07. August . 2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada.
Kalmado ragga iyo dumarka Muqdisho ay xiiseeyaan oo reer Somaliland ay aad uga caroodaan.

 
 


Kalmado badan oo ay ka mid yihiin,  Shukaansi,Naayaa,Naagteeyda,Naagtaas,Habarta
,habarteey,duqda,duqa oo Ragga iyo dumarka Muqdisho dhaqan ahaan ay isticmaalaan ayey Reer Somaliland aad uga caroodaan,waxayna kalmadahaas xagooda ka dhigan yihiin aflagaado lafa gaara oo micnooyin badan Xambaarsan.

Reer Somaliland waxay shukaansiga u yaqaan ,dhaqan xumo ,sameyn falgalmood ama tuuqtuuqsi,waxaana laga yaabaa inay kula dagaasho ama xaal lagaaga qaado hadii aad gabadh {Inan} reer Somaliland ah ku tiraahdo inaan ku shukaansado ayaan doonayaa.

Waxaa Jumladaas ay ka sii neceb yihiin dumarka Somaliland in loogu yeero,Naayaa,waxaase xumaan oo dhan aad gurigeeda garaacday marka aad Xaaska aad qabto ee guriga kuu joogta,aad qof kuu timid ku tiraa Waa Naagteeyda,duqdeeyda ee barasho wanaagsan,waayoo kalmadahaas waa kuwa loo fasirto erayo ceeb badan oo aan si rasmiya loogu cadeyn Karin sheekadaan.

" Waxaan la dawaqsanahay qolo reer Xamara oo deris aanu nahay,waar ma bilaa Xishoodbaa waa maxay Naagteyda,Habarteyda,duqda I dhashay,duqa I dhalay iyo waxyaabaha foosha xun ee ay tixayaan"sidaas waxaa Waagacusub ugu waramay gabadh reer Somaliland ah oo sheegtay in Naagteeyda ceeb tahay oo lamaantaada ama Ooridaada loogu yeero,gabadheeyda,hooyada ku dhashayna tahay hooyo oo aysan ahayn mudnaanteeda Habar iyo duq.

Hargeysa oo ay ku nool yihiin boqolaal dhalinyaro reer Muqdisho ah,waxaa inta badan ka dhaco isfaham waa iyo kala dhaqan duwanaansho laakiin dhinaca kale waxaa la oran karaa waa markii ugu dhawaa ee Muqdisho iyo Hargeysa xaga dhaqanada si hoose isaga faa-iideysanayaan.

Dhalinyarada Muqdisho marka ay sheeka doonka yihiin,waxayna gabadha ku bilaabaan inaan ku shukaansado ayaan doonayaa,marka ay sheekada isla gartaana waxay faahfaahintooda ka dhigtaan,xalay waxaan u shukaansi tagay heblaayo,laakiin Hargeysa taas waa ka arrin kale oo xaal ma hurto kugu noqon karta.

 

Maxamed Cabdi Sacuudi

Hargeysa-Somaliland


Waagacusub Arimaha Bulshada
Nurkhaire@hotmail.com

 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software