April .07.2008 Waagacusub.net Arimaha  Bulshada

Seddex neefood:- qiso qosol iyo xigmad badan 6-aad

 
 


Waxa aad ku miyirsatay iyada oo kugu leh: ?Haddii aad I saamaxdid maydkan aniga ayaa asturaya oo waxba laguu raacan maayo.? Markaas ayaa kuugu horreysay in aad ka fekertid qudhaadu in aad deldelaad u xidhan tahay. In aad iyadana dishid iyo in aad toogasho ka badbaaddid ayaad isku mar ka fekeraysaa. Haddii aad xasuusta daqiiqado sariirta dib ugu celisid waallidii ayaa kugu soo noqonaysa, xaggeeda ayaadan mindida ula dhaqaaqaysaa.

Haddiise aad maydka dhulka daadsan iyo noolahan awoodda daran ee eegmada quusta ah kugu baryaya fekerka ku soo koobtid waad yar miyirsanaysaa. Waxaa maskaxdaada ku soo noqday hadalkeedii ahaa: ?Maydkan aniga ayaa asturaya oo waxba laguu raacan maayo.? Ma runteed baa? Sidee ayey u asturaysaa? Qudheeda mar kale ayaad dili kartaa haddii ay maanta xerowga raqdiisa kaa asturto. Ku talogal la?aan ayaad u weydiisay:

?Sidee baad u asturaysaa??

?Isla caawa ayeynu cidla ku soo xabaalaynaa cidina ogaan mayso.?

Markii aad Siraad sidaa ula gorgortamaysay naagtaadii ma ay ahayn ee waxay ahayd sheydaan aad heshiis wada gasheen.

Naagnimadeedu waxay kaa dhimatay markii aad u soo gashay iyada oo xerowgu ku dabbaalanayo.

Ma balli baa sidee loogu dabbaashay? Heshiiskaas ayaad ku miyirsatay iyadana ku daysay. Sidaas ayaad isla habeenkii bakhtigii xerowga magaalada debeddeeda ugu soo aasteen, oo aad haylihii iyo kutubtiisiina la xabaasheen.

Maalmo ka dib markii la idin weydiiyeyna waxaad ku jawaabteen in aydaan sidii uu mushaharka bisha u qaatay meel uu ku dambeeyey war iyo wacaal ka hayn. Mar dambena la idinma weydiin. Awelba wuxuu ahaa wax meeldaran ka yimid.

Waxaad qorshaysay marka aad dhagarta xerowga iska hagaajisid in aad iyada dilkeeda u soo jeesatid, laakiin xaalku si aadan filayn ayuu isu beddelay.

Bishii xigtayba naag kale oo aad awelba taqaannay guursatay, in aad nolosha marka kale caadi ku soo celisid, waxii dhacay oo dhannan halkaa ku dhaaftid Siraadna dunida iskaga ceeshto ayaad talo ku gaadhay.

Dilkii aad u qorshaysay waxaad ugu beddeshay furriin. Dabadeed ha lagu dabbaasho mooyee haddii la doono ha la muquuro.*

Siraadeey, waqtiga iyo duruuftu xoogganaa oo wax beddeli ogaa! Miyey jiri jirtay gabadh kaa dhawrsan oo kaa edeb iyo asluub badani?

In nin aad kaaga da weyn laguu dhisay xaq miyay ahayd? Isaguna in uu sida ubaxa guryaha lagu sharxo keligaa aqal weyn ku dhex dhigay ma xaq bay ahayd?

Doobkii waardiyaha ahaa in aad weheshigiisa u baahatay dabadeed caashaqday ma damac bay kaa ahayd sow dareen iyo dookh dabiici ah ma ay ahayn? Kii jaan ee ku qabay fiid aan la filayn in uu iska soo dheelmaday sow qaladkiisa ma ay ahayn? Xerowgii ma adiga ayaa dilay, sow isagu ma dilin? Haddiise aad soo jeedisay in maydka la qariyo ma wax weyn baad dhintay, sow nin dhintay kabihiisu ma dhaamaan? Waxii dhacay dhace ee haddii aad damacday in aad fadeexadda iska aastid maxaad bi?isay?

Waxaas oo dhan denbi kuma aad lahayn, haddana maalintaas ka dib hurdo macaan iyo degganaan nafsadeed waad kala tagteen.

Habeen walba waad seleshay, cid walba waad ka baqday, sirtaa hoogga leh ee aan labadiinna cid saddexaad idinla ogayn ayaana ku cuslaysay.

La soco taxanaha oo gelaya jawi naxdin,qaracan,xigmad iyo muusig badan

W/D Ibraahin Yuusuf Axmed "Hawd"

Email:Ibraahinhawd@hotmail.com


 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
ŠAll Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software