14. August . 2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada.

Ragga Soomaalida oo fadeexado kala kulmo N1-ka dabaqyada Kanada ,dhacdooyin naxdin iyo qosol badan!!

 
 


Ragga Soomaalida ayaa dowlada Kanada badankood u qoray codsiya ay ku dalbanayaan in dabaqyada dhaadheer ee Kanada gaar ahaan kuwa ay Soomaalida wada degaan laga furo telefishinka la iska arko ee N1-ka ku xiran guri walba iyo xitaa wiishaska la raaco.laakiin codsiyadaas oo ay mudo ragga Soomaalida u qorayeen Kanada ,wax weyn lagama soo qaadin sida ay Waagacusub ugu cawdeen rag la soo xiriiray oo dalbaday inaan magacyadooda la xusin.

“Fadeexadaha ugu badan ee ragga Soomaalida waxay dhacdaa ,marka ay isku xumaadaan ama isku dhacaan xaasaskooda oo ay gabadha ku wargeliso asaxaabta inay shidaan TV N1-ka  dabaqa ay degan yihiin dabadeedna ay ninkii oo imaanaya guriga ka xirato.

Fadeexadii ugu xumayd waxay ku dhacday Nin Soomaaliya oo xaaskiisa ay ka diiday inay u raacdo Soomaaliya,kadibna dabaqa boqolaad ku nikaaxsaday gabadh kale,kadibna ay Xaaskiisii oo ka daawaneeysay dabaqa hoose ,ku wargelisay asaxaabteeda inay daawadaan N1,si ay ula socdaan,sida ay uga aargoosaneyso Ninka ay Caruurta u leedahay.

Asaxaabta Soomaalida ee degan dabaqaas ka koobnaa boqolka dabaq ayaa mar qura N1,wada shitay,waxaana qosol iyo naxdin bilaabatay markii la arkay odaygii reerkaas oo gurigii siduu u garaacayay farahii daaleen,dabadeedna arkay bac Madoow dharkiisii lagu soo guray oo meel luuqa ku tuuran.

Seeygii is waalwaalay ayaa bacdiisii garabka saartay,waxayna taasi riixday inuu habeenkaas la seexdo Saaxiibadiis,maadama uusan guri geysan gabadhii lagu nikaaxiyay.

Ninkaas oo aan ka gaabsanay magaciisa ayaa la yaabay markii marqura la soo wada wacay oo looga sheekeeyay sida looga xun yahay waxa ku dhacay.

Xafiiska anshaxa ee Kanada ayaa sheegay in Telefishinka N1 uu yahay mid loogu tala galay ,in la iskala socdo dhaqdhaqaaqyada dabaqaa wayn ,maadama ay wax walba dhici karaan.

Si kastaba ha ahaatee telefishinkaas fadeexada badan ee la isku balansado ,ayaa u muuqanaya mid sharciyan aan laga maarmin.

 

 


Waagacusub Arimaha Bulshada
Nurkhaire@hotmail.com

 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software