October .08.2008 Waagacusub.net sheekooyinka jaceylka

Dikaan Jaceyl,W/Q Dahir Abdulle Alasow – 3-aad
” Shimbiryahoow Madushaa, Madabeella Raacdaa”

 

 
 


Haah iyo Taah ayey durbadiiba maqashay markay gaartay albaabka hore guriga hoobiyaha ku dhacay, waxay maqashay ashahaadka codka hooyada guriga degan oo u muuqday inay aad u liidato.

Niyada ayey gashatay in Maamo Haweeyo dhaawac liita tahay reerkii kalana baaba,een durbadiiba dadka darsaanta ah ayaa u soo gurmaday oo wixii dhaawac ahaa dhabarka ku daad gureeyay.

Nasrudiin inkastoo dalku uu joogo dagaal sokeeye lahayn hadana wuxuu isagana ku waabariistay daal iyo dil diloon hurdo la,aaneed, waxaa galay dareen wayn damac saa,ida oo kala darsay amooraha ugubka.

Inkastoo duruus wax barasho lahaa hadana daal iyo dhafar hayey awgiis subaxdii ma tegin Jaamacada.

Nimco Farah inkastoo ay hurdo xumo ku waabariisatay iyo hoobiye manaxaana hadana ma dareensanayn oo halkeeda ayey ka sii waday howlihii jacaylka, waxayna labada dhinac bilaabeen in habeenkii xiliga dambe teleefan ku sheekaystaan hase ahaatee Nasrudiin wuxuu wataa Mobile gacanta ah oo sariirtiisa ku dul haysto,xitaa haduusan haysan wuxuu joogaa dal nabadgalyo oo xiligi uu doono socon karo, Nimcase Mogadishu ayay degan tahay oo maqribkii dibad aanan loo bixi Karin,hadiiba minankeeda ku amaan hesho, weliba degaankooda waabari waa meesha ugu dilka iyo dhaca badan,hase ahaatee iyana ma dareento oo xili dambe ayey ka timaadaa teleefan dirow.

Maamada dhashay iyo aabaheed ayaa canaan kala daalay habeen walba oo leh xagee ku soo daahday,oo aad ka socotaa xiligaan? , Nasrudiin ayaan teleefan u dirayey ma dhihi kartee habeen walba, waxay tiraahdaa gabar hebel ayaan la joogay.

“Adoo Meel fog joogoo, ii muuqaneyn baan,maqlayaa codkaagee”

Saq dhexe iyadoo ku soo daahday teleefankii Nasrudiin oo u bixi waayay ayey tagtay guriga,cabsi weyn ayaa hareeysay.siday xiligaan u garaacayso ganjeelka guriga,tuugo kama cabsi qabtee, Aabe iyo hooyo ayaa ku soo kacaya garaaceeda,waxay go,aansatay in ay darbiga ka boodo oo aysan garaacin hase ahaatee iyadoo iska hubinaysa in banaanka guriga la fadhiyo iyo in kale ayey isha saartay duleelka gan jeelka.

Qooraansi iyo is war wareejin ay ku bidhaansaneysay barxada guriga waxay hambariirsi ku aragtay hooyadeed oo gambar ku neg barsada hore.

Naxdin ayey Qac,walaac iyo isweydiin ayaa ku dhalatay,waxay niyada iska tiri,” Malaha waa qalbigaada ee mar kale qumaati u eeg”

Nimco la sii raacaysa,dhididna dusheeda ka onkoday ayey dhegaheedu maqleen,dhawaaqa codka aabaheed oo leh” Waryaa maxaad fiirineysaa”

Inta tabarta awooda idlaatay,hadalkana ku dhegay ayey dhabarkeeda bacleeshay,waaba aabaheed Farah oo la soo habeensaday Xaaji Cabdi Aw Muunye oo xaaskiisii Haweeyo bukaan socod tahay.

Cod kulul ayuu mar kale ku celiyay Xaaji Farah,wuxuu ku yiri” Maxaad sida tuugada daldaloolada u hambariirsaneysa”

Nimco oo shik shik naxdineed la ildaran ayaa cod sare isugu qiil raadisay “Hooyaa guriga iga soo burisay oo aan rabay inaan iska tuug tuugo Aabe”

Xaaji Farah oo jawaabta Nimco la yaab ku noqotay ayaa cod sare dhawaaqay oo yiri” Hooyo ayaa I soo burisay aaa”?

Inta aysan Nimco jawaabin ayey Hooyadii oo gudaha ka maqleysay hadalka Farah,la soo booday baraka beesho been badanaa,hadaa u socoda sideey galabta u baxday,waa gabadh badraantay ee soo geli gudaha.

Xaaji Farah oo kuuraya ayaa Nimco garbaha qabtay,oo gudaha u hantaataqshay,waxaana ka hor yimid oo gacanta ku dhegay Hooyo Seynab.

“ Sow tan la yiraa gabadh iyo hooyadeed waa saaxiib,xaaladu ma fiicnee,iskala hadal Maamada” ayey Nimco Farah isku maaweelisay ka gadaalna jurbo ayey dhab dhahday.

Hooyo Seynab jurbadeeda maba dareemin oo ciil iyo caro waalid ayey kax la ahayd,waxaana Nimco loo qooshay Maxkamad Xabsi guri.

Xeerka Dhaqanka Somalida ayey muteysatay Nimco,waxaana dusheeda mar labaad ka Onkoday garbaash,ilaa ay ku calaacashay,iga joojiya usha,waan sheegayaa meesha aan ku soo daahaye.

“Sheekh Faarax usha ka jooji,Naayaa sheeg oo runtana sheeg” ayey Hooyo Seynab ku indha kuurtay.

“HADAL II DABOOLNAA,DADKA AAN KA QARIN JIRAY,AYEY DANI U TIRI SHEEG”
”Hooyo aniga wiil ayaan jeclahay isaga ayaa idiin imaan doona mardhow,ee hala iga dhafo dilka iyo goodinta joogtada ah”

Hooyo Seynab jiljileec iyo garwaaqsi ma gelin qirashada gabadheeda .
”Jajab oo Jiisoow,Jaceyl goormaad gaartay”ayaa loogu jawaabay, kadibna silsilad dheer ayaa lagula xiray sariirta, fara muraxa iyo fikirka hayo Nimco Nasrudiin ma oga balsa wuxuu farxad xumo dareemay markuu war iyo wacaalkeeda waayay dhoowr habeen maxaa yeelay waa isbedel Uguba.

Nimco ma leh awood ay ku aado taleefoon waxayna Niyadeeda ku shidan hees ay aamusnaan ku qaadeyso.
Shimbiryahoow Madushaa, Madabeella Raacdaa,

Dalyaqaan Matahayoo,

Meeshii Laguu Diro ,
, Doowgeed Magarataa?

Waa iska xaal aduun,xaajo iyo qofkeed,xumada jaceylkana waa xeer aan laga gudbin,xiisahuna waa xeeyndaab aan xagal daac lahayn.

Nimco hadeey aamusneen ku heeseyso,Shimbiryahoow ma duushaa,Nasrudiin af furan buu adeegsanayaa fiid meer maxaa yeelay isaga wuu qurba joog caashaq galay,lamaanta uu calmadayna dal colaadeed ayey ku nooshahay,telefoon iyo internet maleh.

Maaweelo ayuu naftiisa ku bilaabay,buug ayuu soo qaatay laakiin maskaxdiisa waxaa ku shidan.
Fiidmeerta Duushaay ,
Fariinteeyda Qaaddoo
Ha furfurin adoon arag
Farxaddii jaceelykaay
Ku calloool fiyooboow
jaceeylkii qarsoonaa ee ABWAAN XUSEEN OW FAARAX DUBAD, Ereyadoow ka yiri ayey Agab ka Dhigteen Nasrudiin iyo Nimco.

La soco qeybta 4-aad ee Sheekadda Dikaan Jaceyl


 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com



 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software