka saaray? Maxaaba halkan isugu keenay? Miyaad sakhraansan tahay, mise waad riyoonaysaa? Alloow riyo ka dhig! Malaha waabad waalatay? Maya ma waalane Siraad oo maqnaanshahaaga dhibsataybaa xeroowga xamaamka isagoo meeyranaya ka aragtay.

Alloow waalli ka dhig! Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim, bismillaahi raxmaani raxiim! Bal qolka fadhiga ku yara noqo. Bal indhaha marmar. Bal miyirso.

Bal haddana sariirtii xilka lahayd dib u eeg. Wax ma isbeddeleen? Haba ka yaabin! Imika ayaaba loogu daran yahay. Rafashadii iyo reenkii ayaaba la sii kordhiyay.

Aaa,Axmed Yare,ahlu kheyr.haa macaanto,qalbi ,nolosheeydiyaay,shankarooneey,iftiinkii indhahaay aaa!
Alla madaxa!

Maxaa talo ah? Hub ma sidataa? Maya. Hoh iyo caku! Bal maxaa ku hub tiray ma dumar baa tahay? Xaggee hub kuugu dhow? Gacantaada maal.

Maya, nabar qaado. Katabaanka la bood. Maya, wax dhaama daydayo.

Fadhiga maxaa yaal? Miiska ruqso, ama kursi. Maya, maya, wax dhaama kijada ka doono

Armay intaa kala kacaan? Weligoodba ha kala kaceen, yaa daynaya? Waxaas miiska kijada saarani ma mindi baa? Haa. Iyada qaado. Dib isula rog.

Xerowgii oo feero qaawan oo dhidid ka qubanayaa sow kan kaa hor yimid.

Muxuu qoonsaday? Mise wuu dan dhammaystay? Dayuuska dayuusku dhalay, adiga oo aan la hadlin mindida rubadda ka geli: Jug! Kalxanta iyo qoorta dhexdooda waa adigaa kala helay.

Fulayga fulaygu dhalay, muxuu la cabaadayaa ee kuugu maran yahay muu wax iska celiyo? Mar kale degdeg ugu celi.

Halkii aad ka siibtay waa kaas dhiig qasabad la furay la moodaa ka soo booday.

Baga! Nejiska nejisku dhalay mar kale u celi: Shug! Imikana naaska bidix hoostiisa waa adigaa ka ruubay.

Waa kaa qunyar qunyar hoos kaaga siibtay, ee inta uu dhiig kugu sii masaxay gondahaaga ku dhacay.

Cabaadkii waa kaa dhuunyeedhis ku beddelay. Dhakhso ha u dhinto ee mar saddexaad dhuunta ka geli: Fash! Hooyadii iyo walaashiiba wase, sow mayd ma aha? Haa.Ma hubtaa? Nacam.

Cimrigeed jabtii magaceed ba?da ahayd iyaduna meeday? Markii aad xerowga dilaysay waa tii iyada oo qaylinaysa damacday in ay debedda u cararto ee aad mindida dhiigga leh ku waabisay.


Xaggee bay gashay? Horta debedda uma ay bixin oo waad hubtaa.

Bal gudaha ka eeg. Haa, waa ta
sariirta hoos yaxoobta ee ooyaysa.

Dhidid, dhiig, illin iyo wasakhdii xerowga ayaa giddigeed ka qoyan. Uf, nacdal baa kugu taal! Wallee maanta markii aad ka tagtay iyo imika kala nadiifsan. Iyada uun ma aha ee guriga oo dhami waa faddare.

Mindida dhiiggu ka da?ayo marka aad isla kor taagtay maxay ku baryootamaysaa? ?Alla ha i dilin! Waan ku baryayaa ee ha i dilin! Wax kasta oo kale igu samee laakiin ha i dilin! Waan qaldamay ee i saamax!?

Markii ay sidaa lahayd adigu ciil iyo caloolxumo ayaad la miyir la ayd.

Sidee bay ku keentay in ay waxaa kugula kacdo? Haddii aanay ku rabin may kaa tagto? Xerowga xun haddii ay ka heshay may raacdo? Ma khasab baad ku haysatay sow laba qof oo xorriyad ku wada jooga ma aydaan ahayn? Maya, adiga ayey doonaysay in ay ku dulleyso, gurigaagana wasakhayso.

Waxa aad ku miyirsatay iyada oo kugu leh: ?Haddii aad I saamaxdid maydkan aniga ayaa asturaya oo waxba laguu raacan maayo.?

Markaas ayaa kuugu horreysay in aad ka fekertid qudhaadu in aad deldelaad u xidhan tahay.

In aad iyadana dishid iyo in aad toogasho ka badbaaddid ayaad isku mar ka fekeraysaa.

Haddii aad xasuusta daqiiqado sariirta dib ugu celisid waallidii ayaa kugu soo noqonaysa, xaggeeda ayaadan mindida ula dhaqaaqaysaa.

Haddiise aad maydka dhulka daadsan iyo noolahan awoodda daran ee eegmada quusta ah kugu baryaya fekerka ku soo koobtid waad yar miyirsanaysaa.

Waxaa maskaxdaada ku soo noqday hadalkeedii ahaa: ?Maydkan aniga ayaa asturaya oo waxba laguu raacan maayo.? Ma runteed baa? Sidee ayey u asturaysaa? Qudheeda mar kale ayaad dili kartaa haddii ay maanta xerowga raqdiisa kaa asturto. Ku talogal la?aan ayaad u weydiisay:

?Sidee baad u asturaysaa?? La soco taxanaha qeybta 6-aad oo gelaya jawi naxdin,qaracan,xigmad iyo muusig badan

W/D Ibraahin Yuusuf Axmed "Hawd"

Email:Ibraahinhawd@hotmail.com

 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com



 
ŠAll Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software