14. August . 2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada.

Proff Geeddi oo ka qaybgalay qoobka ciyaar aroos iyo Proff Dalxa oo heestiisii caanbaxday ee Shankaroon masraxa la fuulay. 

 
 


Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Proff Maxamed Cumar Dalxa ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii xilkaa culus uu qabtay,waxaa lagu arkay isagoo ka soo dhexmuuqda Masraxa fanka.

Proff Dalxo ayaa si lama filaana masraxa ku fuulay ka gadaal markii uu ka qaybgalay xaflad aroos oo  Wiil uu dhalay Ra’isulwasaarre Cali Maxamed Geeddi loogu qabtay Hotelka ugu wayn Nairobi ee Safaripark ,kuna yaal meel Magaalada ka baxsan 13 KM.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka ayey gacanta soo qabatay Siyaasiyada Khadiijo Maxamed Diiriye,kadibna wuxuu fuulay Masraxa ,iyadoo kooxda oo qiyaas ahaan u diyaar ahaydna ay u garaacday heestiisii caanbaxday ee Shankaroon.”Waa shan iyo toban jir,Sheekh wacani dhalayoo,sharda laga xijaaboo ,laga naaray sheeydaan”ayuu sacab badan ku muteystay Proffeser-ka.

Proff Dalxa oo lagu tilmaami karay inuu mar qura jadbooday ,ayaa daadegay dabadeedna wuxuu gacanta soo qabtay Ra’isulwasaare Cali Maxamed Geeddi oo fadhiyay qeybta VIP-da arooska,wuxuuna Geeddi oo qiyaas ahaan markii horeba kursiga isku celin la’aa,la jaanqaaday qoobka Ciyaarkii ama Jaaskii loogu dabaaldegayay arooska wiilka uu dhalay.

Mas’uuliyiin fara badan oo ka tirsan dowlada federalka ayaa mar qura masraxa jeeska iyo baadhiga isku shubay,waxayna taasi ahayd daawashada ugu xiisaha badan ee lagu kala xulayay ,shaqsiyaadka ugu ciyaarta wanaagsan.

Qaarbaa durba qoob ka ciyaarkooda laga dhadhansaday inay ahaayeen Macalimiin waaweyn oo mudo baadhiga ehel gaara u ahaa,halka kuwa kalana ay sida geela lug waaliya ,oo aan la heysan muusikada kor u tuurayeen.

Arooska Wiilka Cali Maxamed Geeddi waxaa ka qaybqaadanayay fanaaniin diyaarad gaara looga keenay Muqdisho,oo uu hogaaminayay Maxamed Baroow iyo hobolo hore u joogay Nairobi ,lagana xusi karo,Aas aasihii Waaberi ,Cabdi Cali Bacalwaan,Maamadii codka aan isbedelin,Khadiijo Foodeey Nuur , Gabadhii fanka ka dhaxashay Aabaheed ee Muslimo Khaasim Hilowle iyo waliba fanaanka aadka loo jecel yahay ee Cabdiqaadir Kaskeey.

Si kastaba ha ahaatee arooska Wiilka uu dhalay Cali Maxamed Geeddi oo la aaminsan yahay inay ku baxday Malaayiin Doolar ayaa noqonaya arooska sanadka ugu wanaagsan ee ka dhaca Kenya iyo Somaliya,waxaana leenahay Hambalyo arooska sanadka ,Wiil iyo caano ,gabadh iyo Shaah.

 

 


Waagacusub Arimaha Bulshada
Nurkhaire@hotmail.com

 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software