Dicember .12.2007 Waagacusub.net Sheekoyinka jaceylka

GAlgacalkii Qorsoonaa {Sheeko xiios badan}qeybtii 12aad

 
 


Dhanka kale wiilkii kaafi ahaa ee isaga iyo muniira la kala irdheeyay sidii uu uga soo kabtay jacaylkii uu uhayay muniira, wuxuu iska gataa dukaan isagoo gabadhaa darteed uga baxay iskuulkii ay isla dhigan jireen ka dibna aawadeed  inta uu unacay waxbarashadii ayuu ganacsi iska galay.marna ma uusan ku taameyn in gabadhaas uu xiriirkeeda soo celiyo ..

Inta ay kala goosteen isaga iyo muniiro waxaa ka soo wareegatay labo sano,kaafi wuxuu ahaa wiil aad u dabeecad fiican isla markaana ku darsaday hanaan uu eebbe u dhaliyay iyo daacadnimo xad dhaaf ah,lama soo koobi Karin inta jeer ee ay gabdho ay soo jiidatay dabeecaddiisa ay arji ula yimaadeen balse wuxuu uga aqbali waayay xanuun gocasho waayo waayo ah oo qalbigiisa ka damqanayay .

wuxuu ku hamin jiray mar un in uu arko muniiro oo nabsiga ay ka gashay uu ka soo baxo..

wuxuu xusuus u galaa waayihii soo maray noloshiisa ee waqtigii macaanaa uu jacaylka ha kufin ha jabin iyo ha dhicin ku socday ee uu la soo qaatay gabadhii uu u hibeeyay noloshiisa ee hadana meel cidlo ah kaga tagtay.

kaafi mar walba oo uu arko laba ruux oo jacayl wadaag ah waxaa ku soo lixaadsanayay dareenkii ku beernaa qalbigiisa..

inta badanna wuxuu isku madadaalin jiray heesaha catowga ah isagoo isku qancin jiray in arrinta ku dhacday aysan ahayn mid isaga un ku kooban balse ay tahay mid soo jireen ah oo rag badan ay hore ula soo kulmeen,wuxuu dhex fadhiyaa dukaankiisii yaraa waxaana u shidnaa hees ku reebtay xusuus niyadiisa taasoo uu ku luqeynayay fanaanka Bashiir Cali Xuseen.

Jacayl kala awood weyne.

kii iilka dhigay qeys

leylana ag seexshaa

anna igu abuurmoo

oogaduu ku faafoo

diiday in aan adkeystee

ii kaa asqeeyoo

igu kaa eryaayee

imisaa adoo kale

arji iila timidoo

oofin maayo aan iri

aawadaa u joojee

wadnahay ololayee

ii dhigo abaaloo

arrinteyda meel mari.

Axdi been ah lama galo

wacad lama ilaabee

ruuxii ku aamina

lagama indho saabtee

afar saniyo dheeraad

arrimahaan dhiseynee

aan is iri idlaadeen

waa adigii irdheeyee

imisaa adoio kale

arji iila timidoo

oofin maayo aan iri

aawadaa u joojee

wadnahay ololayee

ii dhogo abaaloo

arrinteydan meel mari.

haddii aan milicsanno gabadhii Fani ahayd iyadu waxay ku mashquulsaneyd sidii ay dadaal dheer u muujin lahayd imtixaanka sanad dugsiyeedka oo foodda ku soo hayay.

waxay Fani ku hamineysay in ay dhibcaha ugu sarreeya ee imtixanka ay hanato,wuxuu ahaa imtixaankii loogu gudbayay dugsiga sare. 

fani ujedkeeda ugu weyn wuxuu ahaa in dadaalkeeda dheeriga ah ay ku hesho jamacad dibadeed. 

Muniira iyadu waxaa ay si aad ah ula yaabbaneyd hadalladii uu u sheegay walaalkeed Axmed juqraafi ee ahaa in Fani uu jecelyahay, waxaa maskaxdeeda si aad ah ugu soo laalaabanayay sida ay arrintaas ku dhacady .

waxayse isku qancisay in jacaylku uu ku beermo siyaabo kala duwan.

mararka qaarkood in uu jacayl kugu beermay waxaa lagaa dareemi karaa wanaag fara badan oo aad u heyso ruuxa aad jeclaatay,waxaad la soo baxaysaa naxariis iyo caadifad aad ku habeyso qofka uu dooqu ku raacshay ,sidaa si la mid ah...

waxaa jira jacayl marka uu qalbiga ka soo go,ayo ay la socoto dabeyl nacayb uu ku dahaaranyahay.

sidaa darteed muniira way iska garwaaqsatay arrintaas waxayna go,aansatay in marka iskuulka laga rawaxo ay Fani Daahir sheeko gaar ah la yeelato, si ay taas ugu suurto gashana waxay sii ogeysiisay Fani oo ay u sheegtay in maanta dan gaar ah ay ka leedahay..

Fani kama aysan diidin saxiibteed codsiga ay u soo jeedisaye,inta ay ka aqbashay baa hadana waxay maskaxdeeda u soo gudbisay su,aalo dhowr ah oo codsigaas ku aaddan.

 Fani maalintaas waxaa isugu darsoomay oo shaki weyn ku beeray codsiga Muniira ee ah in dan gaar ah ay ka leedahay iyo Axmed juqraafi oo si gaar ah u eegayay oo ka duwan sidii hore.

labadooda waxay fadhiyeen laba kursi oo iska soo horjeeda,badanaa Fani hoos ayay uga jeesaneysay xishood dartii markii ay isku dhacaan indhaheeda iyo kuwa Axmed oo deymo qooraansi ah oo raxmad ay ku dheehantahay ku soo eegayay.

maalintaas Fani si aad ayuu dareenkeeda isku badalay mana aysan ogeyn waxa sababay arrimaha jahawareerka ku riday, waxay si aad ah ula amakaagtay dareenka Axmed ka muuqda , mararka qaarna wuxuu ku soo tuurayay hadallo damac uu ku dheehanyahay oo isagoo aan is ogeyn uu carrabkiisu u hadiyadeynayay dhegaha Fani Daahir ee aan weligood maqlin hadallada jacaylku ka dhadhamayo.

fani, Axmed Juqraafi kagama aysan baran in uu la hadlo iska daaye xitaa salaanta in uu ka qaado, maantase aad bey uga duwantahay maalmihii hore ee nacaybka ruux walbana dhankiisa ayuu ka dareemayaa dareen hor leh oo noloshiisa ku cusub.

Faadumo Macallin Abuukar (Faadumoruush)

faadumoruush@hotmail.com
 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
ŠAll Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software