10.May.2007 Waagacusub.net News
Gabar diidey inay dib ugu soo noqoto Muqdisho oo ay ka baro-kacday kadib markii Jacayl cusub ay yeelatay.

 
 

Gabar lagu magacaabo Shukri Muuse ayaa la sheegay in ay diidey inay dib ugu soo laabato magaalada Muqdisho oo ay ka baro-kacday kadib dagaalladii adkaa ee ka dhacay, iyadoo waalidkeed oo Muqdisho ku soo laabanayay u sheegtay in aysan hadda ku laabanaynin Muqdisho.

Gabadha oo u bara-kacday degmada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa la sheegay in Wiil ay halkaas ka baratay, Jacayl wadaagna ay noqdeen dartiis ay u diidey inay dib Muqdisho ugu soo laabato, iyadoo Jacaylkeeda inay ka soo ag dhaqaaqdo diidan ayayna ku gacan seyrtay dib ugu soo laabashada Muqdisho, waxayse waalidkeed u sheegtay in gabdho dahabkeeda ka qaatay oo safar gobol ku maqan ay sugeyso, iyadoo sheegtay inay la sii joogeyso reerka ay qaraabada yihiin ee ay ku baro-keceen.

 

 



Waagacusub News
waagacusub.net@gmail.com

 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software