06. August . 2007 Waagacusub.net Arimaha Bulshada.
Waxaad ogaataa in Uurku meel yahay!!dhambaal ay gabadh u qortay {QEYBTA 8AAD}.

 
 


Dhambalkan 8-aad ee Cinwaankiisu yahay "Alle wuu arkaa wuuse u kaadinayaa" waxaa qortay gabar u dhalatay dalkii hore loo oran jiray Midowga Soofiyeeti.

Gabadhaas oo ka soo jeeday Qoys Sabool ah waxay si aad isu jeclaayeen wiil isagana kasoo jeeday qoys sabool ah, balse gabadhii waxaa soo doontay Nin Oday Maalqabeen ah, reerka oo Shiid ahaa si ay shiidnimada uga baxaan wax Shaki ah ma gelin soo doonashadiisa oo degdeg ayaa ruqsad iyadoon laga sugin loogu Mehriyey, iyagoo u xilanaya Hantida uu leeyahay, mudo kadibna deg-deg ugu aqal geeyeen iyagoo aan la tashan Gabadhii.

Aroos juu-juub ah oo aysan raali ku ahayn ayay gabadhii gashay, balse saddex bilood kadib ayay wiilkii ay xiriirka jacayl lahaayeen la soo xiriirtay oo dhambaalkan u soo dirtay, iyadoo uga sheekeynaysa daruufihii adkaa ee soo maray muddadii ay ninkaa la noolayd isla markaana u qalbi qaboojinaysa, waxayna qoraalka dhambaalka Ciwaan uga dhigtay "Alle wuu arkaa wuuse u kaadinayaa" waxayna ku bilowday sidan:-

=Ehelkaan lahaa hadday Oday i siiyeen Anfacana ka qaateen, waa uur xumo i heysee adigana ogsoonow, oogada jir ahaan ayaan kala jooga, Uurkuna xaggaaguu soo jiraa.

=Weli kuma iloobin kumana iloobi doono abid intaan dunida joogo, ayaantii timaadana orod oo agtag baan is iraahdaa, marna waxaan is arkaa anoo u yeer is iri, isimkaaga magaca kuu ah soo dhufto.

=Waxaad ogaataa in Uurku meel yahay, aniguna itaalkey, waxaan is leeyahay intaad Duni ku nooshahay, mid kaleeto aayiyo Mustaqbal Lama aslaayee, waxaan uba dambeeyaa adiga weeyaan.

=Adkeysaan ku leeyahay wiil yahow, arrimada iska ilow, afduubka laygu sameeyayna anba qaadan maayee, {Alle wuu arkayaa wuuse u kaadinayaa}, ee samir yeelo.

Kadib waxaa la caddeeyay in Odaygii gabadha guursaday uu ka war helay in gabadha lasoo juu-juubay oo nin kale ay jeclayd, Hantina looga iibsaday qalbi aan u soo jeedin, markaasuu furiin ugu baaqay, lana shaqeeyay inay dib u hanato wiilkii u qarsanaa qarash badana ku bixiyay guurka wiilka iyo gabadhaas kana dalbaday cafis guud.

Thank you Mr Hajji Tahriib.

 


Waagacusub Arimaha Bulshada
Nurkhaire@hotmail.com

 
©All Rights Reserved Waagacusub.net |Contact:waagacusub.net@gmail.com |Designed by Cfitaaxsom Software