Dicember .06.2007 Waagacusub.net  sheekoyinka jaceylka

Calafkeey I Seeg{sheeko xiiso badan }Qeybtii 1aad

 
 


Sanooyin iyo sanooyin ayuu ku jiray doon-doonasho gabadh uu nolosha uunka kula qaybsado. Mar walba, wuxuu niyadda ku hayey inuu helayo mid calafkiisu ku dul gowriirsado.

Tiro laguma soo koobi karin inta ay gabadh kala xiriir furteen kadib markii qaababkoodu is-haleeli waayeen.

Waxaa arrintaas hiyi kaca leh mar kasta xusuusinayey markuu arko dhowr da’a ka hooseyday oo tarankoodu jidadka firxanayaan, asna uu eber taagan yahay.

Markaas ayuu afar iyo labaatankii saacba go’aamo fara badan isku duqeeyaa, laakiin waxay ku soo wada laabtaan isla ebertii, illayn ficil aan qorshe hawl qabad lahayn marna ma hagaagayee.

Wuxuu mar kasta madal u yeeli jiray qorshooyin meel marintoodu aysan hagaagsanayn. Sidaas darteedna, waxay madashaasi ku qaadan jirtay waqtiyo dheer.

Muuse wuxuu sanooyinkaan dumarka u il-xoolaadin jiray si gaara.

Mid kasta oo uu la kulmo wuxuu isku dayi jiray in uu ka gaaro ogaal buuxa duxda qofnimadeeda. Muuse wuxuu bartay saddex gabdhood oo la kala yiraahdo Sahro, Sareedo, iyo Qadar.

Wuxuu gabdhahaas kala bartay biloyin isku xig-xigay. Sababta uu u badiyey gabdhaha uu bartay waxay ahayd inuu ka soo dhex-saarto mid u qalanta marwo guri, diyaarna u ah udub u taagid qoys cusub oo bulshada qaybo firfircoon ka gala.

Muuse saddexdaas gabdhood waxaa ugu horreeyey mida la yiraahdo Sahro.

Inkastoo ay Sahro niyad wanaagsan u heysay, haddana wuu ka fiigay waayo waxay ugu muuqatay in aysan ahayn qof u dhiganta shaqsiyaddiisa qofnimo taasoo uu ka dareemay cillado aan lagula dhaqmi karin awgood.

Sidaas darteed, wuxuu ka duubtay niyaddii dhankeeda u soo foorartay, wuxuuna u weecday dhanka labada kale oo midba uu gooni u koodin jiray.

Waxay labadaas gabdhood ahaayeen kuwo uu kala saari waayey markii hore waayo waxay iska shabbaheen dabeecadda, qaabilaadda iyo habka dhar xirashada. Taasi Muuse waxay ku kalliftay inuu dersid dheer u yeesho, soona kala saaro.

Sareedo iyo Qadar waxay Muuse ugu muuqdeen in ay yihiin labo gabdhood oo mudan guursi.

Wuxuu mid walba goonideeda ula yeeshay barasho gaartay heer sare, wuxuuna ka bartay ehelkooda iyo waalidkood isagoo doonaya inuu is-barbardhigo waalidyada.

Muuse inkastoo uu muddo badan waxbarasho bannaanka ugu maqnaa, haddana wuxuu fegrad ahaan haystay mahmaahda ah Gabadh lama guursadee, ehelkeed baa la guursadaa.

Wuxuu lid (anti) ku ahaa fegradaha dhallinyarada tiraahda casriga cusub baan la soconnaa.

Muuse intii uuna hablahaas baran ka hor waxaa marar badan guur ku soo hadal qaaday abtigiis Nuur, wuxuuna u soo muquuniyey dhowr gabdhood oo ehelka ah.

Haseyeeshee marna oggolaansho lagama helin waayo wuxuu diiddanaa in gabadh uusan afkiisa iyo dadnimadiisa ku soo xero gashan dad u soo xero xareeyo, laguna yiraahdo Muuse waa loo guuriyey, taasoo ugu muuqatay liidnimo iyo meel ka dhac aan da’diisa iyo dadnimadiisuba ahayn, kalliftayna inuu dad badan sidaas ugu gacan seyro.

Labadii gabdhood ee uu isku waday waxaa imtixaankii ku guul darraystay Sareedo kadib markii hooyadeed Cawralo ugu muuqatay in ay tahay soddoh xun oo qaylo badan.

Taasna wuxuu ka ogaaday dad la dhaqanka darsaalka oo uu habeenno farabadan kula soo kulmay ayadoo dersaalku ka gargalyoonayaan.

Waxaa kaloo si ba’an uga sheeganayey niman ka qabay labo gabdhood oo Sareedo ka waaweynaa.

Waxay nimankaasi, guud ahaan, soddohdaas ku tilmaameen in ay tahay qof xumaan ku sifowday, gabdhaheeduna guursi mudnayn, kuwa haatan laga qabana ay habboon tahay in loo sii daayo waayo cid ay gar la wadaageyso iyo gar ka baxaysa ma jirto.

Waxaa u muuqda oo kali ah wixii markaas maskaxdeeda ku soo dhaca.

Qallooca soddoh Cawralo uu ku arkay waxaaba ka sii darnaa Aabbaheed Colow iyo wiilal la dhashay oo gar-maqaatayaal ahaa, islamarkaasna waxaa colaadi dhex-tiillay Cawralo iyo Colow oo Sareedo dhalay.

Sababtuna waxay ahayd Cawralo waxay waligeedba jeclayd in iyada gabdhaha laga soo doono, bixintoodana ay ku hawl-yeelato, mid walbana kiish xisaab (lacag) ah looga keeno.

Waligeed waxaa ka reebbanaa in ay ka danbayso ninkeeda Colow.

Gabadh laga guursado tii ugu danbaysay waxaa labada walid ku kala gaaray ceeb iyo foolxumo lama arkaan ah iyadoo waliba gacanta Colow nabarro uga baxsadeen Cawralo.

Colaaddaas labada waalid awgeed, waxaa lama huraan noqday in abtiyaalka iyo adeerradu galaan, gabadhiina hal sano iyo bar hawlihii guurkeedii dhamays-tirnaa dib u dhacay.

Dadka dabeecadaha qallafsan ee ay ka dhalatay awgood, Sareedo waxay ugu muuqatay in aan loo geli karin. Taasna wuxuu u aanaynayey qaababka dadkoo idil uga sheeganayeen.

Wuxuu Muuse is-tusay inuusan waxyaabahaas ka fursan doonin oo ay xumaato kala gaarayso isaga iyo xididkiis.

Isagoo arrimahaas tixgelinaya, gabadhaasina niyad wacan u hayay ayey haddana ku kalliftay inuu ku gaabsado xiriirka uu la lahaa Sareedo maadaama reerka ay ka dhalatay cillado badan yihiin.

Dib-u-gurasho xeeladeed ayuuna uga saan-tirtay saaxiibtinnimadii uu gabadhaas muddada la lahaa, wuxuuna u soo go’ay dhanka Qadar.

Macaamilada uu xumeeyey waxaa ku garatay Sareedo oo iyadu ka hari weyday.

Muddo badan ayey la daba joogtay jacayl uusan garwsasho u haynin, laakiin marna ma ayasan noqonnin inuu Muuse dhankeeda dib u milicsado.

Inkastoo ay gabash wanaagsan ahayd, haddana waxaa la xiriiray dad qaab la dhaqankoodu xun yahay.

Taas oo uu arkayey in reer erey badan guul-darrrooyin u danbayso sida dabeecadda Soomaalidu qabto, laguna tilmaamay mahmaahda oranaysa, Qoys ereley ama erelow gundhiggiisu waa gumaadmaa.

Hablihii kale ee uu xiriirka la lahaa wuu ka soo go’ay, wuxuuna isku koobay Qadar oo qudha. Wuxuu qiyaasay inay ka sidato tii ugu danbaysay ee uu xiriirka u laabay, nasiibna ay u yeelatay inuu Muuse hablihii uga soo haro, niyaddiisoo dhanna uu xaggeeda u soo jeediyo.

 In muddo ah markii saaxiibtinnimo wanaagsan lahaayeen buu habeen habeennada ka mid ah ku yiri: Qadar, waxaan filayaa in aan wada soconnay muddo dheer, sidaas awgeedna, waxaan jeclaan lahaa in aan hawlaheenna soo gabagabayno.

In badan ayey sugeysay hadalka Muuse ka soo yeeray, waxayna marar badan laabta iska tiri, malaha ujeeddadiisu waa dhalanteed.

Iyadoo wajiga hoos u qarsanaysa, isna moogeysiinayday ereyada Muuse ka yeeray ayey tiri, waa maxay hawlaha la gabagabaynayo?” Ma waxaad dooneysaa in far waaweyn wax laguugu qoro? Ayuu Muuse ku yiri.

Sideydaba ereyada maldahan adeegsigooda waa layga badiyaa, waxaana jeclahay in wax waliba si cad iigu qeexan yihiin.

Waa ii caddahay in aad ujeeddadayda fahansan tahay, balse haddii aad igu xujeyday ogow inaysan taas dhib igu ahayn. Hadalkoo isku duubanna wuxuu yahay, Maxaad ka qabtaa haddii aynu nolosha isku habayno oo dhisno qoys mujtamaca tiirarkiisa ka mid noqda.

”Ereygaas afkiis ka soo baxay ee muddada uu la raagay waxay sugeysay xilliyo hore, waxayna si fudud u tiri waxba kama qabo, laakiin aabbe ayaan iskula tageynaa haddii aad raalli ku tahay.

Muuse oo su’aal ku celiyey wuxuu yiri, haddii aabbe oggolaansho la’aani ka timaado maxaynu samayn? Qadar oo su’aashaas ka jawaab celinayda waxay tiri, kolleyba haddaan raalli isku nahay waxba naga xumaan maayaan.

Middeeda kale, waalidkey marna ma diidayaan qofkii naftaydu doorato oo aan wato, weliba horey ayey iigu ballan qaadeen in ay igu darayaan qofkii aan keensado shuruud la’aan.

Muuse ayaa hadalkii qaatay isagoo leh, haddii aad waaalidkaa isku hubaal ka haysato, waxaan soo diyaarinayaa wixii ku tala-gal ah.

Sidaas awgeed, ilaa iyo inta aan ka soo diyaar garoobayo arrinteenna yaan qofna ka warhelin.

Waqtigaas wixii ka danbeeyey Muuse wuxuu ku haaraamayey niyaddiisa saacad walba in ay leedahay qof lagula hirto, isla-markaasna dhamaynta hawlaha guri galkoodu ku xiran tahay diyaar garowgiisa.

Wuxuu u feyd-feytay siduu ku hirgelin lahaa hawlahaas isagoo isku halleyn ka dhiganaya hadalkii Qadar. Inkastoo uusan keyd hantiyeed lahayn, haddana wuxuu lahaa niyad wanaagsan iyo saaxiibbo fiic-fiican.

Wuxuu kaloo awooday inuu nolol maalmeedkiisa soo saarto. Sidaas darteedna, wuxuu heystay waxyaabihii aasaasiga ahaa ee u baahnaa.

Taasina waxay u noqotay dhiirri gelin weyn waayo waxaa markii hore welwel ku hayey isla helidda wixii arrimahaasi ku fuli lahaayeen, haatanse waxaa u haray u soo bandhigidda gabadha iyo mowqifka oo waalidka loo gudbiyo.

Habeenkii danbe buu Muuse soo aaday gurigii Qadar asagoon beryo ka warqabin, kuna mashquulsanaa hawlihii gaarka ahaa iyo arrimo guud oo kale.

Habeenkaas socodka Muuse wuu ka duwanaa kii habeennadii hore waayo ku talo gal gaar ahaaneed buu watay.

Iridka qolka ay ku jirtay marka uu foodda soo geliyey ayuu u jeeday Qadar oo jiifta sariirtii.

Asagoon qofna wax su’aalin buu kaligiis isla hadlay. Wuxuuna laabta ka yiri, suurtagal ma ahan inay Qadar 7da fiidkii jiifto cudur la’aan, kolleyba waxbaa jira, balse aan su’aalo.

Aayar buu saanta soo qaad-qaaday, iskana ilaaliyey shanqarta, markaas buu sariirtii dhan uga soo fariistay, kuna yiri, “xaggee lagaa hayaa?” Asagoo gacantiisa midig dhabankeeda ku taabanaya si uu eego heerkulkeedu inta uu gaarsiisan yahay sidii tow yahay takhtar ku soo takhasusay cudurrada guud.

Muuse wuxuu u dhashay wiil dabeecad qabow, laxow badan, insaanimadiisuna (aadaminnimadiisuna) sugan tahay, lehna raxmad wanaagsan.

Qadar oo hadalkuba dhibayo baa dhankiisa u soo jeesatay markaas bay ku tiri, Muuse dhowr beri waan jiifay, waxaana I haya cudur I saaqay , dhan xanuunku iiga badan yahayna ma garanayo.

Islamarkaana qufac ayey marar badan is-daba dhigtay. Muuse oo dareensaday ayaa ku yiri, Ma durey baa kugu xumaaday? Wallaahi durey iguma xumaan oo sidaad iiga jeeddaba diif iyo qandho durey la iguma arko, balse waxan garan waayey cudurkan I haya qaabkiisu wuxuu yahay.

Maxaad baaritaan caafimaad u aadi weyday? Sow ma ogid in cudurku kugu sii fidayo. Qadar oo u jawaabaysa ayaa tiri, Dorraad subax ayaan isbitaalka baaritaan u tegay, wuxuuna takhtarkii ii diray raajito feeraha ah, berri ayaan ka soo qaadan doonaa natiijada.

Iyadoo weli hadalkii sii wadata ayey tir Bal wixii iga soo baxa la arki doonee, kolleybase waan hubaa inaysan wax cudur ah iga soo saaraynin.

Intaas markii ay afkeeda ka soo baxday ayey dhowr goor qufac is-dabadhigtay iyadoo weliba tahanteeda isku celinaysa.

Yaase qufac feero ku jira taag iyo tabar uu ku celiya u haya.?

In door ah markuu joogay buu inta istaagey ku yiri, habeen danbe ayaan kaa soo wardoonayaa Waa yahay ayey ku soo kala tageen.

Nabad-gelyo iyo nooli kulanta, cudurkana Ilaahay shimbir buubaya samada ha u saaro ama baddaas baaxadda weyn ha ku kala ambiyo.

Aamiin bay ka daba tiri asagoo iridda ka soo baxaya. Jid laami ah oo guriga ka danbeeyey ayuu aayar uga soo luuday ayadood mooddid inuu qudhiisu bukaan haarsaday, madaxiisuna hoos u fooraro, wuxuuna aad uga xumaa jirrada uu kala soo kulmay Qadar.

Markii uu Muuse iridka ka baxay bay Qadar sariirtii ka soo degtay, albaabkiina xiratay, dibna jiifkii ugu laabatay ayadoo ay maskaxdeeda ka diyaamayso ereyadiisii.

Waxay aad uga welwelsanayd jawaabta ay kala kulmi doonto raajitada takhtarku caddeynaayo. Habeenkaas oo dhan welwel baa waagu ugu beryey.

Subaxnimadii quraacda kadib waxay soo qaadatay raajadii, waxayna ula timid Dr. Ismaaciil oo ku taqasusay cudurrada feeraha, ahaana nin aad u deggan.

Eegmo kadib, wuxuu yiri, Iska soo qaad anaalis buuxa sida candhuuf, kaadi iyo saxaro, wuxuuna u soo diray shaybaarka halkaas oo ay ku fulisay dhammaan wixii takhtarku soo faray.

Waxay mar kale dib u soo celiday dukameenti qayb walba wixii lagala soo kulmay lagu qeexay.

Dr. Ismaaciil waxaa durbadiiba u soo baxay cudurkii Qadar la taahaysa, wuxuuna ku yiri, Diyaar ma u tahay inaynu ku jiifinno isbitaalka Foriliino qaybta qaaxada, mise daawooyinka laguu qoro gurigaaga ayaad asturnaan ugu qaadanaysaa, awoodse ma u leedahay inaad iibsato?Waxay ugu jawaabtay, Datoore wixii daawooyin ah oo aad ii qorto gurigeyga ayaan ku qaadanayaa.

Intaas markuu ka sugey ayuu qalinka iyo waraaqdii is-dulsaaray, wuxuuna qoray nuucyo kala duwan oo daawooyin ah.

Wuxuu kaloo u dhigay saddex bilood oo fasax ah asagoo tusaaleeyey habka qaadashada daawooyinka iyo nuucyada cuntada ku habboon. Dr. Ismaaciil oo hadalkiisii sii wata wuxuu yiri, Qof weyn oo caqli leh, qaan-gaarna ah ayaad tahay.

Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah inaad ku dhaqanto waanooyinkeyga. Ogwona inaad u caafimaadeyso hadba sidii aad isu dhowrto, uguna dhaqanto tusaalooyinkaan.

Waxaana kaa reebban hawlaha soo socda oo dhan.

1.Waa inaad ka dhowrsanaato nuucyada jeermiska, islamarkaana aad yeelato weelasha ciddu wax ku cunto kuwo ka baxsan.

 2.Waa inaad iska dhowrtid dhaqdhaqaaqa faraha badan oo aad nasasho badan guriga ku qaadato.

 3.Waa inaadan dayicin qaadashada daawooyinka aan kuu qoray, aadna ku dedaasho cunto wanaagsan oo isku dheellitiran, weliba dufan leh.

 4.Haddii aad nin leedahay ha isu oggolaanin ilaa aad hubiso heerka caafimaadkaagu ku sugan yahay.

Ogowna in cudurkaani kaaga bogsoonayo hadba sida aad ugu dhaqanto awaamiirtaas

Waa Socotaa.... (La Soco Qaybta 2aad)
 


 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software