march .11.2007 Waagacusub.net Arimo Bulsho

MAXAA BURBURIYA QOYSKA?

 
 


Waxaa beryahan danbe soo if baxayey ama inagu soo badanayey burburka qoyska kaas oo ah arrin khatar ah oo aad ugu soo badatay soomaalida, markaa wixii la arkaba in laga hadlo oo wax laga yidhaa ayaa wanaagsan, qoyska burburkiisuna arrin sahlan maaha markaa Waxaan isku dayayaa bal waxooga yar inaan ka idhaahdo dhacdadan inagu soo badatay islamarkaana inagu soo noqnoqotay hadaynu nahay soomaalida meelkasta oo aynu joogno : Waxaa markaa loo baahanyahay bal inaynu isku dayno sidii loo badbaadin lahaa qoyskasta oo burbur ku dhowaada ama looga hortagi lahaa burburkaas.


Bulshada soomaaliyeed waxay iskaga badanyihiin danyar iyo bilaa aqoon marka labada ugu waaweynina waa labadaas ee reerka burburka u horseeda.


Waxa sida qof wal oo somali ahiba dareensanyahay inagu soo badatay beryahan danbe burburka qoyska , bal aan isku dayo inaan qodobeeyo arrimaha ugu waaweyn ee burburiya qoyska:

1.cilmi la’aan badan oo jirta , waxa uu yidhi shekh c/raxman naasir al sacadi "haddii aanu cilmi jirin dadku waxay noqon lahaayeen xoolaha oo kale" cilmigu ha ahaado mid diini ah ama maadi ahba e, markale abwaan carbeed ayaa ku yidhi gabay u tiriyey cilmigu waxaa uu dhisaa guryo aan tiirar lahayn jahliguna waxuu dumiyaa guryo sharaf iyo cizi leh oo nolol fiican ku dhisan.


2.doorasho la’aan oo ah in aanay labada qof marka horeba is dooran (ikhtiyaaru sawja).

Waa haddii labada qof uu waalidkood isa siiyo ee laakin aanay iyagu heshiin oo isa soo afgaran haday iyagu heshiiyaan oo wax walba ka soo wada hadleen waa si fiican laakin hadu waalidku yidhaa aabo waxaan ku siiyey nin reer hebel ah oo berri soo fadhiisanaya sidaa ula soco.

Hadhow wa xa ka danbeeya waa loo wada fadhiyaa oo waa la arkaa.

3.qadiyadda dhaqaale ooa h qaddiyada ugu weyn ee imminka somalida sida aadka ah u haysata.

Waa labadii qofba marka aanay dhaqaale ku filan haysan midkoodna aanu shaqayn sidaas awgeed ay soo foodsaarto dhaqaale yari markaasna la waayo masaariiftii (biilkii) sidaas awgeedna la isku qayliyo oo lakala cara ro.

4.dagaalka badan iyo dulqaad yarida oo ay iskula kacaan labada qof ee is qaba ,waayo meel dagaal ka jiro nololi kama jirayso ama kama suurtagleyso.

5.fahan la’aan , waxay yidhaahdaan qolyaha tarbiyaddu " fahanku waa nooc ka mid ah tarbiyadda.

6.gabadha oo ninka aad uga weynaata marka hore , haddi laakin uu iimaansado ama uu ku qanacsanayahay waa ay ku filantahay wax dhibina kama imanayaan , laakin wax dhacda inay mar marka qaar gabadhu ninka amar siiso oo ay isku bidayso inay ka weyntahay oo ay caqli badan dheertahay sidaas awgeedna uu isaguna inkiro oo uu diido amarka ay siinayso habartiisu ileen waa nin oo isna wuxu is bidayaa inuu isagu reerkaba maamulee oo aan wax ka weyn oo caqli ku dhaamaaba jirine, ka weynaanshaha ay gabadhu kaa weynaataana dhibtaas bay leedahay oo waa markas oo aad amarkeeda diida uun.
 
Ariimahas oo dhami waxay ka mdi yihin arrimaha burburiya qoysaska soomaaliyeed iyado qoysaska kale ee addunka ay dheeryihiin qodobo kale lakin halkan waxa aan ku xusnay oo keliya arrimaha burburiya qoysaska soomaaliyeed maadama aynu nahay soomaali arrintuna innaga inagu fara badantahay
 
Intaas ayaan ku soo koobayaa maqaalkaygan
 
Wixii talo ioyo tusale ah ee aad ku biirinaysaan maqaalkan fadlan soo gudbiya waan idinka aqbalaynaa.
 
Haddii wax khalad ah uu ku jiro maqaalkan waan idinka raali gelinaynaa ee noo soo dira waxaad khalad u aragtaan fadlan.
 
Waxa soo diyaariyey :
 Dr. cali Baashe C/laahi
Abaashe20@hotmail.com
002522,4446973 mob
 
Waxaana soo tafatiray amaba isku soo habeeyey:
 Mustafe osman A/rahman
Mustafe_480@hotmail.com
Mustafeyare101@yahoo.com
002522,4411480 mob

Burao S/land
 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com



 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software