Qiimaha lakala siisto Indho shareerka ay Gabdhaha qaar wejiga ku xirtaan ayaa Todobaadyadan dambe ka qaaliyoobay magaalada Muqdisho, kadib markii gabadho badan oo horey aan u qaadan jiriin ay bilaabeen inay qaataan.
Qiimo kororka ku yimid Indho shareerka ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii dowladda KMG Soomaaliya ay amar ku soo rogtay Baabuurta muraayadaha ku xirtay Bacaha madow ee aan laga arki karin dadka gudaha Baabuurka ugu jira inay Bacahaasi ka fiiqaan Baabuurtooda, amarkaasina ay u wada hoggaansameen Baabuurtii ayaa waxay saameyn arrintaasi ku yeelatay Gabdho badan oo dhalinyaro ah oo Baabuurtaas ku dhuumaalaysan jiray xilliyada xafladaha aroosyada iyo baashaalka shukaansiga ay u baxayaan, iyadoo xitaa waalidkood haddii ay ag marayaan aysan ka dhex arki karin Baabuurtaas mugdiga ah oo wixii la doono xitaa lagu dhex samayn karo.
Gabdhaha Baabuurtaas ku dhuumaalaysan jiray oo badankood ah kuwa is caddeeyay, isla markaana lebiska jirkooda ku dhegan ama ka muuqdo xiran jiray ayaa haatan ku qasbanaaday in qaab dhaqankoodii ay wax badan ka bedelaan, kuwaasoo haatan bilaabay inay Indho-shareer xirtaan, dharkii qafiifka iyo kuwii ku dheganaana kuwo caadi ah ka dhigtay, maadaama meel ay isku qariyaan haatan aysan jirin.
Indho-shareerka oo ay isku qariyaan gabdhahaas oo badankood aan horey loo arki jirin inay Baabuur cad saaran yihiin mooyaane ayaa waxay sabab u noqotay qiimo kororka ku yimid indho shareerka, inkastoo ay suuragal tahay in dowladda KMG Soomaaliya ay amar ku soo rogto in ay mamnuucdo xirashada Indho shareerka oo ay yar tahay inta dar Ilaahay u xirata haatan, iyadoo horey ciidamada dowladda gabdho badan oo indho shareer xiran ay uga dhigeen xaafadda Xamar weyne iyadoo agagaarka Tiyaatarkana lagu soo aruuriyey kol hore Indho-shareer fara badan oo dumar xirnaa laga wada fiiqay
Waagacusub
News
waagacusub.net@gmail.com
