febuary .13.2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada

Seddex neefood:- qiso qosol iyo xigmad badan 2-aad
 
 


Laakiin balaayadu armay gabadh tahay oo aanay in lagu dhex libdho oggolayn? Haddii ay ku dhex libdhid noqoto Siraad baa dhaanta oo sida la isugu libdho taqaan.

Laakiin taasi waa macsi dheeraad ah waayo waa naag la qabo.

Haddii la qabo maxay daaqad furan iyo ilays shidan isugu qaawinaysaa? Haddii ay isku qaawiso sow gurigeedii ma aha? Haddii uu gurigeedii yahay daaqadda sow ma ay furin? Haddii ay furtay sow kulayl ma jirin? Maya, maya, iyada ha eersan ee berri adeegtada guurso, ama tii digirta karin jirtay
Laakiin berri maxaad ku gaadhi sow adigan bestaa ah ee dhimasho ku dhow? Dhimasho? Ma naag baa loo dhintaa? Waar isla yaab! Haddaasow adigan sakaraadka ah ee wada gariiraya? Sow kan wadnahaagii in uu qarxo ku dhow? Adiga oo waxaas oo biyo ah cabbay haddana sow adigan candhuuf aad dhuunto ku engegan ku qoysid afkaaga ka waayey? Malaha naag ma aha ee waxa sidaa kuu gelayaa waa sheydaan? Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim!
Naagaha baas maskaxdaada ka saar oo wax kale ka feker.

Haa, wax kale ka feker, aakhiro ka feker, iyo cadaabta iyo jannada.

Alla cadaabtu kululaa, Ilaahaow naga najee! Alla jannadu liibaan badanaa, Ilaahow noogu deeq! Laakiin haddii adeegtadaba iska daysid oo Siraad qudheeda u gashid maxaa dhici lahaa? Iyaduna miyey kugu qaylin lahayd? Malaha kugama ay qayliseen? Ninkeedu inta uu soo hoydo iyo inta uu dhaxaa way is-la?eg yihiinee maxay kuugu qaylinaysaa? Waxaa laga yaabaa sida aad ugu baahan tahay in ay kuugu baahan tahay oo ku soo dhoweyn lahayd.

Berigii aad shaqadan bilawday sidii ay u ahayd miskiinad iyo maanta sida ay u dhaqantaa waa laba kala fog.
 
Waa wax lala yaabo in uu qof bani aadam ahi sidaas isu beddelo! Waa tii ay diintu sheegtay oo maalku waa fidno.
 

Faqriga qudhiisu waa fidno kale, bal waxa caawa ku haysta fiiri! Barashadii diinta ee aad u bilawdayna diidday in ay sii waddo.

Ma iyadaaba diin barasho u soo jeedda bad kale ayey ku jirtaaye.
 

Yeelkeede haddii caawa Alle iskiin bado wallee waxayna ku qayliseen: ?Aaa! Waa halkaas meesha aan diinta Ilaahay ka baran waayay!?

Haddii ay kugu qaylin weydo jidhkii aad aragtay ayaad deeq u heli lahayd.

Ma liibaan taa ka weyn baa jirta? Jaariyadda xun ma hubtid laakiin waad hubtaa Siraad in aad ku bogsan lahayd. Bogsasho?
Oo miyaad buktaa? Maxaa ku haya, ma oofwareen mise daacuun? Waxaa ku haya balaayada jiif iyo joog kuu diidday.
 
Imika labadooda mid uun ma tijaabin kartaa? Haddii ay kuguqayliso waa maxay waxa ugu daran ee dhici karaa? Fadeexad;  wadaad fadeexadoobay; wadaad reerkii uu raatubta u akhriyi jiray ee waardiyaha u ahaa kufsaday.

Ka dibna? Ka dayuuska ah ee reerka lihi armuu ku dilaa? Oo inta uu ku dilayo maxaa ku dhigaya? Haddii ay talo dhabaqdo maad baxsatid?Haa, haddii ay wax hagaagaan hagaage, haddii kale ka dhuumo.

Miyuu ku helikaraa? Ab iyo isir toona kuuma yaqaan ee sidee buu kuu heli karaa? Sinaba.

Laakiin waa maxay waxan aad ku fekeraysaa? Miyaad waalatay? Sow adigan habeen keliya sheydaan isu rogay? Kitaab Qur?aan ahna gacanta ayaad ku haysaa! Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim!
Sidii aad xaaladdaas ugu jirtay ayey goor dambe noqotay, laba iyo tobankii iyo dheeraad.

Nalka aad hoos fadhido ee aad wax ku akhrisatid mooyee beerta inta kale waa mugdi. Degganaanta iyo aamuska ayaa ka daran oo caleenta geed ka soo dhacda waa la maqlayaa.

Si aadan marnaba filayn ayaad aragtay nalkii kijada oo la daaray.

Kijadu qolalka guriga iyada ayaa ugu sokaysa oo halka aad fadhidid waxay u jirtaa ilaa shan iyo toban tallaabo, laakiin daaqaddu dhan kale ayey u jeeddaa, sidaa darteed qofka nalka daaray ma arki kartid, waadse hubtaa in aan guriga cid aan Siraad iyo adeegtada ahayni joogin.
 
Waa labadii mid uun. Welwelkii, xummaddii, wadno garaacii iyo waallidii ayaa kugu sii kordhay.

Ta ay doontaba ha ahaato ee bal ka warran haddii ay soo baxdo, oo kuu timaado, oo ku tidhaahdo: ?Waan gam?i waayey ee kaalay i wehli?? I weheli?! Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim! Balaayo ku wehelisay!
Adiga oo ta ay tahay malaynaya ayaa albaabkii oo indhahaaga ku beegan la furay, waxaana ka soo baxday Siraad oo u eg ilmo hurdo ka soo seleshay.

Dirac aad khafiif u ah oo aan waxba uga hoosayn ayey ku dhex jirtaa, albaabka ay ka soo baxdayna iftiinka ka daaran ayey ku beegan tahay, sidaa darteed in ay wax gashan tahay lama moodo.

Tin iyo cidhib jidhkeeda dhuuban ee qurxooni diraca ayuu ka dhex arkaa. Maba ay leexleexan ee toos ayey kuu soo abbaartay, adiga oo si waalli ah tusbaxa u rogrogaya ayeyna iskaa soo dul taagtay.

Waxaad kala garan wayday soo bixisteeda in aad weli ku fekeraysid iyo in ay dhab tahay.?Sheekh, khayr Alle ha ku siiyee waan gam?i la ahay ee Qur?aan igu akhri?, ayey kugu tidhi.
 
Qur?aanku ku qabay oo Ilaahay inkaar kugu rid! Iyada oo qaawan ayey doob saqdhexe cidla fadhiya leedahay ?Qur?aan igu akhri?! Ayaad ku fekertay, afkase waxaad ka tidhi: ?Bal waxa Alle iga haleelsiiyo ayaan kugu akhriyi ee soo fadhiiso. Sidee laguu hayaa??
?Dhiiggayga ayaad mooddaa in la karinayo.

Waan qubaystay, dharna diracaas aad aragtid baan iskaga reebay, welina waan holcayaa.?
 
Dhiiggaaga la kari oo dhulka Alle kuu goo! Dhiig la kariyey sow waxa annagaba na haya ma aha.
 
Markiiba salligii yaraa ayey dacal kaga fadhiisatay. Kuguma soo jeeddo kaamana sii jeeddo ee dhinac ayey u fadhidaa.

Aad baad isugu dhow dihiin oo gacanta aad tusbaxa ku haysid haddii aadan soo laabi lahayn waa ay gaadhi lahayd.

Diraca waa ay iska sidataa ee waxba uma qarsoona. Aayad kursi ayaad si waalan degdeg carrabka ula dhacday iyadana hoosta ka daawatay.
 
Haddana salligii yaraa ee aan awelba fadhiga idiinku wada filnayn ayey isku legedday, waxaanad arkaysay naasaheeda sida yaabka leh u sii ruxmaya.

Markii ay jiifsanaysay waxay sii lahayd: ?Halkan ayaaba neecaw macaan.

In aan barkin soo qaato ayaa fiicnayd.?
Waxan ku hor yaal ma iyadii baa? Ma run baa mise waa riyo? Xubnaheedii oo dhami waa kuwan sidii hoobaan bisil hortaada daadsan. Filasho iyo filanwaa, farxad iyo naxdin, labadaba leh.

Imika afka waad iska dhaqdhaqaajinaysaa ee waxii aad akhriyaysay mar hore ayey kaa murgeen,
carrabkii oo engagan ayaa dhanxanegga kaaga dhegay. Gacantii waa kaa tusbaxii ka dhacay ee iyada oo sida xubnaha kale u kurbanaysa diyaar u ah in ay xeedhada bisil ee ku hor taal boobto.
 
Inta aad calaacasha barako ku afuuftay ayaad garabka oo jidhkeeda ugu sarreeya qunyar ka saartay, waana ay kurbatay adiguna la kurbatay.

Haddana calaacashii ayaad qunyar oo debecsan gacanteeda qaawan ku salaaxday, waana ay sii kurbatay adiguna la sii kurbatay.

Mar kale ayaad calaacasha barako ku afuuftay oo dhabarka ka saartay, oo qunyar ilaa qoorta ka marisay, kurbashadii ayaadna kaga sii darteen. Markaas ayaad xasuusatay waysadii in ay kaa burtay sida uu Imaam Shaafici qabo.
 
?Alla Sheekh, gacantaadu macaanaa, waa la garanayaa in ay barakaysan tahay!?
 
La soco 3-aad sheekadaan xiisaha badan.

 

W/D Ibraahin Yuusuf Axmed "Hawd"

Email:Ibraahinhawd@hotmail.com

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
ŠAll Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software