10.May.2007 Waagacusub.net News
Wiil dhalinyaro ah oo labo Habeen oo isku xigta labo aroos galay.

 
 
Wiil lagu magacaabo Faarax Abuukar oo degan degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ayaa labo habeen oo isku xigta aroos la galay labo gabdhood oo mid waliba ay raali ku ahayd arooska.

Sida ay wargeyska aayaha Nolosha ee ka faalooda arrimaha qoyska, kana soo baxaya Muqdisho ay u soo wariyeen dad ehel la ah Wiilka ayaa waxay sheegeen in wiilka uu muddo 3 sano Saaxiib la ahaa gabar ayna ku ballameen guur, balse aabihiis uu u sheegay inuu gabar Adeerkii dhalay uu ku darayo.

Arrintaas oo ku cuslaatay wiilka maadaama ballan uu gabar la galay ayaa wuxuu latashi ugu tegay gabadhii una sheegay arrinka, waxayna ku tiri “Aniga waan ku jeclahay, horumarkaada iyo mustaqbalkaaga inuu hagaago ayaan mar walba diyaar u ahay, afar naag ayuu Ilaahay kuu banneeyay haddii aad awoodi karto, marka gabadha walaashaa guurso haddii aad awooddana aniga I guurso, aniga xaasid ma ahi sida Dumarka qaarkii, waayo aniga adiga ayaan ku jeclahay mar kasta haddii aan ku helayo dhib malaha'e”.

Wiilkii firkirkii wanaagsanaa ayuu aabihiis ula laabtay, isna wuu ku raacay, gabadhii adeerkiis dhalay ee la siiyey ayuu arrinka iyana u sheegay kana dhaadhiciyey iyana inkastoo muran ay ka keentay haddana dib ayay ka ogolaatay oo Adeerkeeda dhalay wiilka ayaa wax ka ogoleysiiyey baa la yiri, wiilkiina sidaas ayuu ku galay Labo aroos, labo habeen oo is xigta iyo iyadoo raali ay kawada yihiin Labadiisa Xaas

 

 



Waagacusub News
waagacusub.net@gmail.com

 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software