Dicember .05.2007 Waagacusub.net Sheekoyinka jaceylka

GAlgacalkii Qorsoonaa {Sheeko xiios badan}qeybtii 11aad

 
 


Keyse aad buu ula yaabayaa saaxiibkii Axmed,  wax uu ku tilmaamana wuu garan waayay.

mar kale ayuu isku dayay in uu Axmed wax dhacsiiyo isagoo yiri:

"saaxiib waxaad ogaataa in dadkan aad ka cabsaneyso ay iyaga gaad gaad jacayl ku hayaan gabadhaas,waxaana nacasnimo ah in dadka oo kugu caayaya gabadhaas hadAad guursato amaba xitaa aad la socoto, aad u dhaafto dartood adigoo og in fani ay daawadaada tahay.

sidoo kale saaxiib marna ha isku dayin in aad xaqirto jacaylka aad gabadhaas u heyso adigoo og in aad ka maarmi karin oo ay qalbigaaga daaro ka dhisatay. marka adiga hadaad heyso wax kale waad soo bandhigi kartaa"

Axmed markan wuxuu isku arkay inuu qaldanyahay,sababtoo ah halka hadalka uu ka gaaray isaga iyo saaxiibkii ma uusan doaneyn .

wuxuuna habeenkaa go,aanka axmed juqraafi ahaa in uu si deggan ku dhamaado wada hadalkooda balse waxaa ismariwaagu uu ka dhex dhashay, Axmed oo doonaya in Keyse uu keeno xal kale oo aan ahayn in fani uu xiriir la yeesho iyo Keyse oo saaxiibkii runta u sheegaya in uusan wax kale oo an ka ahayn in Fani tahay daawada Axmed  heyn.

Markaan Axmed baa isku dayay in uu xiisadda dejiyo wuxuuna saaxiibkii usheegay in uu qaadanayo taladiisa, laakiin ay haboontahay in si qarsoodi ah ay iskula socdaan isaga iyo Fani oo aysan ogaan cidna.

Keyse arrintaas wuu u guuxay, wuxuuse Axmed juqraafi xusuusiyay in si kastaba jacayl xoogeystay uusan qarsoomi Karin.isagoo taa saaxiibkii la socodsiinaya ayuu ku yiri:"Saaxiib waad ku mahadsantahay mar hadaad qaadatay taladeyda, waxaana ballan kuugu qaadayaa in waxa aan kugula taliyo in  aad ku baraarto mooyee aadan marna ka shalaaydoonin.

Tan kale maahmaah baa ahayd ;;qunfac iyo jacayl midna ma qarsoomaan,mar un waa tii la ogaadaa haduuba jacaylkiinnu noqdo mid idiin wada saameeya kolkaasoo laga garan doono wejiyadiinna maxayse kaaga badantahay oo aad ku faleysaa,niman asaagaa ah warkooda ,

Waa dad qaraar haya oo maba heli karaan gabadhaas sharafta badan ogowna adigaa ka saacidi kara inta ka dhiman,dhan kastana wey kaga horreysaa asaageed"ayuu keyse ku soo gaabiyay hadalkiisa isagoo doonaya in uu ku sii adkeeyo saaxiibkii go,aanka ay isla qaateen.

Mar haddii lagu heshiiyay in Axmed uu Fani la wadaago jacaylka  ku beeran keligii, waxaa isweydiin mudan oo aan golaha ka marneyn sida Fani Daahir looga dhaadhicin lahaa arrintan oo laga yaabo in ay fajaciso ku noqoto.

Axmed Juqraafi baa isagoo aan ilowsaneyn qodobkaasi u jeestay saaxiibkii keyse kuna yiri:

"Saaxiib Keysow waatahaye sidee gabadhaas loogu sheegaa arrintaan?"

"Taa micno malaha, anigaa u sheegaya hadaad doonto hadii kalana warqad baan u qoreynaa…"ayuu keyse ku warceliyay.

Mar kale Axmed baa diidmo ka keenay oo yiri…

"Walaahi saaxiib taas suurto gal maaha ,bal ka warran walaasheey Muniiro oo ay saaxiibbo yihiin hadaan u dirno, si ay uga dhaadhiciso iyagaa gabdho isla ahee"

"Waa arrin wanaagsan saaxiib, iyada aan aan ka dhowrno jawaab ka dib ayaan howsha galeynaa"  Inta uu Keyse saaxiibkii ku qanciyay ayuu mar kale saaxiibkii Axmed Juqraafi gacan qaaday kuna yiri isagoo kaftamaya: "nolol cusub saaxiib, waan hubaa in farxad joogto ah aad la dersi doonto iyo firfircooni dheeraad ah"

Intaa ka dib Axmed oo faraxsan baa inta  labada dhaban ka dhunkaday saaxiibkii, fadhigii ka sara kacay.

"saaxiib sidaa baan isku ognahay, habeen wanaagsan" ayuu Keysana ku sagootiyay saaxiibkii.

Axmed wuxuu u soo hadaafay hoygoodii ,waa xilli fiid ah oo ay dadku weli is dhex marayaan.

Axmed wuxuu dareemayay gaajo, illeyn waa nin aan qadeynin oo quraacdii subixii ugu dambeysaye markan aad buu uga degganyahay sidii hore wuxuuna leeyahay maskax uu wax walba ku dareemo.

Wuxuu soo guureeyaba wuxuu soo gaaray gurigii oo uu buuq badani ka taaganyahay, waxaa la is weydiinayay sababta uu Axmed u qadeyn waayay. ka dib markii la arkay cuntadii oo ku daboolan miiskii looga tagay.

Muniiro waxay hooyadeed u sheegtay in aysan waxba kala socon arrimahaasi iyada xitaana ay la yaabbantahay sababtaas.

iyadoo xaalku intaa marayo, ayuu Axmed Juqrafi dalaq soo yiri, ka dibna wuxuu salaan waalidnimo salaamay hooyadii Cibaado oo ku wardisaneysa salligii ay salaadda maqrib ku tukatay.wuxuuna bilaabay in uu hooyadii xaal wareysto.

"Hooyo macaan ii warran …hadaaye ayaa iigu kaa dambeysaye" ayuuna hadal ku bilaabay isagoo ku dheggan weli gacanta hooyadii.

Hooyo Cibaado ayaa ugu warcelisay wiilkeeda.”waan nabad qabaa hooyo macaan,adiga bal ii warran halkee imika ka socotaa?"

Axmed baa isagoo ka jawabaya su,aasha hooyadii yiri..”hooyo sow ma ihi wiil dhalinyaro ah? fiidsi baan u aaday guriga saaxiibkey Keyse, gaajo baan dareemayaa ee aaway Muniiro ii keen casho."

Markii uu intaa yiri, ayay hooyo Cibaado la soo boodday: "maxaad Axmedow u qadeyn weysay maanta?"

"Hooyo walaahi madaxaa I xanuunayay waxaan is iri wax yar seexo hurdadaase ila tagtay" ayuu ku jawaab celiyay Axmed. 

Hooyo cibaado oo iska afgabneyd baa hadalkii intaa uga hartay waxayna garowsatay arrinta uu u sheegay wiilkeeda.

Wax yar ka dib, Muniiro ayaa halkii soo istaagtay iyadoo Axmed ku leh: "waan kuu diyaariyay aboowe cashada ee orod oo soo cashee"

Ka dibna Axmed Juqraafi inta uu fadhigii ka sara kacay ayuu beegsaday qolkiisii oo ay cashadu ugu diyaarsaneyd.

Axmed markii uu casheeyay wuxuu isku tuuray sariirta, isagoo falanqeyn u galay qaabka uu Fani xiriir ula yeelan lahaa .

dabadeedna wuxuu hoosta ka xariiqay in Muniira ay tahay qofka keliya ee arrintaas soo dhammeyn kara.

wax yar ka dib waxaa qolkii soo gashay Muniira oo dooneysa in ay walaalkeed ka qaaddo alaabtii uu ku casheeyay.

markii ay albaabka ka sii baxeysay ayaa waxaa u dhawaaqay Axmed oo ku yiri.."abaayo arrin baan kaa leeyahay ee ii soo noqo"

iyadana walaalkeed waxba kama aysan diidi karine,waayahay ayay ugu jawaabtay…

Muniira markii ay xareysay alaabtii ayay ku soo laabatay qolkii iyadoo aad u yaabban oo aan ogeyn waxa laga doonayo.

Markiiba iyada iyo walaalkeed waxaa dhex martay sheekadaan:

Axmed  baa hadalkii bilaabay oo yiri: ”abaayo caawa waxaan kaa rabaa in aad iigu saaciddo aarrin adiga gacantaada ku jirta , waana waxa isbadalka aad u jeeddo igu keenay"

Muniira ayaa isagoo aan hadalka dhameysan ka soo dhex gashay oo ku tiri: "aboowe Axmed,  waa maxay waxa aan  gacanta ku hayo ee ku xiran caafimaadkaaga? kuguma eeganayo dhibaatada. 

waxaad doonto Aboowe waan kuu sameynayaa  walaalkey aan jeclahay baad tahay ee ii sheeg"

Axmed oo xoogaa degganaan ah muujinaya baa walaashii ku yiri: "abaayo ii ballan qaad in aadan cidna u sheegin .abaayo waxa igu soo kordhay waa jacayl aan u qabo saaxiibtaa Fani, abaayo caawa waxaan kaa rabaa sida ugu dhaqsiyaha badan in aad iiga soo dhameyso xageeda"

Muniiro yaab baa ilaah u keenay, wey qaadan weysay arrinta uu walaalkeed ula yimid.

iyadoo ay ka muuqato sida ay uga dhakafaartay arrintan ayaa waxay tiri: "waa yaab! aboowe ma run baa waxa aad ii sheegeyso?"

"Waa run abaayo, been miyaad iiga baratay?adiga hadalka hoos noogu dhig ee ii soo dhammee abaayo ariintan" Axmed baa yiri.

"Aboowe,aniga waxaan ahay walaashaa weligeyna warkaaga ma diidin .

waxaadna ogtahay,in aan markasta kuu dadaalo balse iima ogid waan ka xumahay..

aboowe jacaylka ma aha wax ceeb ah waa wax aadan adiga xukumi Karin, aniga waad ogtahay in aan dartaa uga haray wiilkii aan dunida ugu jeclaa.

isagoo I jecel iyo anoo jecel baana adiga amarkaaga anoo fulinaya aan wiilkii oo I baryaya xiriirka u jaray, waxaana taa u sameeyay walaaltinimada anoo qadarinaya.

sababtoo ah nin waa la helaa laakiin walaal lama helo"

muniiro ayaa tiri, oo illintu ay soo buux dhaafisay indhaheeda waxayna awoodi weysay in ay sii waddo hadalka ,waxay gashay xusuus gocasho leh waxaa hadba horteeda imanayay Kaafi oo habeenkii isugu dambeysay ku dheggan garkeeda iyo jilbaheeda isagoo ku calaacalaya…”abaayo..macaanto..gacaliso..miyaadan ogeyn jacaylka aan kuu qabo baaxaddiisa ..,ma dareemi kartid miyaa..sida aan kuu jeclahay ..abaayo muniiro maxaad sidaa iigu galeysaa miyuusan kugu oollin xitaa beer naxaya ..waxaan ahay naf kuu ooman kaama go,I karo abaayo..caawa waad ujeedda sida ay indhaheyga illimada jacayl uga daadaneyso iyo erayo kale oo catow ah, oo ay cidlada kaga hadaaftay…

Axmed wuu u dulqaadan waayay calool xumada meesha taalla, qudhiisa waxa hareeyay oo weerarar ku soo qaaday duufaan jacayl dabadeedna wuxuu ka ilmeeyay qalbiga .

inta uu muniira u soo dhowaaday ayuu ku yiri.."abaayo iga daa calool xumada,  waan qirsanahay qaladka an kaa galay.

waxaana ogaaday markii uu jacaylku I asiibay.

abaayo waxaad doonto hadaba waad sameyn kartaa xor baadna u tahay ninkaad rabto ee aniga arrintaas ii soo dhamee berri hadaad fursad u hesho iyada..

Markii uu intaa yiri, ayay farxad is heynweyday Muniira waxayna labada dhaban ka dhunkatay walaalkeed kuna tiri.

."aboowe waad mahadsantahay anigaad igu ogtahay arrintaas waxaana kuu sheegayaa qorshaha iiguma jirto in aan nolosha la qeybsado ruux aan Kaafi ahayn hadaad isaga ii fasaxdayna  waxaan jeclahay in aan dib u soo celiyo xiriirkeenna..

Intaa markii lagu ballamay, ayaa ruux walba uu isku diyaariyay jiif.

Faadumo Macallin Abuukar (Faadumoruush)

faadumoruush@hotmail.com
 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software