Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Waagacusub Media: Website-ka Weriyeyaasha Soomaaliyeed 2009
 

Waagacusub English News Clickhere

Maxaa loo furay Faadumo...?!!(Sheeko taxane ah) Qaybta 9-aad

Boga Bulshada 09 November  2009 Waagacusub Media
 

           


Muddo dhowr bilood ah ayay Faarax iyo Faadumo, si aan xiriir ahayn ugu dhaqmayeen qolkooda yar ee ka midka ah Aqalka Reer-Fabio. Wax la cuno ama la cabbo oo kala nooc-nooc ah, jeebkoodana aan ahayn ayaa gacanta ugu jiray, waana ayba naaxeen bilahaas...!!.

 

 
Muddadaas ka-dib, waxay Faarax iyo Faadumo aqal saddex qol ka koobnaa ka kiraysteen agagaarka Ceelkii 'Maxamuud-Jacaf'. Fawzia-yarey qol baa la siiyay, qolna fadhi bay ka dhigteen, midka saddexaadna wuxuu noqday qolkii jiifka ee Isaga iyo Faay.

Qoyskan cusub ayaa waxay is-tusaaleeyeen: in qaabka wada-dhaqanka ee Qudba-sireedka ah, si tallaabo-tallaabo ah looga gudbo. In loo gudbo dhaqan Qoys caadi ah iyo nin laba xaasle ah oo la og-yahay oo habeenba naag u hoyanaya...!!.

Habeen habeennada ka mid ah, ayuu Faarax u sheegay Aabbihiis Oday 'Faataxoole': inay isaga iyo labadiisa Saaxiib ee Odayaasha ah oo lagu kala magacaabo 'Fajac' iyo 'Faroole': inay Quraan u soo akhriyaan Haweeney lagu magacaabo Faadumo.

Habeenkii la ballamay oo Jimca ahayd, ayay saddexdii Oday(Faataxoole,Fajac & Faroole) isa soo raaceen. Waxay soo caga-dhigteen Aqalkii Faadumo ee loo tilmaamay. Waxaana Aqalka ku sii sugayay: Faarax, Faadumo iyo Fowzia.

Odayaashii ayaa akhriyay Quraan, ka-dibna u duceeyay Faadumo. Waxaa la siiyay Casho fiican iyo qaddar lacag ah(Xaqu-Saabuun). Markaas ka-dib, waxaa meesha ka dhacay sheekadan:-

Faarax:-Aabe, adiga iyo Odayaashan adeerradey ahba, Allaha idinka aqbalo Quraanka iyo ducada. Waxaanse idiin sheegayaa oo kale: in Haweeneydaan Faadumo ah, ay tahay xaaskaygii 2-aad, ayna ii qarsoonayd. Gabadhan yarna, iyadaa dhashay...!!.Afkeennu waa isu ammaan, arrintuna weli waa qarsoodi, ee sidaas ogaada...!!.

Faataxoole:-Hay,sideene.....Waa la og-yahoo Guurku sidiisaba, waa Tallaabo lagu farxo, oo xagga horumarka bulshadeed ah.Diinteennaa bogaadisa, laakinse Maandhoow, waad nagu soo kedisay sheegista arrinta. Sidaas waad noogu tala-gashay ayaan filayaa, sow ma aha..?!!.

Fajac:-See camal waaye hee arrinkaan...Igaarkeey, saan lee maa wax noogu sheegaysaa...?!!. Ma laysu soo digaayo miyaa...?!!.

Faroole:-Khayr lee waaye, Faataxo gaar ah aan u marno Reerkaan cusub. Abshir Allaha ka dhigo. Allaha isu maceeyo...Il-Jinni iyo Il-Insi Allaha ka qabto. Ubad khayr lehna Allaha kala siiyo...

Faarax:-Odayaal, waxaa kaloo aan idinka rabaa: qaabkii uu dhaqanku ugu xuub-siiban lahaa mid caadi ah, oo aan buuqna lahayn.....Sidee Aroosiddaan looga dhaadhicinayaa, loona dejinayaa xaaskayga min-weynta ah ee 'Filsan'...?!!.
La soco Qaybta 10-aad

WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy

Somalia: Sudan pushes Aweys to support Somalia government

Somalia:Al-Shabaab Is N-One Enemy of Islam and Menace to the Somali People

Somalia: Mortar shell injures 8 women in Mogadishu

Somalia: Hormuud Telecom accused of listening its customers: Editorials

Somalia:Al-Qaeda to distabilize Somaliland
 

Waagacusub Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new