Dicember .06.2007 Waagacusub.net Sheekooyinka jaceylka

Galgacaylkii Qarsoonaa( Sheeko xiiso badan)qeybtii-
10aad

 
 


Axmed juqraafi sidii uu u fadhiyay goobtii uu ku dhageystay heestii gilgishay dareenkiisa wuxuu ka kacay markii uu dhegahiisa ku soo dhacay aadaankii salaadda maqrib si degdeg ah ayuu u beegsaday masajidka oo wax sidaa ah uga fogeyn halkii ay deganaayeen.

ka dib salaadda ayuu axmed sidii ballanta ahayd u holladay in uu aado guriga saxiibkii keyse.

xilliga lagu jiray wuxuu ahaa xilli roobadka oo dhaxan darani ayaa habeenkaa dhaceysay,dadku waxay siteen jaakado ,balse axmed maba uusan dareemeyn wax is badal ah..

intii uu axmed ku sii jeeday hoyga saaxiibkii wuxuu ka walwalayay sida ay noqondoonto talada keyse.

wax uu soo guureeyaba wuuu soo gaaray gurigii waxaana ka furtay albaabka gabar yar oo keyse la dhalatay inta uu gabadhii madaxa usalaaxay ayuu hore u beegsaday qolka keyse oo markaa isagana ku howlanaa dhar feereyn.

markiiba axmed baa ku booday saaxiibkii halkaana waxaa ka dhacay is marxabeyn.

keyse wuxuu si dhaqsi ah u bogay howshii u tiillay ka dibna inta uu dharka iska xareeyay ayuu saaxiibkii axmed juqraafi soo agfadhiistay is xaal wareysi ka dib keyse ayaa hadalkii bilaabay oo yiri....

"saxiib manta ma qadeysay?

ma ogi xilli aan qadeeyay maba xusuuto ayuu axmed si degdeg ah ku yiri...

keyse oo doonaya bal in uu saaxiibkii marka hore weydiiyo waxa is badalka ku dhaliyay ayaa sii watay hadalkiisa isagoo yiri:

"saaxiib waad waalan rabtaa adiga waxaa kuu dhiman oo keliya in aad dharka tuurato.

haa saaxiib beentaa maaha waxaad i dhado waa run waad waalantahay walaalkaa baa laga helaa..ayuu axmed ku yiri saaxiibkii.

keyse waxaa ka muuqatay xamaasad,wuxuu ka gilgilyooday xaaladda saaxiibkii halka ay taagantahay oo uu hubay hadii ay sidaan ku sii socoto in uu qatar ku suganyahay axmed.

mar kale ayuu  keyse bilaabay in uu saaxiibkii waaniyo uu dhinacyo badan wax ka tuso maadaama uu kaga horreeyay xagga fahmitaanka nolosha iyo dhacdooyinka noocan oo kale ah sida loo xalliyo.wuxuuna keyse  hadalkiisa ku billaabay...

“horta saaxiib waxaa hore loo yiri nimaan tashan wa loo taliyaa waxaan filayaa in imika aad iigu timid in aan talo kaa siiyo waxa kan kugu soo kordhay,,bal marka hore aan muuqaal guud kaa siiyo sida aad isku badashay waxba kaa qarinmaayo..

saaxiibkeey baad tahay aan jeclahay wixii ku gaarana waan ku qasbanahay in aan kula qeybsado,waxaad ogaataa in dunidan ay tahay maalmo kooban ilaah dadka wuxuu ku kala sarreysiiyay waa xikmad u gooniya,kala sarreynta dhabta ahna maaha dunida oo maal lagu kala sarreeyo,e waa taqwada ilaah.

marka walaal gabadhaas maanta ma jirto gabar aan u dhigaa xag walba,waxaana ku dhihi lahaa maanta daawo kale oo aan kuu hayo ma jirto oo aan ahayn in aad gabadhaas xiriir la yeelato,weliba waxaa ku jira caafimaadkaaga waxa dhan sidaan kuu galayana waa kalgacayl xooggan oo aad u qabto. 

markii uu keyse ku dheeraaday hadalkii ayuu axmed ka dareemay in uu doonayo in uu markiisa siiyo fursadda...

wuxuuna yiri isagoo axmed jaleecaya..haye saaxiib maxaad ka dhihi lahayd waxa aan ku iri...

axmed baa bilaabay in uu jawaab ka celiyo hadalladii saaxiibkii wuxuuna yiri...

“saaxiib waad mahadsantahay saaxiibka dhabta ahna waxaa la gartaa xilliga baahida,maanta ma jiro wax iiga dhib badan arrinta i heysata oo aad iga caawinlahayd...

waana wax jira waxa aad ii soo jeedisay dhamaan,balse saaxiib arrintaas ah in aan xiriir la yeesho gabadhaas fani ah maweysan jirin wadiiqo kale oo aan kaga gudbi akro?

keyse baa la soo booday...horta saaxiib maxaa kaa hortaagan arrintaas  ii sheeg?

axmed baa isagana ku jawaabay...saaxiib waad ogtahay dadkaan warkood...

waayahaye ma heysaa adigaa og sida aad wax u dareemeysee  arrin kale oo kuu roon..

keysaa mar kale weydiiyay axmed.

saaxiib ma ogi aniga balse adiga xal kale keen..axmed baa yiri..


Faadumo Macallin Abuukar (Faadumoruush)

faadumoruush@hotmail.com
 

Waagacusub Arimaha Bulshada
fatkayare123@hotmail.com




 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software