May .11.2008 Waagacusub.net sheekooyinka jaceylka

Tusmadda WC:-Xeerarka tajwiidka Qur’aanka 2-aad

 
 


 

Qeybta koowaad: Kuqabashada iyadoo loo aqrinayo codka sanka  الإدغام بغنة: Waa marka ay kulmaan nuunka reebban ama labashaqlanaha xarfahan mid ka mida: ( ينمو).

Sida loogu dhawaaqo: Waxaa lagu qabanayaa nuunka mana la aqrinayo, ee waxaa la labolaabayaa xarafka xiga, waxaana la muujinayaa codka sanka oo loo aqrinayo xarafka labolaaban muddo qiyaastii labo xaraf ah.

Tusaale:

1.  ن + ي: {إِنْ يَرَوْا} ، {فِئَةٌ يَنصُرُونَهُ} وتقرآن: " أيّروا " ، " فِئَتينْصرونه ".

2.  ن + و: {مِنْ وَالٍ}، {إِيمَانًا وَهُمْ} وتقرآن: " مِوَّال "،" إيمانَوَّهم".

3.  ن + م: {مِنْ مَاءٍ}، {صِرَاطًا مُسْتَقِيمًا} وتقرآن: " مِمَّاء " ، " صراطمّسْقيماً ".

4.  ن + ن: {إِنْ نَحْنُ}، {مَلِكًا نُقَاتِلْ} وتقرآن: " إنَّحن"، "مَلِكنُّقاتل". 

Fiiro gaar ah: Hadduu noqdo eray xarafka iskuqabashada nuunka reebban ka dib, ma la iskuqabanayo, ee waa in la muujiyaa nuunka reebban, waana laga helayaa Qur’aanka taasi iyadoo afar eray ah:

 {دُنْيا}، {قنْوان} ، {بُنْيان}، {صِنْوان}.

Fiiro gaar ah: Labo meel oo ka mida Qur’aanka kariimka ayaa la muujiyaa nuunka reebban woowga hortiis mana la iskuqabto waxayna kala yihiin: {يس والقُرآنِ الحَكيم} waxaa loo aqrinayaa:

"ياسين والقرآن الحكيم". {ن والقلم} waxaa loo aqrinayaa:

"نونْ والقلم".  

Qeybta labaad: Kuqabashada iyadoon loo aqrineynin codka sanka: Waa marka nuunka reebban ama labashaqlanaha uu noqdo ka hor xarafka laamka iyo ra’da.

Tusaale: 

1.  ن+ ل: {أَنْ لَوْ} oo waxaad u aqrineysaa: " الّو " {أنْداداً لِّيُضِلُّوا} oo waxaad u aqrineysaa: " أندادَ لِّيضلوا ".

2. ن + ر: {مِنْ رَب} oo waxaad u aqrineysaa: " مِرَّب ". {بشر رسولاً} oo waxaad u aqrineysaa: " بَشَرَ رَّسولاً ".

3) الإقلاب: Waa in loo rogo nuunka reebban ama labashaqlanaha miim ka hor ba’da iyadoo lagu aqrinayo codka sanka.

Xarafka: ba’da

Sida loo aqrinayo:Markey noqoto nuunka reebban ama labashaqlanaha ka dib ba’, hadday noqon lahayd eray ama laba eray, waxaa loo aqrinayaa nuunka miim, waxaa loogu aqrinayaa codka sanka miimka muddo qiyaastii labo xaraf ah.

Tusaale:

1.  {من بعد} Waxaad u aqrineysaa: " مِمْبَعد ".

2.  {بسلطان مبين} Waxaad u aqrineysaa: " بسلطنمبين ".

3.  {سميعٌ بصير} Waxaad u aqrineysaa: " سميعمبصير ".

4.{بشراً مبين} Waxaad u aqrineysaa: " بشرمبين ".

5.{لينبذن} Waxaad u aqrineysaa: " ليمبَذنّ ".

6.{أنبآء} Waxaad u aqrineysaa: " أمباء ".

4) الإخفاء: Qarinta waa qaab u dhexeeya muujinta الإظهار iyo iskuqabashada  الإدغام mana la adkeynayo iyadoo loogu aqrinayo codka sanka xarafka ugu horeeya.

Xarafyadiisa: Waa xarfaha alif ba’da kale waxaan ka ahayn xarfaha muujinta حروف الإظهار , isku qabashada  الإدغام iyo xarafka rogidda  حرف الإقلاب  waana kuwa ay ku bilaabmaan tuduca soo socda:

صِفْ ذَا ثَنَاكَمْ جَاء شخصٌ قد سَمَا دمٌ طيباً زدْ في تقىً ضعْ ظالماً.

Sida loo aqrinayo: Markuu noqdo xarafka qarinta   حرف الإخفاء  nuunka reebban ama labashaqlanaha ka dib nuunka waxaa loogu dhawaaqayaa iyadoo laga maqlayo sanka mana la adkeynayo, mana la adkeynayo xarafka qarinta ee ku xiga.

Wuxuuna noqonayaa qarinta eray ama laba eray.

Tusaale: 

1.  ص: {انْصُرْنا}، {ولمن صَبَرَ}، {بريح صَرْصَر}، {ونخيلٌ صِوان}.

2.  ذ: {منذ}، {من ذا}، {وكيلاً ذريةً}، {ظل ذي}.

3.  ث: {الأنثى}، {أن ثبتناك}، {شهيداً ثم}، {نطفةٍ ثم}.

4.  ك: {فانكحوا}، {وإنْ كانت}، {علواً كبيراً}، {شيءٍ كذلك}.

5.  ج: {أنجيناه}، {من جاء}، {رُطباً جنياً}، {فصبرٌ جميل}.

6.  ش: {أنشره}، {ممن شهد}، {جباراً شقياً}، {ركنٍ شديد}.

7.  ق: {تنقمون}، {من قبل}، {رزقاً قالوا}، {عذابٌ قريب}.

8.  س: {الإنسان}، {ولئن سألتهم}، {قولاً سديداً}، {فوجٌ سألهم}.

9.  د: {أنداداً}، {وما من دابة}، {كأساً دهاقاً}، {يومئذ دُبُره}.

10. ط: {انطلقوا}، {من طبيات}، {حلالاً طيباً}، {كلمة طيبة}.

11.  ز: {أنزل}، {فإن زللتم}، {نفساً زكية}، {يومئذ رزقً}.

12.ف: {ينفقون}، {فان فاؤوا}، {عاقراً فهب}، {لاتيةٌ فاصفح}.

13.ت: {أنت}، {وان تصبروا}، {حلية تلبسونها}، {يومئذ تُعرضون
14.ض: {منضود}، {ومن ضل}، {قوماً ضالين}، {قوةٍ ضعفاً}.

15.ظ: {انظروا}، {من ظهير}، {ظلاً ظليلاً}، {سحابٌ ظلمات}.

Laba fiiro gaar ah:

1)Marka la qarinayo waa in loo qariyo xarafka ku xiga nuunka reebban ama labashaqlanaha. Waxaana lagu ogaanayaa xarafka iyadoo laga dhigayo hamzo ka hor xarafkan iyo xarafkoo la reebo.

Tusaale:   

أصْ، أذْ، أثْ، أكْ، أجْ، أشْ ، أقْ ، أسْ ، أدْ، أطْ، أزْ، أفْ، أتْ، أضْ، أظْ.

2)Waxay yeelaneysaa qarinta astaanta xarafka ku xiga nuunka reebban, micnaheedu waxay tahay qarintu waa la adkeynayaa hadday tahay xarafta ku xigta nuunka reebban ama labashaqlanaha mid la adkeeyay.

Tusaale: {من طيبات}.

Hadduu yahay xarafka ku xiga nuunka reebban ama labashaqlanaha mid la fududeeyay, markaasina qarintu waxay noqoneysaa mid la fududeeyay.

Tusaale: {من ذا الذي}.

Fiiro gaara: Weli lama daabicin kitaabkan

Qof kasta ayaa xaq u leh inuu daabacdo kitaabkan oo ma dhowrsana

La soo xiriirka qoraha ee ku saabsan kitaabka

 

Haddii aad xiiseyneysid kitaabkan oo aad dooneyid inaad ogaato sidii lagu heli lahaa, iyo haddii aad ku aragtid khaladaad, Eebbe kaliya ayaa dhamaystirane ha kaa abaalmariyo. Waxaad fadlan kala soo xiriiri kartaa cinwaanka qoraha kitaabkan bariidka xaasuubkiisa "e-mailkiisa" oo ah: 

ina_warfaa@hotmail.com.

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com



 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software