07. August . 2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada.
Wiil xaal ka bixinaya gabadh uu Aabaheed waydiistay
‘qiso la yaab leh oo Hargeysa ka dhacday..

 
 


Wiil reer Muqdisho ah oo lagu magacaabo Mahad N.C ayaa lagu xakumay inuu xaal ka bixiyo isfaham waa kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu doonayay inuu guursado Aabaheed kadib,markii uu Aabaheed u tagay oo isu baray inuu doonaya gabadhiisa.

"Adeer iska waran,magaceygu waa Mahad,waxaan doonayaa inaan gabadhaada guursado ,waana dhameeysanay,sidaas daraadeed anigu halkaan ehel iima joogo,waxaana kuugu socday inaad garab iyo ehel ii noqoto"ayuu ku yiri Mahad ,Aabaha dhalay Samiira oo ah gabadh ay mudo is jeclaayeen una dhalatay gobolka Togdheer ee Somaliland.

Aabaha dhalay Samiira ayaa mar qura kursigii ka istaagay,wuxuuna ku yiri Wiilka Reer Muqdisho"Waaryee maxaad leedahay,waa maxay waxa aad ku hadleeyso,sideebaad ku guursaneysaa gabadheeyda,waar ma dhaqan celis baad tahay ,bilaa dhaqanyahoow"

Samiira oo dibada qolka fadhiday ayaa ku naxday qeeylada Aabaheed ,waxayna ku oraday maqsinkii ay ku jireen laakiin Jacaylkeedii oo baxsada ayaa iridka ku jiiray,dabadeedna waxay Aabaheed ku tiri" Aabe maxaad wiilka sidaa ugu qeeylisay oo ku helay"

Samiira wuxuu Aabaheed ugu jawaabay" Waar waa maxay bilaan dhaqanka aad wadatay ee doonaya inuu hooyadaa guursado,inaalilaahi wa inaa ilaaheey raajacuun,soow kan halkaan ka sugayay Inantaada ayaan is dooneeynaa igu yidhi"Gabadhaada ayaan doonayaa inaan guursado,subxaanalaah"

Samiira oo naxdin aawgeed dhidid xoogan ka socday ayaa mar qura qosol aawgeed dhulka dhacday,waxayna ku tiri" Aabe dhaqankeena ayaa kala duwan,Reer Koofurka waxay gabadh u yaqaanaan Inanta,wuxuuna ula jeeday ,Inantaada oo ah aniga ee Aabe Cafwan"

Samiira sharaxaadeeda waa u cuntami wayday Aabaheed,wuxuuna ku yiri" Aabe aniga waxaa ha igu maslaxeyn,wiil xun oo dhaqan bi’isa ayaad ii keentaye,waan is gacan qaadeeynaa haduu igu soo laabto"

Ismari waa iyo isfaham xumo markii ay lix maalmood aloosneed oo Samiira Aabaheed maalin walba dib u goconaya wixii uu wiilka ku yiri,ayuu Mahad u bandhigay rag ay asaxaab ahaayeen,waxayna ugu dambeyn isku raaceenin Xaal la siiyo gabadhaas aabaheed,laakiin Mahad oo ay u cuntami wayday,markii uu baaris dheer sameeyay kadb wuxuu garwaaqsaday in Gabadhaada ay u macna tahay Xaaskaada marka la eego lahjada ama luqad fahamka dhaqan ee Beelaha wada dega Somaliland.

Mahad N.C oo ka mida dhalinyaradii Muqdisho uga baxay dagaaladii March ee sanadkaan,waxaa uu dhacdadaan uga sheekeeyay Wariyaal ka tirsan Waagacusub,wuxuuna sheegay in dhib badan ka jiro isfahamka Muqdisho iyo Hargeysa,isagoo ku kaftamay" waxaa jira rag badan oo tii dheereed ay ka raacday,balse qarsanaya jugtooda"

Maxamed Cabdi Sacuudi

Hargeysa-Somaliland


Waagacusub Arimaha Bulshada
Nurkhaire@hotmail.com

 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software