June .08.2008 Waagacusub.net sheekooyinka jaceylka

CAQABADIHII HORE EE GUURKA:Yeredka oo culus +Saboolnimada= maxaa lagu daweyn jiray.

 
 


Guurkii hore ee soomaalida reer guuraaga ah waxa yered loo bixin jiray xoolo aad u badan oon dad badani awoodi Karin.

Ninka dhallinyarta ah ee guur u meerka ahi wuxu had iyo jeer ka fikiri jiray siduu u heli lahaa adduunkii uu badhna yered u bixin lahaa badhna reerka ku dhaqan lahaa, taas baa keeni jirtay in weynaan lagu guursado.

Yeredku wuxu ahaa caqabad keeni jirtay in wiilka loo diido gabadha arrintaasina waxay ku kallifi jirtay inaanu inanta reerkooda weydiisane la tago-la baxsado.

 Marka uu si caadi ah u soo doono ee inanta la siiyo markiiba looma meherin jirin aqal galkuna dhakhso uma dhici jirine dib buu u soo diyaargaroobi jiray muddo dhowr sano ah inantuna way sii sugi jirtay.

Nin kale hadduu soo doono lama siin jirine waxa la odhan jirin nin bay u doonan tahay.

Yeredku wuxu ka mid ahaa waxyaabaha ugu horreeya ee caqabadda ku ahaa guurka, dhinac kale haddii laga eegana wuxu gaashaan u ahaa furriinka oo maadaama ninku adduun badan bixiyey kuma degdegi jirin inuu gabadhiisa si sahlan u furo, hadday gabadhiisu ku adadkaatana farsamo iyo dulqaad waayeel buu ku wadi jiray.

Saboolnimada

Saboolnimada ama wax la’aanta ayaa iyana ahayd caqabad hortaagan guurkii hore ee soomaalida.

Wiilku hadduu ka dhasho qoys sabool ah waxa ku adkayd inuu guursado gabadha uu doonayo, weliba xilli ku habboon maadaama aanu awoodayn inuu bixiyo adduunkii noolka ahaa ee looga baahnaa inuu bixiyo.

MAXAA LAGU DAWEYN JIRAY

Inkastoo ay jireen caqabadahaa hortaagnaa guurku haddana bulshadii soomaaliyeed ee reer miyiga ahayd waxay lahayd hab ay ku furdaamiso oo ay kaga gudubto.

Ninku marka uu guursado waxa la siin jiray xoolo uu gaar u yeesho oo qoyskoodu gooni ugu sooco.

Xoolahaasi waxay ku bilaabmi jireen waxa tafiir ka jooga neefkii loogu xuddun xidhay, wixii kale ee xoolahaasi uga go’ana waa la siin jiray.

Waxa la odhan jiray xoolo-gooyo. Intaas waxa dheeraa in dadka ay qaraabada yihiin u ururiyaan xoolo la yidhaa dhibaad ama kaalo.

Xoolahaasi waa qaar isagana mustaqbalka looga fadhiyo inuu wax ka bixiyo marka qof ka mid ah dadkii ay kaalo-wadaagga  ahaayeen uu guursado.

Gabadhuna marka ay reerkooda u diiqa tagto waxa la soo siin jiray xoolo la yidhaa yabadh.

Xoolahaas la isa siinayo ee kaalada ama dhibaada, xoolo-gooyada, iyo yabadhku waxay qoyska cusub ee dhismaya u noqon jireen waxtar ballaadhan, waxanay ka gargaari jireen culayskii kaga yimid gabbaatigii iyo yeredkii inanta, inta soo hadhaana waxay ka dhigan jireen dhaqmaad.

La soco taxanaha SIRTA GUURKA

Waxaa Qoray Qoraa sare

Hassan Madar

Hargeysa-Somaliland

 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com



 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software