march .11.2007 Waagacusub.net Arimo Bulsho

Buufiska Waalidiinta Ay Ka Qabaan In Guryaha La Isku Shukaansado!!!

 
 


soomaalida badanaa waa isku dhaqan, waxaana caado u ah waxyaabo ay u aqoonsadeen in ay ceebsadaan amaba ay sharaf ka dhigtaan.
 
inkasta oo soomaalida bulshadeeda kala duwan laga helayo kuwo aan isku dhaqan ahayn hadana waxaa la oran karaa waxaa jira dhaqanno iyo caadooyin badan oo ay ka wada siman yihiin.
 
waxaana ka mid ah hadaan bulshada u bidhaamiyo buufiska ay waaldiiinta ka qabaan in guryaha la isku shukaansado oo caruurtooda ay la yimaadaan guryaha qofka ay doonayaan in mustaqbal ay wada dhistaan.
 
waa dhif waalid ogolaanaya in gabadhiisa ay guriga keensato wiilkii ay calmatay si ay sheekadooda ugu wada dhameystaan, sidoo kale waa la mid in gabadhu ay ogolaato wiilka reerkiisa in ay tagto hadii ay tagtana ay ka baqeyso in reerka wiilka ay u qaataan gabadh aan xishooneyn in ay tahay oo isla wareegto ah.
 
hadaba daah waxaa naga saarneyn in loo baahan yahay mustaqbal in la sameysto guurna uu yahay mid xaqiiq ah oo carruur lagu tabcado, iyadoo ay sidaa tahay hadana ciyaar ciyaar guur laguma unko oo wuxuu u baahan yahay in uu soo maro shukaansi dhex mara gabadha iyo wiilka.
 
erayga shukaansi si dhab ah marka looga hadlo ayaa wuxuu noqonayaa labo qof oo si hoose wax isugu sheega oo keligood go,aansada arrin u goonni ah oo dadka kale ka qarsan kaasoo aan bulshada dhexdeeda looga wada sheekeysan.
 
shukaansigaas ayaa ah mid labada qof ee guurdoonka ahi u saamaxa in ay kaga guul gaaraan hadafkooda guur, wuxuuna ku wanaagsan yahay shukaansigu meel asturan oo wanaagsan in lala tiigsado laakiin dhalinta inta badan waxay isku ballamiyaan meelo aan habooneyn amaba wadooyinka oo ay isla istaagaan taasna waalidka ayaa ku qasbaya oo iyagu aan ogoleyn in guryaha leysla yimaado.
 
hadaba hadii waalidku uusan ogoleyn in gabadhiisa ay la timaado wiil, wiilkoodana uu la yimaado gabar oo si asturan ay ugu wada sheekeystaan guryaha maxaa ka dhalan kara ayaa la is oran karaa?
 
marka hore, wiilkii wuxuu ku fakarayaa in gabadhan guryaha saaxiibadiis amaba wadooyinka uu ku ballamiyo sidaasna ay ku wada socdaan.
 
waalidka oo gabadhiisa isagoo u soo diray howlo kale amaba waxbarasho ay ugu maqantahay si hoose wiilkii kula sheekeysata hadey doontana waalidkii oo aan la ogeyn go,aan la gaarta .
 
wiilka iyo gabadha keligood is bartay ee midna kan kale reerkooda qofna uusan ka aqoon oo suurto gal ay u tahay una sahlantahay in marka ay rabaan ay kala dhaqaajiyaan oo hamigii guur halkaas uu ku baaba,o.
 
run ahaantii lama soo koobi karo dhibaatooyinka ka dhalan kara, tsuaale ahaan, hadii waalidku uu ogolaan lahaa in guryaha la isku shukaansado waxaa dhici lahayd wiilka reerkiisa gabadha in uu soo baro gabadhana ay reerkeeda barto wiilka ay is doonayaan oo halkaas weji uu isku xushmeeyo .
 
wiilkii hadii uu doono gabadhan in uu xiriirka u jaro waxaa ku adkaan lahayd in uu gooyo reerka ay ka dhalatay ee la baray , hal ruux waad goyn kartaa laakiin banii aadamku wey ku adagtahay in uu wejiyo badan isku xumeeyo oo uu gooyo, gabadhiina sidaa si la mid ah hadey wiilkii xumeyn lahayd reerkiisa ayay xushmeyneysaa labadii qof waxay noqon lahaayeen labo ay reeraha isku og yihiin.
 
xitaa wiilka hadii lagu arko gabar kale waxaa lagu oran lahaa war heblaayo halkee baad geysay? gabadhana waa la mid.
 
labadaas qof ee reeraha ay u wada heellan yihiin waxaa dhici lahayd in mustaqbal wanaagsan ay dhistaan oo raalli laga wada yahay.
 
laakiin taas badanaa ma dhacdo oo lama helo waalid ogol in gabadhiisa si sharaf leh guriga loogu yimaado isagoo ogsoon in gabadhiisa ay guur u baahan tahay laakiin aan ku fakarin waxa ka iman kara cadaadiska badan ee la saarayo gabadha.
 
waalid badan ayaa waxay caado ka dhigteen in wiilka aan la ilaalin oo la koontaroolin laakiin gabadha si aad ah loo ilaaliyo iyadoo la leeyahay sharaf darro ayay inoo keeneysaa laakiin la dhihi maayo dembi ayay inoo soo jiideysaa oo wuxuusan ilaah raalli ka ahayn ayay ku kacaysaa.
 
hadaba iyadoo la ogyahay in wiilku uu gabadhuu rabo la soo tunto wuxuu doonana ku kaco ayaan looga baqayn oo aan la oraneyn oo waa gabar oo ceeb bey noo soo jiideysaa halka gabadha looga baqayo oo keliya ceeb aduun oo gabadhooda oo wecel qaada aysan rabin.
 
sow lama dhihi karo aad bey u qaldan yihiin waalidiinta sidaa sameynaya, banii aadam ayay noqoneysaa in laga baqay oo ilaah aan laga baqin sida la ogyahayna wiilka iyo gabadha isku mid bey ilaah agtiisa ka yihiin dembiga ay ku kacayaan oo uma kala duwana .
 
hadaba waaldiiinta waxaa la gudboonaan lahaa bal in ay si barbardhigaan bal kii u wanaagsanaan lahaa in gabadhooda gurigeeda loogu yimaado oo si sharaf leh loola sheekeysto iyo in banaanada lala istaago?
 
waa hubaal in wax badan oo ka qarosoonaa ay ogaan lahaayeen oo xaqiiqda ay soo taaban lahaayeen.

 
Faadumo Macallin Abuukar(FaadumoRuush)
 
faadumoruush@hotmail.com

 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com



 
ŠAll Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software