January .12.2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada 

 
Jaceylka eegmadda,hadalka iyo dhunkashadda:- 
Eegmada oo ah tallaabada xigta isdiyaarinta, wuxu
ninku xaaskiisa ka toogtaa meel fog.
 
 


2-EEGMADA;

Eegmada oo ah tallaabada xigta isdiyaarinta, wuxu ninku xaaskiisa ka toogtaa meel fog, isaga oo jaraya xuduud kasta, kana dhex dusaya qalbigeeda.

Eegmada naxariista leh ee ninku eegayo xaaskiisu, waxay toosisaa rabitaankeeda iyada oon is ogeyn. 

Haddii xaasku ay dareento inay ku faraxsan tahay sida ninkeedu ula dhacsan yahay, waxay isku daydaa siday ugu mahad celin lahayd ama ugu abaal gudi lahayd, taasi oo ah inay tusto inay weli u jeellan tahay diyaarna u tahay, iyada oo adeegsanaysa tabeheeda iyo xeeladeheeda u gaarka ah.

3-HADALKA.

Hadalka naxariista leh iyo sheekada macaan ee ninka, waxa lagu tiriyaa inay yihiin sahanka ka horreeya weerar jinsiyeedka.

Haweeney kastaa - xitaa kuwa muddada dheer la qabay - kolka ay maqasho hadallada shukaansiga iyo ammaanta isugu jira ee ninkeeda ka soo yeeraya, waa ay jiriricootaa oo godlataa, dabeetana gaartaa heer isdhiibis.

4-DHUNKASHADA

Dhunkashadu waxa weeye kicin ama baraarujin, iyada oo la isticmaalayo taabasho iyo ur. 

Kolkay dhunkashadu dhacayso, jirka haweeneydu waxa uu ku lismayaa jirka ninkeeda, kooda diirrimaad badan baana markaasi huwiya kan kale. 

Dhiigga ayaa dhaqaaqa, dareemayaalku firfircoonaadaan, jirka oo dhanna la saaqaa. 

Neefta labada ruux ayaa isku baxda, dareemaha urtuna billaabaa hawshiisii baraarujin iyo kicineed.

Dhunkashadu waxay kulmisaa saddex waxyaabood oo saldhig u ah kicinta iyo baraarujinta dareenka jinsiyeed, kalana ah:

Dhuuqmada:- Micneheedu waxa weeye in labada bushimood ee afka ninku ay ku lismaan kuwa xaaskiisa.
Afku sida daloollada kale ee jirka, aad buu u dareen jinsiyeed badan yahay.

Kolkay bushimuhu isku lismayaan, labada isqaba mid waliba waxa uu gaarkiis u dareemayaa macaan aan xad lahayn.

Urta:- Isku nabnaanta bushimaha ninka iyo kuwa naagtiisu waxay keentaa inay kulanto neeftoodu, mid walibana waxa uu markaasi uriyaa urta iyo neefta kan kale, arrintaasi oo door weyn ka cayaarta kicinta iyo baraarujinta dareemayaalka jinsiyeed. 

Udgoonka soo jiidashada lihi waxa uu xoojiyaa rabitaanka jinsiyeed, halka urta laga didaa ka keento qabow iyo rabitaan la'aan.

Dhadhanka:- Dhuuqmada uu labada qof midkood dhuuuqayo bushinta kan kale, waxay kordhisaa istiin qaadashada labada ruux.

Kolka ay haddaba isdhuuqayaan dhuuqmo aan hagari ku jirin, waxay kaga dhigan tahay iyaga oo ka tallaabsaday marxalad difaac tii ugu dambeysay, billaabayna kulan jireedkii dhabta ahaa.

Culimada jinsiga qaar baa aaminsan in haweeneyda nin u oggolaata inuu dhuuqo, aanay waxba la ahayn inay isu dhiibto.

Waxa kale oo ay rumeysan yihiin in dhuuqmadu ay ka dhigan tahay hibadii ugu dambeysay ee ay dumarku ragga siiyaan, oo waxabay uga dhigan tahay iyaga oo u galmooday.

Waxaa laga yaabaa in hadalkaasi uusan mar kasta sax noqon karin, marka laga eego nin kasta iyo naag kasta, waxase uu sax noqon karaa kolka uu arrinku joogo labada isqaba!!!!.

Waagacusub kala soco qisooyin xigmad xambaarsan.

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
ŠAll Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software