Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

       

 
 
 
Waagacusub Media: Website-ka Weriyeyaasha Soomaaliyeed 2009
 

Waagacusub English News Clickhere

Maxaa loo furay Faadumo...?!!(Sheeko taxane ah) Qaybta 8-aad

Boga Bulshada 09 November  2009 Waagacusub Media
 

           


Dhiirri-gelin xoog leh ayuu Faarax kala kulmay Fabio; sidaas darteed, wuxuu joogtaystay imaatinka Aqalka Fabio iyo inuu ku leexdo hadba qolkii ay markaas ku jirto Faadumo. Sheekaysi kooban ama isku-tuurid erayo macno iyo ujeedo fog leh ayaa dhex-mari jiray labadooda.

 

 

Ugu dambayntii waxaa la soo gaaray maalin jimcaad oo taariikhi u ah labadooda. Fabio iyo Xaaskiisa Filipo ayaa maalin-joog iyo raaxaysi u aaday Xeebta quruxda badan ee 'Liido'. Iyagoo arrintaas ka faa'iidaysanaya ayay Faarax iyo Faadumana ku ballameen Aqalka, iyadoo weliba Faadumo ugu tala-gashay Faarax Quraac iyo Qado khaas ah.

Waxay maalintaas Faarax iyo Faadumo yeesheen wada-hadalkan muhimka ah:-

Faarax:- Abaayo, arrinteenna muddo dheer ayay soo jiitamaysaye, waa inaynu maanta gaarnaa go'aan, soona gaba-gabaynaa. Waa inaan is-guursannaa, degnaa oo aqal-galnaa...!!.

Faadumo:- Guurka guud ahaan waan oggolahay. Waan kugu qanacsanahay, laakin adiguna oggolow dhowr arrimood.

Faarax:- Soo daa, ii sheeg....dhaqso, walow aad hore iigu dul-martay.

Faadumo:-

(a) Gabadha aad hadda qabtid mooyaane, mid kale igama daba-keeni kartid, ee ogow horta taas.

(b) Shaqaalanimadayda halkaan ah ma soo fara-gelin karaysid,waayo waad igu soo gashay.

(c) Fadlan ballan-qaad inaadan i furayn anoo weli ku jecel..

Faarax:- Waan wada oggolahay dhammaan qodobbadaas. Aniguna waxaan kaa rabaa oo keliya: inaad ii noqotid 'Raalliyo', aadan igu madax-adkaan, si degganna igula dhaqantid.

Faadumo:- Waa hagaag. Waan dadaali doonaa. Haddaad doontid habeen dambeba nooga dhig meherka. Adiga un baan kaa war-sugayaa, qaabkii aad wax u maamusho.

Faarax:- Geesta kale, waan jeclaa in qaar ka mid ah Ilma-adeerradaadii aad ii sheegtay, inaan ogaysiinno is-guursigeena.Waxaanse ka baqayaa in ay igu dhacdo,arinta ku tilmaaman Heestan Banaadiriga ah:-"Gaabo Guntaadaa ii goodiyow-haayaane. Garruun mariid,aa laygu soo gemoow haayaaye.Seen u galaa, Guuraan kaa rabayee...?!!".

Faadumo:-(Iyadoo qoslaysa):-Ninyahow, illayn Fannaan cod xun baad ahayd..?!. Arrintu qarsoodi ayay ku bilaabanaysaa, sidaan isku ogayn. Sheegis iyo Ilma-adeerro warkooda hadda ma aha.Waan arki doonnaa mustaqbalka sida ay wax noqdaan.

Faarax iyo Faadumo ayaa habeenkii dambe isu raacay 'Cagaaran'(Duleedka Marka). Waa ay isa soo mehersadeen, waxayna soo wada seexdeen habeenkaas 'Shalambood'.Qorshahana waxaa la waday,lana agaasimay Fabio iyo Filibo.Hees baa ahayd:-"Habeenkii wacnaa ee i weydaartay, baan weli xusuustaa".

Faarax wuxuu ku qanciyay Xaaskiisa Min-weynta ah ee 'Filsan': inay ku soo kordheen hawlo, habeennada qaarkoodna uu ku maqnaanayo Gobollada. Warkaas waa ay rumaysatay Filsan. Maxaase dhici doona..?!!.

Waxaa laba lixaadsaday(xoogaystay) is-jacaylkii Faarax iyo Faadumo. Inta badan qolka Faadumo ee Aqalka Fabio ayay ku kulmayeen, oo ku kala muraad-qunsanayeen labada is-guursatay. Nasiib-wanaag qolkaas kan ku dheggan waxaa yiil oo ku keydsanaa Cunno oo dhan:-Kulayl, Qabow, Macaan,Dhanaan Cabitaan, Cunitaan..iwm.Furaha qolkaasna wuxuu gacanta ugu jiray Abaayo-Faadumo...!.

La soco Qaybta 9-aad

WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy

Somalia: Sudan pushes Aweys to support Somalia government

Somalia:Al-Shabaab Is N-One Enemy of Islam and Menace to the Somali People

Somalia: Mortar shell injures 8 women in Mogadishu

Somalia: Hormuud Telecom accused of listening its customers: Editorials

Somalia:Al-Qaeda to distabilize Somaliland
 

Waagacusub Media: Kulmiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new