14. August . 2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada.

Gabdhaha Somalida Mareykanka oo balamaha kaga booda Wiilasha aan wadan gawaarida.

 
 


Inta badan gabdhaha Soomaalida ee ku nool dalka Mareykanka ayaa sanadihii ugu dambeeyay la soo baxay dabeecado ay la yaabeen ragga Soomaalida ee damaca kala dhaxeeyo.

Daraasad lagu sameeyay gabdhaha Soomaalida ee Mareykanka iyo Kanada ayaa lagu ogaaday inay %75 ka boodaan ,wiilkii aan wadan gaari ,si kastoo ay u sareeyso tacliintiisa iyo quruxdiisa.

“Waan ka helay dhab ahaantii,dhowr mar ayaan kulanay,iyada qudheeda way iga heshay,way ii imaan jirtay,laakiin galabtii dambe ayey iga codsatay inaan gurigeeda ku booqdo,laakiin waxaan waydiiyay Street-ka xaafadeeda taga,waxay iigu jawaabtay soo raac,Highway hebel,laakiin waxaan ku iri,ma wato gaariye,baskee taga xaafadiina,dabadeedna waxay iigu jawaabtay”Raali iga ahoow,hadii aadan gaari wadan”ayuu yiri Wiil Soomaaliyeed ee Mastered ka diyaariyay Minnesota.

Wiilkaas oo magaciisa ku koobay A.A.Y waxaa uu tibaaxay inuu mudo joogay Mareykanka,hadana markii uu la yaabay uu asaxaabtiisa waydiiyay,laakiin ay u sheegeen inay sanadihii dambe gabdhaha Mareykanka iyo Kanada dhaqankaas ku sii badanayay oo aysan la haasaawin mar hadii uu wiilka gaari lahayn.

Mr A.A.Y wuxuu calaamatu su-aal saaray,gabdhaha Soomaalida maxay ragga hantida,aqoonta ,dabeecada,diinta,quruxda leh kaga jeclaadeen kuwa gaariga leh? 


Waagacusub Arimaha Bulshada
Nurkhaire@hotmail.com

 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software