12. August . 2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada.

Kumaad tahay, Kumaadse la nooshahay, Kaalintaaduse waa tee? 

 
 


Ugu horreyntii waxaa la innooga baahan yahay inaan isweydiinno Cidda aynu nahay, waxa ALLAH (sw) naga ahaysiiyey, sababta dunida naloo keenay, taas marka aynu garanno ayeynu tallaabo qaadi karnaa.

ALLAH subxanuhu watacaalaa ayaa inoo caddeeyey wuxuuna Aayad quráan ah ku yiri

"Waxaan ka abuuray dadka wax laga soo soocay dhoobo, markaasaan ka yeelnay dhibic ku jirta meel sugan; kadibna dhibicdii ka abuurnay Calaqo, kana abuurnay calaqadii Goosin, kana abuurnay goosinkii lafo,oon huwinnay lafihii Hilib, markaasaan ka ahaysiinnay khalqi kale;waaxaa kheyr badnaaday Eebaha abuurkiisu fiicn yahay".mu;minuun 12-14.

Haddaba, ciddaas dhoobada laga abuuray baynu nahay,sababta Allaah noo abuurayna ma aha wax kale ee waa tan uu Aayaddiisa quráanka kariimka ah ku yiri

"Jinni iyo insi waxaan cibaadoadeyda aheyn uma abuurin" suuratul daariyaad 50.

Aayadani waxay noo cadeyneysaa in Allaaha abuuray addoomadiisa inay caabudaan kaliya ee uusan uga baahnayn wax kale, cibaadaduna waa sida Ashahaadada, salaadda,sakada,soonka, xajka,jihaadka, Ammaanada, Runta, Deeqsinimada iyo ku dhaqanka guud ahaan sida ay diintu fareyso liibaana lagu gaaro Aakhiro iyo Aduunyo.

Allaah (sw) wuxuu xaddiisul-qudus ku yiri "Ibnu-aadamow cibaadadeyda u kali noqo laabtaada aan ka buuxiyo hodantinimo, faqrigana aan kaa awdee, haddaadan sidaa falin laabtaada waxaan ka buuxin shuqul, faqrigana kaa awdimaayo"(Imaam Axmed, Tarmidi iyo Ibnu maajah).

Allaah wuxuu kaloo noo abuuray inuu na jarribo (Imtixaano ), si haddaba aan Imtixaankaa u marno wuxuu nagu nimceeyey Arag,maqal,caqli iyo jismi (qaab-dhismeed) inoo suurto gelinaya inaynu gudanno waajibaadka Allaah, intaasi kaddibna Allaah waa uu noo caddeeyey waddada haboon iyo tan xun si aan u kala dooranno,sida uu Allaah aayad kale ku yiri

"Annagaa dadka tusinnay jidka,waxayna noqdeen mid shukriya (mahdiya)iyomid Gaalnimo badan" suuratul insaan 3.

Haddaba, labadaasi kooxood ee kooxna Allaah ku shukrisay,kooxna ku gaalowday, kooxdee baan doorannay inaan ka mid noqonno?waxay ila tahay inaan doorannay kooxda horee Allaah (sw) u ballanqaaday inuu adduunyo iyo aakhiraba nooleynayo nolol wanaagsan,sidasi darteed haddeynu kooxda hore dooranay waa ay inoo caddahay cidda aynu nahay,haddii nala weydiiyo kummaad tahayna waxaan ku jawaabi karnaa waxaynu nahay Muslimiin,markaan sidaasi ku dhawaaqnaana ma aha midnaloogategayo,sida uu Allaah aayad quráan ah ku yiri:

"Ma wuxuu u maleeyey dadku in loogaga tegayo inay dhahaan waan rumeynay oon la imtixaameyn; dhabahaan ayaan u imtixaanay kuwii ka horeeyey, Eebbena wuu muujin kuwii run sheegay wuxuuna muujin kuwa beenlayaasha ah"suuratul cankabuut 2 3.

Halkaasi waxaa nooga cad markeynu sheeganno inaan Allaah rumeynay nalooga baahan yahay inaan dhowrno xilka iyo waajibaadka uu Allaah na saaray dhawris dhan; intii karaankeennana aan Allaah ka baqano, taasoo marka aynu ku dhaqaaqno Allaah naga abaal marinayo meel aanan fileyna naga irsaaqayo; wuxuuna Allaah aayad kale ku yiri "Haddii aad Alle ka cabsataan oo xilka iyo waajibaadka uu idiin diray gudataan wuxuu idiin siinayaa iftiin aad ku kala saartaan xaqa iyo baadilka, wuxuuna asturayaa xumaanihiinna, wuuna idiin dembi dhafayaa, Allaa dembidhaafe kheyrbadane ah"suuratul Al-Anfaal 29.

Haddaba, haddii aynu garannay cidda aynu nahay iyo waxa nalaga doonayo, aan isweydiinno, xaggee baan haatan ku sugannahay, kuma ayaanse lanoolnahay? waxan ku sugannahay xilli iyo goob diinta gabaabsi ku ah,waxa aan lanoolnahay qolada aan horay usoo tilmaannay ee Allaah (sw) ku gaalowday oo aan dalkooda joogno sabab kastaba ha ina keentee.

bal si aynu u fahamno waxa ay qoladani yihiin aan yara eegno waxa uu ka yiri Allaha abuuray ee na wada uumay:-

"Waxaa gaaloobay kuwa yira Ilaahay waa masiixi Ibnu Maryama (Ciise) isagoo masiix (Ciise) yiri caabuda Eebbe ee ah Rabbigay iyo Rabbigiin, ruuxii u shariik yeela Allaah ee gaalooba wuxuu Ilaahay ka xarrimay Jannada, wuxuuna ku hooyan naarta, daalimna ma helo gargaare".

"Waxaa gaaloobay kuwii yiri ilaahay waasaddex midkood, Ilaahay kaliya mooyee Ilaah kale ma jiro"suuratul Maa'idah 72-73.

Aayadahani waxay caddeyneysaa sida ay Nasaaro u gaalowday oo ah inay Nebi Ciise (cs) Ilaah ku sheegeen, oy dhaheen waa Ilaah saddexaad, iyadoo ay dhabtu tahay in Allaah kali yahay, wax ilaahnimo la wadaagana aysan jirin, Nebi Ciisana yahay addoon Eebbe oo Rasuul ah sidii Rasushii hore.

Kooxda aan la nool nahay ee ka mid ah kooxdaas, kuma koobna oo kaliya inay iyaga uun gaaloobaan, balse waxay jecel yihiin in muslimiintuna gaaloobaan oy xaqa ka leexdaan xasad iyo xumaan darteed, taasoo looga gudbi karo in xaqa lagu taagnaado oo aan warkooda la maqlin.

Allaah aayado badan ayuu uga hadlay makriga (hagardaamada) ay gaaladu la doonayaan muslimiinta iyo siddii looga digtoonaanlahaa , waxaana ka mid ah aayadahaa;

"Waxay jecel yihiin (Gaaladu) inaad gaalowdaan sidii ay iyaga u gaaloobeen ood isku mid noqotaan, haka yeelanina xaggooda sokeeye intay uga hijroodaan jidka Eebbe" Nisaa 89.

Si aan hagarta ay gaaladu nala doonayaan uga gaashaamanno allaah (sw) aad ayuu noo tusaaleeyey, aayado badan ayuuna umuurtaas noogu caddeeyey, waxaana ka mid ah :-

"Kuwa xaqa rumeeyeyoow Eebbe ka cabsada, naf walbana waa inay eegtaa waxay berri (Qiyaamaha) u hormarsatay, Eebbe na ha laga baqo illeyn wax waliba wuu ogyahaye";"kuwa xaqa rumeeyayoow ha ka noqonina sidii kuwii Eebbe hilmaamay isna markaas uu hilmaansiiyey naftooda, waana kuwo faasiqiin ahoo xaqa kaleexday "suuratu al xashir 18-19.

"Kuwii xaqa rumeeyeyow ka dhowrsada (baqa) Eebbe dhowrsashadiisa xaqa ah, hana dhimanina idinkoon muslim ahayn"suuratu Aali Cimraan 102.

"Eebbe ka dhawrsada (ka baqa) intii aad kartaan, maqla oo adeecana"suuratu Tagaabun 16.

"Kuwa xaqa rumeeyayow ka dhowrsada Eebbe, hadalka toosanna ku hadla.Ha idiin wanaajiyee camalkiinna, hana idiin dhaafo dembigiinee; Ruuxii adeeca Eebbe iyo Rasuulkiisa wuxuu u liibaannay dhab ahaan liibaan weyn".suuratul axzaab 70 71.

Aayadahaasi oo dhan waxay noo cadeynayaan mas,uuliyadda naga saaran ka baqista Alle iyo dhowrsita waajibaadka na saaran,iyadoo ay caddahay in diinta Islaamku aysan ahayn wax lagu dhaqmi waayo oo adag, balse tahay mid fudud, Allaahna wuxuu dadka ka rabaa intay karaan uun inay ka yaabaan;isagoo addoommadiisa ka baqa uballan qaaday nolol wanaagsan ee Aakhiro iyo Adduunyaba.

Haddaba, bal aynu yara eegno waxa uu Allaah u ballan-qaaday addoommadiisa ka baqa; waxaana aayadaha uu umuurahaa uga hadlay kamid ah:-

"Ruuxii Eebbe ka dhowrsada wuxuu u furi faraj (Irkad) wuxuuna ka irsaqi meel uusan filaneyn"dallaaq 2-3.

"Kuwa xaqa rumeeyeyow haddaad ka dhowrsataan Eebbe wuxuu idiin yeeli iftiinaad kukala saartaan xaqa iyo baadhilka, wuxuuna asturayaa xumaanihiina, wuuna idiin dembi dhaafayaa, Allaa demi dhaafe deeq badane ahe" suuratu al anfaal 29.

Sow ma habboona walaalka muslimka ahow inaan fursaddan ka faaíideysanno, una soo jeesanno fulinta xilka iyo waajibaadka Alle naga doonayo oo aan ka heli karno liibaan aakhiro iyo mid adduunyaba?..

waa hubanti in qofka ku nool dhul shisheeye ee la nool ruux aysan isku diin ahayn uu dhibaatooyin fara badan la kulmayo maadaama uu ku nool yahay degaan aan islaam ahayn oo aan laga aqoonin dhaqanka iyo caadooyinka muslimiinta, balse qof waliba waxaa xil gaar ah ka saarran inuu kaalintiisa kasoo dhalaalo oo uusan simbiriraxanin.

Walaalka muslimka ahow aan isku diyaarinno maalinta qiyaame oo ah maalin naf waliba ay ka doodeyso oo difaaceyso nafteeda, naf walibana loo oofinayo waxay fashay iyadoon laga dulmineyn.

Maallinta uu ruux walba laasimayo camalkiisa loona soo bixinayo kitaab fidsan oo uu la kulmaya, lana oranayo akhri kitaabkaaga iyo xaashidaada kuugu filan maanta xisaabe.

 Sidaasi darteed, waxaa loo baahan yahay in kol haddaan haysanno Qur,aanka iyo axaadiista Nabigeena Muxamada(csw) inaan qabsanno oon raacno kunafara adeygno. Marka taas nalaga helo ayaanan ka badbaadi karnaa sharta cidda aan la nool nahay, kana run sheegi karnaa cidda aynu nahay; Waxaan Allaah ka baryeeynaa inuu towfiiqda nawaafajiyo
Aamiin.

                       
Jazakalah kheyran

(waxaad jeceshahay la jeclaaw walaalkaa muslimka ah))                    

Macasaalama (Walaalka Muxamed Taarey)

 

 


Waagacusub Arimaha Bulshada
Nurkhaire@hotmail.com

 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software