march .05.2007 Waagacusub.net Arimo Bulsho

Seddex neefood:- qiso qosol iyo xigmad badan 4-aad

 
 


Markii ay salaaddii arooryo soo dhowayd waxaad ku qubaysatay musqul yar oo beerta ku taal. Salligii aad ku tukan jirtay waa adigii xalay ku qooqay, sidaa darteed subaxdaa go?aaga ayaad dhigatay.

Adiga oo sujuud dheer u foorora ayuu ninkii guriga lahaa soo galay. Inta uu iskaa yar dul taagay ayuu ku dhaafay. In yar ka dib adiga oo weli sujuudsan ayaa daaqadda furan ka maqashay ninkii oo Siraad weydiinaya.
 

?Goortan maxaad ka qubaysatay??
?Kulayl bay ahayd oo waan gubtay.?
 
?Ma rumaysanaysaa xerowgii in uu goortaa sujuud ku ooyayo?? ?Waa wali barakaysan?, ayey ugu jawaabtay.
?Wallaahi kaasi waa wali barakaysan! Waa in aynu ka ducaysannaa.??Mushaharkana aynu u kordhino mar haddii uu shaqadiisa ka adkaaday?, ayey ku taageertay.
?Haa, aynu u kordhinno.?
 
Markii aad intaa maqashay waad sii ooyday. Waad jeclayd in aad noqotid wali laga barakaysto. Ducooyinkii carabida ahaa ee aad taqaannay way kaa dhammaadeen, welina in aad Ilaahay sii barido ayaad rabtaa, dabadeed kuwo af soomaali ah ayaad bilawday.

Waxaad og tahay Eebbe in uu wax walba qaddaray, halkaas ayaad baryada ka ambaqaadday: ?Eebbow, sow adigu wax walba ma aad qaddarin?
Sow adigu aniga iyo Siraad baahida naguma aad wada abuurin? Eebbow, waxaa ila tagtay quwad iga xoog badan ee quwaddaada aan mid ka sarraysaa jirin iigu denbi dhaaf! Ilaahow, waad ogayd aniga oo Qur?aan iska akhrisanaya in ay Siraad daaqad furan oo nal ka baxayo isku qaawisay.

Ilaahow, waad ogayd in aan ka cararay oo haddana sheydaan igu celiyey.
 

Ilaahow, waad ogayd aniga oo halkaa iska fadhiya in ay i soo doonatay. Ilaahow, waad ogayd in aan kaa baqayey laakiin aan qofkii qaawanayd ee i hor jiiftay iska soo qaban kari waayey.
 

Ilaahow, ii denbi dhaaf! Ilaahow, adeegtada ayaan guursanayaa ee ii sakhir oo berri afkeeda ?haa? ka yeedhsii! Runtii ducada af soomaaliga ah markii aad dib u dhadhansatay waxay kula noqotay muran, dood iyo garnaqsi tii carabida aad uga duwan.
 
Waxaad malaysay af soomaaliga sidiisaba in aan baryo loo abuurin.

Adiga iyo Siraad habeenkaasi wuu isugu kiin horreeyey ee isuguma kiin dambayn.

Ninka guriga leh awel maqnaanshihiisa ayaa la dhibsan jiray, imikase joogistiisa ayaa la neceb yahay.

Habeenka dheer ee aamusan lama jeclayn oo waaga ayaa loo hiloobi jiray, imikase qorraxda ayaa la neceb yahay oo habeenka ayaa loo hiloobaa.

Shaqada caajis iyo cagojiid ayaad ku iman jirtay, imikase sidii neef karreeb ah ayaad casarka soo horrataa.
 
Hambo iyo hunuunuf ayaa awel marka aad timaaddid laguu daydayi jiray, imikase cunto gaar ah oo diirran ayaa weel nadiif ah laguugu keenaa.
 
Awel balax qaboobay oo koob ku jira ayaa shaah lagaaga dhigi jiray, imikase falaas hayl leh ayaa lagu ag dhigaa. Shilimada mushaharka ah ayaad bisha soddonkeeda sugi jirtay, laakiin imika xoolaha qoyska qayb dhan baad ku leedahay.
 
Macawis, shaadh iyo dacas wada duug ah waad ka ilbaxday oo surwaal iyo dhar magaalo ayaad baratay.
 
Denbi? Denbigiinna Alle ma dhaafo oo naarta Alle idinku shub! Yaa denbi dan ka leh.

Ma nin Siraad dayn lahaa baa jira, xataa wadaadka weyn ee kutubta meeriya? Maxaa beenta la isugu sheegayaa? Awel bay xanuun nagu ajaleen oo nimcada intaa la’eg naga afqabteen.
 
Sidii hore Alle ugama cabsatid, barashada diintana uma jajabnid.

Wadaadka wejiga xun ee aad kutubta ka raacatid hor fadhigiisa, iyo xerta calallada xun xun la socodkooda midna nafsad uma haysid.

Wax aan Siraad ahayn niyad uma haysid iyo in aad habeen walba dhex gashid.
 
Gebigaaguba waad isbeddeshay oo si aadan garanayn baad noqotay.

Marba jardiino ayaad fadhiisataa oo sidii ay xalay wax u dhaceen iyo sida ay caawa wax noqon doonaan ka fekertaa.
 
Dumarkii aad indhaha ka foororin jirtay imika waad daawataa. Mar waxaad mooddaa in uu sheydaan ku duufsaday, waadse og tahay in ay tahay naftaada oo wayraxday.
 
Maya, sidaa diinta ha ku dayicin Ilaahayna ha kaga fogaan ee marka aad jannadan ayaamo ku jirtid si fiican u toowbad keen, barashada diinta iyo cibaadadana halkii ka sii wad.

Ma qof aan denbaabin baa jira?
Haddii aan la denbaabayn maxaa toowbadda loo furay? Haddiise ay in la denbaabaa dabiici tahay ma wax Siraad ka qaayo badan oo lagu denbaabo ayaa jira? Dhiig geli maayo cidna dhici maayo, cid xaman maayo cidna xumayn maayo, laakiin bawdyaha Siraad dhexdooda Alloow iga saamax! Adeegtada dareen baa galay oo dheg iyo il baa taagan.
 
Weligeedba dheg iyo il ha taagto, yaa dan ka leh. Alloow yaa ku yidhaahda adiga oo edeb leh shaqadaada qabso, haddii kale in dabada lagaa harraatiyi doono waad og tahay.
 
Awel reerka ayey la seexan jirtay, imikase badanaa fiidka ayaa ciddooda loo diraa oo ay ka soo jarmaaddaa. Baashaal iyo qosol baad adiga iyo Siraad xorriyad u hesheen.

Beertii mugdiga ahayd waad iskaa dhaafteen oo gudaha ayaad sidii laba isqaba dantiinna ku maamulataan.

 
Gawaantii aad qadaadka iyo jilbaha ku qodi jirteen ka soo gudubte oo soofaha iyo sariirta ayaad ku qalabaroganaysaan.

Waad isyeelateen, wax walibana waa caadi oo digtooni illowde.

Hirar kala dambeeya ayaad midba mid uga gudubteen.
Xanuunkii aad iska daweyn jirteen oo keliya xaalku ma aha ee waad isla fogaateen.

Waxaad gaadheen in marka aad kala maqan tihiin isu hilowdaan,marka aad wada joogtaanna isu ooydaan. Kaalay arag waxa dhabannada illin idin qulqulaysa wadnahana dhiig qubanayo.
 
Ninka guriga leh jadwalka uu ku baxo kuna soo galo ayaad xifdideen, isaguna waa rabbaayad oo jadwalkaa ku socodkiisa daqiiqad kama qaldo.

Waqtigiisa kuma xad gudubtaan waqti kalena iskama lumisaan. Dadka inta isqabtaa reerka ha wada dhaqato, inta isjecelina raaxada ha wada jaqdo.
 
Haa, yaan wax la isku qalqaldin ee noloshu sida ay u kala socon karto ha loo kala wado. Maxaa boorinka la isugu dilay maa mar hore sidaas la yeelo?
Maalmo ayaa dhammaaday, haddana toddobaadyo iyo bilo aydaan barwaaqo mooyee baas arag, adiguna waa adigaas isa soo qabin kari la.
 
Wiishkii samada kuula duulay ayaa weli ku sita. Xaggee buu kuu sitaa? Mooyi, weligiiba ha ku sito.

Goorma ayuu istaagayaa? Mooyi, weligiiba yuu istaagin.
 
Siraadba sow kulama saarna? Armuu meel daran kugu tuuraa? Weligiiba, halkii uu kaa keenay ma meel ka daran baa jirta? Alla samadu qurxoonaa, udgoonaa oo debecsanaa! Bal daya ubaxan iyo dooggan, iyo haradan gingiman! Maxaa duurjoog laacdtamaysaa! Maxaa codad shimbireed isu baxaya! Alla samada debecsanaa oo udgoonaa ma Siraad baa!
?Siraad, sidan ku geli mayno ee maxaynu yeelnaa??
?Ma isla baxsannaa??
?Ma iyada oo lagu qabo??
?Ninka ma iska furaa??
?Ma isaga oo aan ku furin??
?Badow baa tahay ee fasaq iyo farsamooyin baa jira.?
?Wax Mad?habta Shaaficiya ku bannaan ma yihiin??
?Adiga ayaa wadaad ah ee qiil inoo raadi.?
 
Haa, waa tii la yidhi ?Wadaad baa qiil uu ku bannaysto iyo qandi uu ku ritaba leh.? Kutubtii aad soo dhigatay oo dhan markii aad rogrogtay waxaad meel ciriiri ah baabu dalaaq ka soo heshay: ?Ninku haddii uu naagta sariirta ku raalli gelin waayo waa ay iska furi kartaa.? Haa, halkaas qiil baa ku jira.

Nin gurigaba inta badan ka maqani muxuu raalli gelin karaa? Siraad haddii la raalli gelin lahaa miyey gogoldhaaf samayn lahayd, oo doob debed fadhiya magangeli laheyd? Maya.

Markii aad muddo sidaas wax u qorshaynayseen welise aydaan tallaabo ku dhiirran, fiid fiidadka ka mid ah ninkii reerka lahaa oo goor xun socdaa waa kan.

La soco qeybta 5-aad ee Sheekadaan xiisaha,xigmada iyo qosolka badan.
 

W/D Ibraahin Yuusuf Axmed "Hawd"

Email:Ibraahinhawd@hotmail.com

 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com



 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software