May .11.2008 Waagacusub.net sheekooyinka jaceylka

Dikaan Jaceyl,W/Q Dahir Abdulle Alasow – 2-aad
 

 
 



 
Nasrudiin iyo Nimco Farah sheeko dheer ka dib waxaa lagu balamay in la wadda xiriiro wuxuuna u sheegay inuu lacag u soo dhigi doono ayna ku heli doonto sida ugu haboon ee qaab Xawaaleedkii waqtigaas ee ku qasbayay inuu Nairobi ku xawilo oo ka gadaalna sidaas taar loogu soo xawilo Muqdisho.
inkastoo Nasrudiin uu dareemaayey qaboow farabada oo dhacaayey hadana dib ayuu ugu laabtay jiifkiisa isagoo riyo maalmeed ku joogo xaafadiisii Waaberi.
 
Nimco Farah iyadoo farxad iyo rayrayn ka muuqato ayey dib ugu noqotay xafadey ku noolayd,inta ay jidka ku sii socotay waxay gudogashay muuqaal xasuuseed iyo xiligii dowladnimadda, dagaalkii ka danbeeyey, diiftii iyo dacdaradda uu dalku ka dhaxlay daarihii burburay,dadkii la dilay iyo dareen la'aanta dablayda hubaysay ee daadsan wadooyinka degmadda Waberi.
 
Markii ay guriga tagtay waxay isku dultuurtay sariirta si ay dib u qooraansato dulucdii war ee Nasrudiin ay isla darandooriyeen,daqiiqadhii yaraa ee farxad ahaan u dhigmay saacado,baahina ka yaraa,hal daqiiqo.
 
Falanqeyn dheer,sheekadii dhexmartay ,dhankasta hadii ay u rogtay,hadal walba muraajaceysay kama aysan dhex helin kalmado huwan hadal dahsoon oo Nasrudiin ku doonaayo xariirkeeda gabarnimo marka laga reebo tan walaaltimo.
 
Nimco Farah,lafteedu waa noole,naf iyo sheydaan ay la xiriiraan,waxaana qudheeda  galay damac jaceeyl maxaa yeelay waa gabadh aan nolosha guurka dhadhamin macaan iyo qaraar.

 
“Way tagtay aroosyo badan,gabdho ay saaxiib yihiin way
kaga sheekeeyn farqiga u dhaxeeya guurka iyo guur la’aanta,lafteeda umi maaha oo rag badan way la wad waday maalmo,waxaase xaqiiqaa inaysan midkoodna ku qancin,maxaa yeelay Magaaladu waa Madfac dhacaya,Meyd wado yaal,Mooryaan qori sita,mid Marqaana,maskax kala fiiga.
 
Nafteeda ayey la murantay,marba dhanbeey
milicsatay,moowjado badan baa ku furmay,ma hiigaanbaa hareeyay,madaxeey kalideed ruxday,maankeedu wuxuu jecleeystay inay muxubada jaceyl,Macaane ila wadaag tiraa Nasrudiin.
 
Masalo badan Jaceyl,miyaad moog tahay inay naftaada maqsuud ku tahay,muraayada eegmadiyo ,hadaan midig,bidix lahayn,waxaad mohataa rajadu,miyaa la maleeyn karaa?
Muuqaalka u daa naftoo,marka hore messeges sii,masawiradana raaciyoo,markaa maskaxdiisa eeg.
 
Waxay muusanaawdaba,Nimco  waxay hoosta ka xariiqday inay dhankeeda ka biloowday xiriir Jaceyl,xaajadu ma foga,xaalkuna ma dhawa,Xamar iyo Stockholm,xeeb iyo dhul ma wadaagaan,xarbi ahli Xamar,Sweden xaalad wanaagsan.
 
Dumar ayey u tahay damaca jaceyl ee daboolan,hadii dadku weydiiyaan way iska diidaa,oo dulucdii Caro weelo ayey ka deb iyo dilig qaadataa.
 
Dadaalka Nasrudiin ma yara,dareen guur kuma jiro,dagaalo inay dalkii la dageen wuu ogyahay,biilkana waa u soo diraa,dood kama taagna oo wuxuu uga dan leeyahay in da' yaraantii ay dadka iska xigeen,dugsi qur ,aan isla qaateen .
 
DOOQU WAA BALAAYEE, Nimco waxay af daboolnaato subaxdii dambe ayey damacday inay dareenkeeda sheegato,naftaa u diiday,dabcan waa astaan dumar iyo jaceyl ,dabadeed dadaal dheer waxay horseed u noqotay inay dad baxaya doon doonto,oo hadiyad ahaan ugu dirto dulucdii isbedelkeeda dareen iyo sawiro ay ku leedahay ila daawo,dul iyo dacal iga eeg,hadaan dal nabadda dirin kugula seexdo,diihaalka ka bogsoodo,soow daadah maaha?
Wax Raagga rag kuma samaa la yiri,dadkii ay hadiyadda iyo fariinta ugu dhiibtay dalkii Sweden ma tegin oo Dubai ayey ku hakadeen,laakiin dabcan Nimco maalintii waxay la tahay bil.
 
Nasrudiin 9 bil ka dib 9 :00 Pm fiidnimo waxaa u bilaabatay sheeko hoosaad iyo is xasuusin taariikhihii duugoobay ee ay soo wadda mareen qosol, sheeko, kaftan ka dib Nimco ayaa hadalkii qaadatay oo tiri Nasrudiinoow ma guursatay?
“Maya Walaashiis ma guursan” ayuu ku jawaab celiyay.
 
Waheey wah,waan ku gartay walaal macaan ee maadaama aadan weli guursan waxaa jeclaysta inaan aniga iyo adiga aan mustaqbal wadaagno,wada sheekaysano heer guur maxaa yeelay si kale kuma kala sheekan bogan karno ee maxay kula tahay” ayey tiri Nimco oo rabta in ay ogaato wuxuu ka qabo figradda ay soo jeedisay !! Nasrudiin oo filan waa ay ku noqotay indha'adeega mutuxan ee Nimco damaceeda daaha uga qaaday ayaa yiri “haa abaayo waa sax waa arin fiican waxaad nala jeceshahay waa soo dhaweynayaa” Sheeko ugub jacayl ayaa labada dhinac la isu jiibiyey,daqiiqado badan ka dib ayaa la balamay .

 
Qof waliba iyadoo dhegta ka daalan dhabarkana ku xambaarsan duco qabo jacayl ayey kala dareereen ,diihaal badanaa jacayl haduu degdeg iyo dahsoon u dago daaraha laabta ,hadal waxii dhex maray ,hamuun qabayaasha jacayl,wuxuu himilo leeyahay ayey dib u higaadiyeen,markay hoygoodii tageen.
 
Haa waa runteed,haa waa runtiis, habeenku dheeraa, hurda ma leh waxaa hareeyay xusuus ,Waa habeen aan la halmaami karin ebid.

Heeso jacaylbeey sida hobol ku waasheen.inkastoo aysan war iska hey heerka isku midkaa ee habeenkaa mid ay ka ahaayeen.
 
Nimco oo hurdo gami la’ ayaa maqashay jugta hoobiye ku habsaday guri ka soo hor jeeday, hal haleel ayey dibadda uga booday.

Ha heey wareey,hooyo macaan,maku habsaday,haloo gurmado,heblaayo waa dhimatay,hebel waa dhaawac,halkee furan saacadaan,halista Mooryaanta iyo hoobiyaha haboowga!!

la soco qeybta 3-aad ee Taxanaha Dikaan Jaceyl.

W/Q Dahir Abdulle Alasow

 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com



 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software