January .12.2007 Waagacusub.net Sheykooyinka jaceylka 

GUURKA TOOSKA AH:- Dani ku baday, Dumaal, 
Sahan Dumar, U Gelid= xigsiisan xulasho ma leh
 
 


 
3.DANI KU BADDAY
 
a)XIGSIISAN
 
Guurka noocan xigsiisanku wuxu ahaa mid duruufi keento oo marka ninka ooridu ka geeriyooto ayaa walaasheed la siin jiray.

 Ujeeddada ugu weyn ee laga lahaa waxay ahayd inaan carruurtu dayacmin oo habaryartood la noolaadaan halkii gabadh shisheeye ah oo ninku soo guursadaa ay ka hayn lahayd. Sidoo kale waxa loola jeeday inaanu kala go’in xidhiidhkii labada reer.
Haddii gabadha geeriyootay aanay inan walaalo ahayn, waxa xigsiisan laga dhigi jiray mid ka mid ah hablaha kale ee u xiga sida kuwa ay ilma adeerka yihiin. 

Waxay ahayd arrin dhaqan ah oo aan laga tallaabsan Karin. Haddii xigsiisankaa la bixin waayo tiiyoo hablihii inanta la dhashay ama xigay joogaanna waxa xumaan jiray xidhiidhkii labada reer.
Beelaha qaarkood waxa xeer u ahaa in haddii ninka gabadhu ka dhimatay loo waayo xigsiisan loo celiyo xoolihii uu yeredka u bixiyey. 

Si taasi looga fogaado ayaa lagu dadaali jiray in loo xigsiisamo. 

Gabadha xigsiisanka ahi badanaa arrintan ikhtiyaar umay lahayn, lamana tixgelin jirin dookheeda iyo doorashadeeda, waxay ahayd uun mid dhaqanku u jideeyey iyana sidaas bay raali ku ahaan jirtay oo may goyn Karayn xadhkaha dhaqanka.waxa la odhan jiray
xigsiisan xulasho ma leh.

Carruurtaa loo afduubaa oo dantooda loo samayn jiray. Yaan carruurta naag kale dagaalin oo guhaadin baa gabadha loogu qasbayey xigsiisanka. 

Waxana soomaalidu odhan jirtay Xigsiisan waa xadhig carruureed.
 
 
b)DUMAAL
 
Dumaashu iyana waxay ahayd dhinaca kale ee xigsiisanka oo marka ninku dhinto waxa ooridiisa guursan jiray walaalkii ama ilmaadeerradii.

Tanina waxay ahayd mid iyana dhaqanku qasbayey oon laga hor iman karayn.

Sababta ugu weyn ee loo geli jiray waxay ahayd danta carruurta. 

Haddii la dumaali waayo waxa dhacaysay in gabadhu nin kale iska guursato oo carruurtii halkaa ku dayacanto. 

Waxa la odhan jiray
Dumaali waa dabar carruureed. 

Beelaha qaar waxa dhaqan u ahayd inaan gabadha laga dhintay aanay guursan Karin cid kale xataa haddii la dumaali waayo oo qoyskii dumaasheeda lahaa ayaa dusha ka ilaashan jiray oon u oggolaan jirin in cid kale hunguri ka galo.

Colaad baa ka dhalan jirtay oo ragga beelaha kale ka soo jeedaana way ka taxadari jireen oo kumay degdegi jirin.

Marar badan baa gabadhu halkaa ku guur seegi jirtay xakamaha dhaqanka dartii.

Maahmaaha kale ee soomalidu u lahayd dumaasha waxa ka mid ahaa Dumaal xumi walaalkaa oo dhintay ku nacsiisaa; dumaali doorasho maleh, iyo dumaal nin ka xishooday kama ilmo dhalo.
 
 
 
4.SAHAN DUMAR
 
a)HEERIN
 
Marka habluhu waaweynaadaan waxay u bixi jireen socdaal guurdoon ah si ay calafkooda u qaadaan. 

Socdaalkaas oo ay ku mari jireen beelaha ka durugsan ayaa loo yaqaanay Heerin. 

Hablaha heerinka ahi markay reer yimaadaan waa la soo dhoweyn jiray oo xoolaa loo qali jiray, dhallinyarta reerkana waa la wargelin jiray waxana lagu dhiirrin jiray inay guursadaan hablahaas.

 Waxa la yidhaa
naag heerin ahi hayb ma eegto. Halkaas baa lagu guursan jiray wixii calaf u yaal inta kalena hore ayey socodkooda u sii wadan jireen. 

La iskulama yaabi jirin oo waxay ahayd caado soo jireen ah oo beelaha soomaaliyeed ka dhexaysay waana la isla oggolaa..
 
 
b)U GELID
 
Mararka qaar waxa dhacda in inantu gasho aqalka wiil ay soo sahansatay oo ay doonayso inuu guursado. 

Marka arrintaasi dhacdo inanta lama soo saaro oo waa ceeb, waana xaal magteeda ah.

Inanku wuu guursadaa oo ma diidi karo inantaas. Xaaladda noocaas ah baa la yidhaa heblaayo ama ina hebel waxay u gashay hebel ama ina hebel.

Inantu waxay badanaa inanka u gashaa marka ay jeclaato ee uu diido ama ay ku dhici weydo inay u sheegato jacaylkeeda. 

Waa ta la yidhaa “
Naag gelid damacday godob ma eegto” Sabab kasta ha ahaatee guurka qaabkan u yimaad waa mid waafaqsan shareecada oo inanka si caadi ah inanta loogu meheriyo. 

Haddii inanku diido inanta u soo gasha marka hore waxa loo jeediyaa waano loogu caqli celinay isagoo lagu goodiyayo inuu nabsi ka baqo oo inanta aanu saarin, hadduu taladaas diidana waxa laga qaadaa xaal culus oo ku qiimaysan inanta magteeda.laakiin sida qaalibka ah lama diido oo waxa laga baqaa nabsi.

Hadday dhacdo in la saarana reerka inantu ka dhalatay ka sokow waxa arrintan isku dila reerkii wiilku ka dhashay.
 
La soco qeybta 3-aad ee taxanaha sirta guurka
Waxaa Qoray Qoraa sare
Hassan Madar
Hargeysa-Somaliland



 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software