October .09.2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada

Hargeysa oo horumar ka sameysay dhinaca waxbarashada iyo
 macluumaad aan ku eegeynoo dugsigii ugu horeeyay….
.

 
 


Magaalada hargeysa ee xarunta jamhuuriyada Somaliland waxa ku yaala dugsiyo waxbarasho kuwaasoo isagu jira heerarka kala duwan hadey noqon laheyd hoose;dhexe iyo
sare waxaana dugsiyadaasi wax ka barta ardey fara badan

.
.

Dugsiyada ku yaala magaalada hargeysa ayaa waxa ay isagu jiraan dugsiyo hoos taga wasaaradda waxbarashada ee maamulka Somaliland iyo kuwo daar loo leeyahay oo ay wada shaqeyn kala dhaxeyso wasaaradda waxbarashada. .

Dhawaan waxaan booqday dugsiga hoose dhexe ee irshaad oo magaalada hargeysa laga hirgaliyay 1984 waxaana halkaasi aan kula kulmay maamulaha dugsigaasi maxamed aadan askar waxa uuna faahfaahin iga siiyay heerarkiii uu dugsigu soo maray isagoo sheegay in dugsiga oo xilli fog soo jiray ay ka hirgaliyeen hardeysa wakaalada muslimiinta afruka 1984 ayna manta ardada wax ka barata caga cageynayaan in ka badan 1000 arday waxa uuna sheegay in ardada dugsiga irshaad ay yihiin kuwo magic ku leh dhinaca waxbarashadda deegaankaasi isla markaana aysan jirin ardey ka dhacay dugsuga xiliga imtixaanada fasaalka 8 imtixaanadii horay loo soo qaaday  taasna ay ku timid dadaalka ardeyda iyo macaliniintu wadaan waxa uuna mahad celin u jeediay maamule askar waalidiinta dugsiga irshaad oo wada shaqeyn buuxda had iyo jeer la leh dhinacooda

.

Maamuluhu waxa uu sheegay in dugsiga irshaad uuu leeyahay qeyb xanaano ah ay na qeybtaasi soo saarto jiilka cusub ee loo qaadanayo dugsiga hoose isagoo xusay in barbaarinta dhalaankaasi aad loogu dadaalo.

Askar waxa uuu sheegay in mustaqbalka ay ka sii sareyn doonaan heerka manta dugsigu marayo ayna sii kordhin doonaan ardada ku soo biireysa isagoo xusay in ardadii sanadkaan muqdisho ka soo qaxday soona gaartay hargeysa ay qaar fara badan ku soo biireen dugsigaasi.

Waxaa diyaariyay axmed maxamed cabdulle uurdoox

Uurdoox 2007@hotmail.com

 

 Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software