Dicember .10.2008 Waagacusub.net sheekooyinka jaceylka

Dikaan Jaceyl 5-aad "W/Q Dahir Abdulle Alasow "Ruux ruux ka maqan yahay,
Hurdaduu ku riimiyo,riyo waali badanaa"

 
 




Nimco iyadoo Fariin Farxadeed Xambaarsan ayey dib uga Soo laabatay Guriga Hooyadeed oo ay horay go,aan uga qaadatay in aysan Dib ugu Laaban mar hadii ay ka baxsatay xarigoodii iyo gumaysigii ay ka Tabanaysay .

Si lama filaan ah ayeey u soo dul istaagtay hooyadeed oo ka naxsaneeyd halka ay caradda la gashay.

"Mala fiican yahay" ayey tiri.

haa iyo qosol ayaa loogu jawaabay waxayna  si codkarnima ah ku tiri " Aabe iyo hooyo waxaan rabaa inaan idiin sheego damaceeyga iyo halka habeen  walbo aan ku soo daaho aniga waxaan ahay gabar weyn,damac guurna gaartay guri iyo reerna  dhaqan karto, mark ma rabo in gayaan keeyga igu caayo goobaha qaar ,aan u soo gudbo danta guud, aniga waxaan sxb la ahay oo aan guur ku heshiinay wiilka reer Geeddi ee aan deriska aheyn Nasrudiin,oo sagaalka bilood biilka i soo diri jiray marka aan u sheegay waxaa igu dhacay iyo dhibka aan idin kala kulmay wuxuu igu yiri iga gaarsii salaan kuna war geli guurkeenna inuu goordhow dhici doono haddii ay waalidka fasaxaan, anna waan soo wacayaa ehelka waana la soo xariirayaa mar dhaw"

Hal mar ayey carab dhaw iyo hambalyo la wadda boodeen habartii iyo intii la joogtay,
"Ma Nasrudiin baa wiil shisheeye naga ah ,waabba wiilkeenee hambalyo, xitaa odayaal anaga ka ah, waana ku siinay" ayey Nimco Hooyadeed ku jiibisay jawaabta .

Farxad iyo reeynreeyn ayaa hareeysay markale ,keyd yar oo lacag ah oo u taalay ayay dabaal deg ku dhigtay.

Gabar ay saaxiib ahaayeen ayay ku tiri "Abaayo adiga ayaa iga geesisane hees Aw miraheedda leeyahay Cabdale Nuuradiin Ahmed sida aan filayana uu qaado shimaali Ahmed Shimaali ka soo fiiri Istuudiyaha". "ereyada wax maka taqaan"? ayay tiri gabadhii,

Nimco ayaa si degan ugu jawaab celisay" Si fiican uma sii xasuusto laakiin waxa aan ka qabtay"   Fikirkaba hadaayee,Aabbahaana fahan sii   Halka faraska lagu wado,Haka furo shakaalkee  
 
"Faadumooy jaceeylkani ayay ka bilaabataa waa la kasaa" ayey gabadhii la soo booday.

"Allaaya cisag abaayo soo duub fadlan hada ii keen"ayey Nimco ku dartay dhoolacadeyn.

"Waa yahay laakiin maxaa ku jeceshahay nimcooy"? ayay su aashay gabadhii, "Waa sheeko dheer ee fadlan ii soo duub" ayay ku gaabsatay Nimco.

Markii ay balameen gabadhii ayay durbadiiba wacday nasrudiin oo aay u sheegtay in loo hanbalyeeyay guurkoodda.

Mardhow ayaan soo wacayaa reerka ee mac salaamo ayaa lagu kala tagay.

Nimco oo reeynreeyn iyo farxad ka muuqato ayay qolkeedda ku soo laabatay,Waxeey maqashay dhawaqa muusig ee heestii ay codsatay oo ka shidan qolkeeda,waxay isweydiisay ma qalbigaadaa mise waa Heestii Faadumooy Jaceylkaan?

Dhegta ayey lasii raacday,dhaayaha ayay ka qaaday saaxiibteed oo heestii madaxa La ruxeeyso.

Nimco oo deganaan muujineysa ayaa aayar u ag fariisatay oo heestii hamuun ay u qabtay aawgeed u hogatay!!

"Balag baa la ii lulay,waa boqol kun oo Meeyl,halka leeyga baaqee,Hadaan baalal leeyahay,berri soow ma duuleen,Hadaan baaxad leeyahay badda soow ma jiireen,soow bilic haldhaaleey barta ay ku nooshahay kuma waabariisteen,Allahayoow Cidi ii bixi"

Nasrudiin wuxuu la hadlay reerkii una sheegay guurka isaga iyo Nimco ay ku balan san yihiin xilligaas wixii ka dan beeyay waxaa la siiyay xornimo buuxda hasse ahaatee jaceeylkoodda ka soo Gudub gacaliye iyo gacaliso hawada la iska yiraa .

Naftu raaxo jecellaa'Rafaad iyo dhib necebaa  
 Reer magaalo caashaqay,Rubadiisa nugulaa  
 Hadduu waayo kuu rabay,Rogaal noqosho badanaa  
 Ruux ruux ka maqan yahay,Hurdaduu ku riimiyo  
 Riyo waali badanaa.  

Allaha u naxariistee Abwaan Mohamed Ali Kaariye ayey Mirahaas ka soo maaxdeen maalmahiisii qaraarka iyo macaanka,mar uu jiif iyo soo jeed u dhaxeeyay 32 Maalmood,oo ka mid ahaa qisadii Jaceyl ee uu la wadaagay Fanaanada Shankaroon Ahmed Sagal oo taariikh ahaan Heesaha Somalia ugu caansan uu Abwaanka ka sameeyay.

La soco qeybta 6-aad ee taxanaha Dikaan Jaceyl
dikaanjaceyl@hotmail.com

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com



 
ŠAll Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software