14. August . 2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada.

Gabadh baabuur ay wadan jirtay Soorya iyo xarago kaga bixisay Wiil ay jecleed lix bilood.

 
 


Gabadh  degan Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa Wiil ay isku barteen Xaflad ka dhaceysay Hotel Panorama ,ayna jaceyl wadaag ahaayeen mudo lix bilooda waxay u iibisay gaari ay wadan jirtay.

Gabadhaas oo gaarigii ay lahayd ku xaraashtay laba kun iyo boqol dollar,waxay u dhiibtay wiilkaas oo lagu magacaabo Maxamed M .C kadibna wuxuu shan boqol oo ka mida Soorya ahaan u geeyay ehelada gabadha ,intii kalana wuxuu ku deyn kula kabtay alaabahii guriga ,isagoo boqol dollarna uga diray hooyadii oo reer dabareeda.

“Gaariga waan helayaa,ee waxaan u iibiyay jacaylkeyga waayoo,imisaa is guursatay aduunka iyagoon shilin heysan dabadeedna noqday tujaarin,wax walba waxaa igala wanaagsan daacadnimada uu Seeygeeyga iigu sheegtay inuusan boqol dollar heli Karin,anigana dadnimadeeyda ayaa igu qasabtay inaan gaarigeeyga soorya uga bixiyo”sidaa waxaa Waagacusub ugu waramay Leyla F M oo ah gabadha ,nafteeda u hurtay wiilka ay ku guuleeysatay inuu seeygeeda runtaa noqdo.

Si kastaba ha ahaatee,Leyla ma ahan gabadhii ugu horeysay ee Soorya ka bixisa,aroosna u sameysa wiil Soomaaliyeed oo ay naf wadaag yihiin laakiin waxaa jira gabdha badan oo ceeb iyo wax lala yaabo u yaqaan inay maalkooda u huraan ,hadii lamaanayaashooda daruufeeysan yihiin xaga jeebka,lacagta,dhaqaalaha,abuu bidaarka.

 


Waagacusub Arimaha Bulshada
Nurkhaire@hotmail.com

 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software