January .12.2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada 

Indhaha waxay ku sii jeedaan inta la jecelyahay!!!!!!!!!

 
 


( Dhambaalkii Runta Ka Dhwaajiyay)

waxay dhex joogtaa guriga, inta badan howlaha guriga waxba kama qabato fakar iyo waxay ku jirtaa isku buuqsanaan aan cedna la ogeyn, dhan hadaad u fiiriso waa garteed sababtoo ah waxay dhan ay u bixiso la,dahaya qofkii ay dunida ka calmatay wuxuu u sheegaa mar walba in uu jecelyahay laakiin iyada kuma qanacsana arrintaasi, kamana aragto cadeymo muujinaya sida ay u jeceshahay in uu u jecelyahay.

dhowr jeer waxay isku dayday in ay isaga baxdo jacaylkan baas ee wareeriyay ee aysan u jeedin ced sideeda oo kale uga walwaleysa,laakiin aayaha dambiyo rajo ayay eegeysaa nafteedana ma karto in ay ilowdo wiilka qalbiga ka degay.

 marka isaga dhinaciisa la fiiriyo, xiriir un ayaa kala dhexeeya gabadha xiligaasna magaalada ayuu gees ka joogaa inta badan iyada ayaa ugu timaada goobtiisa shaqo . marka ay iskuulka ka timaado wey soo mari jirtay mar walba, laakiin isaga wuu dhibsadaa wuxuuna u sheegaa in aysan mar walba u imaanin ee ay mar mar un u timaado.

wax lur ah kumaba heyso isaga, in uu xiriir kala dhexeeyo ayuu ogyahay oo keliya laakiin gabar kale lama wadaajiyo mana isku dardaro gabdhaha wax ay arrin kala dhexeysana gabadhaas ayaa ka jirta.

aad ayay u yaaban tahay sababtoo ah waxay rabtaa sida ay u jeceshahay isaga in uu u jeclaado , sida ay uga fakareyso in uu uga fakaro, sida ay ugu boholyoobeyso in uu ugu boholyoobo, laakiin intaas oo dhan ugama jeedo.

waxay niyadda iska tiraahdaa,,, ha ii imaanin mar walba muxuu ka wadaa? miyuusan i ejceleyn miyuusan ogeyn in aanan daqiiqad xitaa ka maarmi karin, maxaa keenay in aniga un aan sidaa ugu hamuun qabo. laakiin wax jawaabo ah uma hesho.

marar badan waxay damacday in ay wax walba runta u sheegto sida uu jacaylka ka fahmayana aysan ahayn ee uu jacaylku u baahan yahay in la isla walwaalo oo la koolkooliyo, hadana waxay ogeyd in uu ku ancadoonayo in uu shaqo hayo oo uusan firaaqo u heynin laakiin uu jecelyahay.

 iyada dhinaceeda si aad ah ayay gacaliyaheeda u qiimeysaa wax walba oo uu u baahan yahay oo suurto gal ahna kama hagrato, nafteedana tiisa ayay ka jeceshahay , si walba hadey u mahsquulsan tahay iyo wax walba oo nafteeda ku soo kordhaba marna xusuusteeda kama baxo.

waase yaabe! miyaa loo ogyahay? jacayl dhab ah iyadaa heysa yaase la qeybsanaya? waa un keligaa cidlada ku calaacal ced kuu og ma lehee.

allahayow dhib badanaa gabadhan xaaladda ay ku jirto!  sadex sano ayayna sidaan ku nooshahay. malaha wax ay ku dhaqaaqdo , ma jirto ced ay ka maciinsato jacaylkan sida arxan darrada ah uga galay dhuuxa iyo lafaha hadana aanan loola wadin sidii loo wadi jiray, waxay ku calaacashaa muxuu marka hore iigu beeray haduu sidaan ii galayo? miyuusan aqoon xaqa uu jacaylku leeyahay?

ma jirto xilli qura oo ay faraxsantahay ciil iyo caloolyow ayayna ku jirtaa aan cedna la ogeyn,

inta badan waxay isku maaweelisaa la faqidda nafteeda, imika waa galab casar ah , keligeed ayay ku sugan tahay jardiin cedda ku dhex yaalla iyada iyo nafteeda ayayna sheeko u socotaa, mar walba nafta waxay tiraahdaa aniga wiilkaas waxaad doonto samee kama maarmi karo mar haduu ku jecelyahayna waa ilaah mahadii.

laakiin iyada ayaa nafteeda ku canaanatay.....

nafteydaay damiirkiyo

dooqii heshiiyaan

kuu diir naxaynine

adna diifta kugu taal

daqarrada ku gaariyo

nabarkii damqanayaad

la daalaa dhacaysaa

bal maxaa ku daba dhigay

ruux aan dareemeyn

dandarrada jirkaagiyo

sidaad ugu il daran tahay

ma dabayliyo xoog lihiyo

daad soo rogmanayaad

derbiyada u jiiftaa

anna dacar qaraariyo

sun leygu dilayo

miyaad igu dirqiyeysaa

sidee ugu dulqaataa

dibindaabyadiisiyo

dabka uu is leeyahay

wey ku diirsan doontaa

waxse aan dareemeyn

wuxuu igu dagaayiyo

dembigaan ka galabsaday?

ha yeeshee nafta wey garowsatay in ay gardarantahay keliyana ma taqaan waxay go,aan ku gaarto, balse waxaa loo sheegay hadii aysan iyada go,aan gaari karin in ay soo wareejiso xilka ayna iyada qaadaneyso mid kama dambeys ah.

waxay ballan ku qaaday in ay u qorto warqad ay ugu faafaahineyso wixii uurkeeda ku jiray iyo sida ay xaaladda tahay mar dambana aysan jirin wax dhex mari kara.

alleylehe waa go,aan adag oo ay ku liqeyso jacaylkii dhex yaallay iyada iyo inankaan aanan la ogeyn dhibaatada iyo xanuunka haya. waxay nafteeda u sheegtay in aysan ka daba hadlin go,aanka ay qaadato keliya ay marqaati ka noqoto kuna taageerto waxa ay ku kacayso.

waxay soo diyaarsatay warqad iyo qalin waxayna isku diyaarisay in ay u qorto qoraalkii ugu horeeyay una dambeeyay ee ay ku soo afjareyso jacaylkii keliga ku ahaa waxayna ku bilowday:

maalinta runta la isku sheegi lahaa!

markaad aragtay owgaa

inaan   kuu ildaranahay

waxaan uurka kaa jirin

ila soo abaartaye!!!

walaal waan ku salaamay salaan ka soo go,day naf in badan silic owgaa ugu jirtay, imikana ka soo baxday xabsigii iyo xeyndaabkii aad ku ooday adiga oo aanan fiirin xaqa ay kugu leedahay.

hase yeeshee waxaa maanta farxad ii ah in aan aniga u holladay sidii aan isku xoreyn lahaa oo aan uga bixi lahaa xerada keliga aan ku ahay ee aad adigu ii horseeday.

waan ku faraxsanahay in aan kuu soo qoro warqadan aad xaqiiqda ku dareemi doonto, ku ogaan doonto waxay uu jacalku yahay iyo sida ay nolosha tahay.

waxay kaa baab,in doontaa fakradda qaldan ee aad heysato., saaxiib ogow banii, aadamku ma mudna wax lagu dheel dheelo ilaah ayaaba karaameeyay marka ma aha in adiga aad qoonsato.

Ma xusuusataa markaad jacaylka igu abuureysay? Maxaad ula jeeday aan ku su,aalee?

Hadii aad mooday xiriirka jacaylka in uu yahay sida aad u qaadatay bal maan iska ahaanno dadka caadiga oo kale oo wanaag iyo walaaltinimo uu ka dhexeeyo.

Waxaad igu abuurtay jacayl ilaa xad aan la golongolay, welina aan miidiisa muudsan iska daaye taas naxariis kaagama aanan helin, nafta wax jecel waxay u baahantahay waad ogtahay mase I siinin , miyaadan ogeyn in jacaylku uu u baahan yahay sida aadmiga cunto iyo biyo?

Cuntadiisu ogow waa hadallada macaan iyo naxariista uu ku siinayo qofka ku jecel amaba aad jeceshahay , aniga dartaa hurdo iyo harsi waan ka go,ay sababtoo ah qalbigeyga jacaylka ku beeran haduu baahan yahay oo loo diiday cuntada anna ma dhergi karo igamana suurowdo in aan wax cuno.

Dembi ma lihid adiguye

Doqonnimo waxay tahay

Adoon danba ii heyn

In aan kugu dul ooyee

Caashaqan I daashaday

I dulleystay keligey

Miyaa leygu dow galay?

Saaxiibkeygii aan jacaylka kula midoobow, aad baan maanta uga xumahay halka ay xaaladda iga taagan tahay kama shaleynayo in aan runta kuu sheego hadii aan markii hore kaa gaban jiray anigoo raalli nimadaada ku socda.

Ogow wax walba waan kuu samyen karay laakiin hal dabeecad ayaan qabaa , yeeli mayo in la igu kor socdo, ma aqbali karo keligey in aan dadaalo oo aanan la ii ogaanin,

marna ma yeeli karo in aan noqdo miisaanka darafta uu ka liicayo ,

micnaha miisaanka aan sinneyn darafta laga awood badiyay ee liicday ma noqon karo. Aan sinaanno haa… laakiin tan kale maya.

Waa mid , waxaad ii sheegi jirtay in aad I jeceshahay, sidee ii jecleyd? Weli ma aanan fahmin mana rabo hadda in aan fahmo , aan adiga ku dareensiiyee ma waxaad igu jeceleyd in markaan kuu imaado aad I tiraahdo ha ii imaanin mar walba ? mase la dhihi karaa qof la jecel yahay .

Aniga daqiiqad walba waxaan dareemi jiray baahi aan adiga kuu qabo wax walba oo nolosheyda la soo darsana waan kula soo socodsiin jiray dhib walba iyo mashquul walba oo igu yimaadana marna xusuusteyda kama bixi jirin , adiga maxaa sidaa kuu diiday? Hadii aad I jeceshahay.

Maxay ku dhacday in aniga aan kuu dhibtoodo , kuu boholyoobo adna aadan waxba iga ogaanin,

waxaa shaki igu beeray iguna qasbay dhambaalkan in aan kuu soo diro sababta ay ku dhacday in sadex sano aan adiga kuu go,doomo adigoo aanan wax dan ah ii heynin jacaylna aan owgaa la golongolo, run ahaantii waa waxa aan la yaabay!

Hadda waxaan taaganahay halkii ay fanaanad ka tiri….

Sidey tahay nafteydiyo

Lama socotid howlaha

Sanadahan I heystee

Sabab iyo wax sheeg iyo

Samir waan ka quustoo

Waa inaan salgaaree

Hadda ka dib ku bishaareyso kuma dhibayo, kuuma imaanayo ima arki doontid, magacayga ma maqli doontid, raadkeyga mehradaada ganacsi kuma arki doontid, waan kala go,nay, waan kala tagnay. La soco…

Kaarkiyo xanuunkiyo

Kurabaduu jacayl qabo

Maxay saaray keligey?

Kobcinta caashaqeenniyo

Kordhinta xiisaheennaba

Maxaan keli u dhowraa

Korna  ugu qaadaa?

Maxaa keenay inanyohow

Inaad kaalintaadii

Kuligeed ka soo bixin?

Jacaylkaan kabaayee

Kool koolinaayee

Keligey u taagnaa

Kol hadaan dhankaagii

Aan ka waayay kaalmada

Anna kuma filnaan karo

Ogow kabtiisaan

Koley kaga tegaayaa

I kadeedi meyside

Ninba waa kalkiisee

Markuu kugu dul meeroo

Keynta aad ku nooshahay

Kaa soo salaamaan

Kaa aarsan doonaa!!!!!!

 

Faadumo macallin Abuukar ( FaadumoRuush)

faadumoruush@hotmail.com

 



 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software