Koox dad ah oo ka qeyb galay Xaflad aroos oo ka dhacaysay Gobol ka mid ah dalka Sinigaal ayaa Dooni ay saarnaayeen ay la qalibantay.
Sida aaladda Internetka uu ka soo indha-indheeyay wariyaheena xasan Cali Geesey dadkaas oo u badnaa Dumar ayaa waxaa ka geeriyooday ilaa 8 ruux, waxaana u soo gurmaday Booliska dalka Sinigaal oo sida la sheegay badbaadiyey dad kale oo halis ku galay Doonida oo ku qalibantay meel Webi ah, iyadoo Boolisku uu sheegay in dadkaasi ay Doonida si xad dhaaf ah isaga buuxiyeen.
Sida warku sheegayo dadka geeriyooday ayaa waxaa ka mid ahaa Malxiisadda arooska oo iyadu ku soo laabanaysay degaankooda oo masaafo dheer u jiray gobolka uu aroosku ka dhacayay.
Waagacusub
News
waagacusub.net@gmail.com
